WAJAALE NEWS

Siyaasada Maanta ee Somaliland

Xirsi oo isticmaali doona lacag iyo xeelada waxa uu ku soo bixi doonaa musharaxa keliya ee xisbiga kulmiye. Abshirtu waa sidaa xirsi

Xukuumadda uu hoggaamiyo siilaanyo waxa ay jeceshay in loo kordhiyo muddo ah laba sano. Siilaanyo ma rabo mana qaban karo maamulka dambe hase yeeshee waxa loo leeyahay “ wuu isa soo sharraxayaa” waxa ay tahay cimri-dherer loo rabo xirsi inuu ku soo boodo musharaxa xisbiga kulmiye, taasoo ay sheekadu tahay in laysku jebiyo saddexda sacad muuse ee musharaxnimada xisbiga kulmiye laysku sudhay.

Xilliga la qabto madasha golaha dhexe ee xisbiga kulmiye, waxa ku kulmaya saaxadda musharaxnimada xisbiga saddexdaa sacad muuse iyo xirsi oo dabada ku wata dhawr musharax oo kala noqon doona H/jeclo, H/yoonis, Arab, C/gale, G/biirsi iyo Dhulbahanta, kuwaas oo taageero u ah wasiir xirsi oo uga tanaasuli doona ugu dambaynta.

Xirsi oo isticmaali doona lacag iyo xeelada

waxa uu ku soo bixi doonaa musharaxa keliya ee xisbiga kulmiye. Abshirtu waa sidaa xirsi baanu ahaan doona musharaxa kowaad ee xisbiga, qudhaanjooy ku quurso.

Kolka hadaba maxaa ay noqon doontaa arrimaha, Biixi iyo Samaale?

Waa suaal dhextaala bulshada Somaliland.

Siilaanyo waxa ay saaxiib ahaayeen Xasan Guuleed, sidaasi darted xirsi waxa uu u taagan yahay goobtii Ismaciil Cumar Geele, waxaanay tahay inuu ku boodo kursiga madaxtooyada ee beddeli doona siilaanyo, “ nin ragii taa waa uu garanayaa, nacasna loo sheegi mayo”.

Jamaal haddii la doorto waxa uu dalku noqon lahaa sida ismaamulka dawlad goboleedka somalida Ethiopia ee barwaaqada iyo dhaantada ku jira, halkay manta maraysana aynu ognahay ama arkayno.

Ciro waa dhuxul danbas huwan oo siyaasad qabow ku duulaaya oo aan dadka kala jeclayn caddaaladna looga aayi karo haddii la doorto.

Xirsina waa nin mayal-adag oo soo dhoweyn leh, dabeecadii ina cigaal inuu leeyahay aad moodo dad-wad leh-dib u gocoshose aanay naga madhnayn nalagu sheegaa.

Kolkaan malluugta siyaasadda eegnay waxa doorashadaa ka muuqatay in xirsi iyo cirro mid ahaan ku guuleysan doono musharanimada madexweynaha ee soo socota.

Ugu dambayn, xa-da iyo cayn-ka kii hal-dheeri leh bay guushu ahaatay, insha allah.

 

……………………………………………….La soco qaybaha danbe…………………………………………..

 

Wabillahi Tawfiiq.

Allaa Mahad Leh

Dr. Mouse Abdirahman

Email: Dan-sheeg4@hotmail.co.uk

Uk, London.

 

Exit mobile version