WAJAALE NEWS

Ururada Bulshada Rayidka ah oo daneeyayaasha siyaasadda Dalka kula taliyey in deg deg loo xaliyo Khilaaf Wakiiladda

“Bulshada rayidka ahi waxay ugu baaqaysaa dhamaan daneeyayaasha siyaasada in ay ka feejignaadaan inay gacan shisheeye ka talisa arrimaha dhexdeena sidii dhacday 2009” SONSAF

Hargeysa(Wajaalenews) Ururada bulshada Rayidka ah oo war-saxaafadeed ka soo saaray shir ay ku darseen xaalada siyaasadeed ee ka aloosan Golaha Wakiiladda ayaa ku taliyey in si deg deg ah loo xaliyo khilaafkaas, iyagoo daneeyayaasha siyaasadda Dalka ugu baaqay in laga ilaaliyo gacmo shisheeye.

WAR MURTIYEED:

Kulan maanta ay iskugu yimaadeen bulshada aan dawliga ahayn ee Somaliland waxay kaga tashadeen xaalada siyaasadeed ee maata dalku marayo iyadoo sidaynu wada ogsoonahay uu cirka isku shareeray khilaafka Golaha Wakiilada ee Somaliland.

Kulankan oo ka dhacay xarunta SONSAF ee magaalada Hargeysa waxa lagu falanqeeyay xaaladaha taagan ee khilaafka golaha wakiilada, doorashooyinka iyo saamaynta ay inagu yeelan karaan waxyaalaha ka dhacaya mandiqadan aynu ku nool nahay ee gobolka Geeska Afrika.

Hadaba waxa kulankaas laga soo saaray qodobo muhiim ah oo bulshada rayadka ahi ugu baaqoyso dhamaan danayeysha siyaasada, iyadoo marwalba ay tahay in aynu ka feejignaano gacan shisheeye oo ka talisa arrimaha dhexdeena sidii dhacday 2009;

 

 

Mustafe Sacad Dhinbiil

Guddoomiyaha SONSAF

Exit mobile version