Xisbiga kulmiye oo ah xisbi soo jirey ilaa 2002 isla markaana ah qaangaadh waa xisbi ay dadka soomaliland labeentiisu ku jireen dadka shicibka ahina ay la barbar taagnayeen taageeradooda hiil iyo hooba.
Mudadaa dheer ee uu jirey rag badan oo siyaasiyiin ah iyo bulshada somaliland waxa uga dhex muuqdey damacooda guud iyo mid gaar ahaaneedba, hadii aan si kale u dhigo waxay bulshada gudaha iyo dibadaba ku nooli ka rajeynayeen hogaamin mustaqbal dhow iyo mid dheerba leh.
Doorashadii dhaxdey 26,june,2010 ee loogu tartamaayey hogaaminta dalka ayaa waxay dadweynaha somaliland u haraadanaayeen is badal siyaasadeed oo dalka ka dhaca wakhtigaasi oo aad looga hor yimid hogaamintii madaxweyne daahir riyaale kaahin isla markaana la tuhunsanaa inuu marxaladii maalintaasi dalku taagnaa ay wax badan ku soo kordhin karaan xisbiga kulmiye iyo musharax mujaahid siilaanyo talaabooyin wax ku oolana ay hore u qaadi doonaan.
Waxaa xusid mudan in dadka waayeelka ahaa ee aqoonta u lahaa madaxweyne siilaanyo ay aad uga soo horjeedeen inuu dalka hogaamiyo.
Dhalinyaradana waxay ku talin jireen ineyna dooran siilaanyo iyagoo ku guuldareystay iney ku qanciyaan dhalinyaradaasi oon dhag jalaq u siin hadalka waalidiin badan.
Tirada codadka ugu badana siiyey xisbiga iyo musharaxiisa.
Nin doona iyo nin diidaba waxaa doorashadaa si weyn ugu guuleystey xisbiga kulmiye iyo musharaxoodii axmed siilaanyo.
Madaxweynaha doorashada ku guuleystey wuxuu xilkii kala wareegay m/weyne riyaale oo si taariikhiya ku wareejiyey xilkii uu qarankan u hayey 27/7/2010 waxaana loo dhaariyey madaxweyne siilaanyo hogaminta dalka ee shanta sanadood ee soo socota.
Dhalinyaradii codkooda siiyeyna waxaa gashey rajo iyo yididiilo weyn oo taabaneysa dareenkooda waxbarasho, iyo dhaqaale labadaba.
Cadaalada oo adkaata qabyaalada oo looga guuro xisbiya iyo dimaqoraadiya oo xoogeysata.
Aafadii ugu weynayd ee dhalinyarada iyo qoysaskooda haysatey waxay aheyd tahriibka waxaney aaminsanayeen inaan cid danbe tahriibi doonin maadaba mudane siilaanyo madaxweyne noqdey.
Udub wuu tagayaaye ha tahriibin walaal.!
Halku dhagani wuxuu ahaa mid caan ku ah weedhihii kaanbeynka dhalinyaradu u isticmali jireen.
Hadii aan dib ugu noqdo waxyaabihii madaxweyne siilaayo ku dhaliili jirey xukuumadii talada haysey ee riyaale waxaan ka soo qaadan karaa dhowr qodob.
Golihii wasiirada ee tirada badnaa.
Musuqmaasuq baahey iyo boobka dhulkii danta guud ahaa ee hindia lineka oo meelo kooban ahaa.
Mudo kordhin.
Shurucda dalka iyo distoorkii oo lagu tuntey.
Haamaha shiidaalka berbera iyo dekada oo lacagta ka soo baxda ay toos ugu dhacdo madaxtooyada.
Qodobadan Iyo qaar kale oo badan waxay ahayeen dhaliishii ugu weyneyd ee siilaanyo u isticmaali jirey kaanbeybkii doorashada.
La soco……….Qormada 2aad…..
QALINKII ;JAMAAL CABDI XASAN