WAJAALE NEWS

Real Madrid oo Beenisay in Aanu Bale Ka Tagayn Kooxda.

HARGEISA(Wajaalenews);Tababaraha kooxda Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa daboolka ka qaaday inuu doonayo Gareth Bale inuusan kooxda ka tagin xili leysla dhexmarayay inuu ka tagayo Bernabeu.

Toddobaadkan oo dhan ayaa la hadalhayay in 25 jirkan ay dooneyso Man United oo Louis van Gaal miiska u saarayo xiddigii hore Spurs £300,000 isbuucii.

Laakiin Ancelotti ayaa beeniyay warkaas waxaana uu aaminsan yahay Bale inuu baaqi ku sii ahaan doono garoonka Los Blancos iyadoo ay jirto Isco inuu la soo baxay dardar aan caadi ahay garoomada uga muuqda si wayn.

Daily Star isagoo lahadlayay macalinka waxaa uu sheegay Bale inuu u qalmo in uu ciyaaro kana mid yahay ciyaaryahanada ugu fiican kooxdiisa.

Isco ayuu sheegay inuu si fiican u ciyaarayo uuna ka rajeynayo ilaa dhamaadka xagaaga inuu sidan sii ahaado,waxaana uu u sheegay inuu tartan kala dhaxeeyo Bale.

Bale ayaa safan doona kulanka Champions league Liverpool ay la ciyaarayaan salaasada usbuucan.

BY,HAMZE JIRDE AHMED

Exit mobile version