Hargeysa, (Wajaalenews)- Waxa uu waalaa ama heerkeeda saxda ah uu ka dhaqaajiyaa Maskaxda qofka Bina-aadamka ah, sidoo kale waxa uu burbur ku ridaa dhaqaalaha. Dadka isticmaalkiisa la qabsatay qaarkood waxay aamminsan inuu faa’iido u leeyahay ama aanay ka maarmi karin. Waxa jira dad inta badan ka faallooda arrimahaas oo bandihga dhibaatooyinkiisa, balse aan badi loo dhegtaagin talada iyo tusaalaha ay ka bixiyaan wax-yeelladiisa.
maxame cabdi daa’uudMaxamed Cabdi Daa’uud oo ah Badhasaabkii hore ee gobolka Maroodi-jeex, waa Qoraa ku nool magaalada Hargeysa, waxa uu qoray Buugga Hadimooyinka Qaadka, waxaanan Hargeysa oo aan kula kulmay Maxamed kaga waraystay sababta ku kalliftay qorista Buuggaas, dhibta iyo dheefta uu leeyahay Qaadku oo Dabcan Barnaamijkeennani ku saabsan yahay, halka uu ka yimi, sida uu Soomaalida ku soo gaadhay, ujeeddadii cunistiisu ku bilaabantay, ciddii bilawday, saamaynta uu leeyahay dhinac kasta oo laga eego iyo isagu marar uu cunay waxa uu dareemay.
Waxa uu Maxamed Cabdi Daa’uud oo ka jawaabaya sababta ku kelliftay Buugga Hadimooyinka Qaadka, waxa uu yidhi; “Allaah ha u naxariistee Nin aannu walaalo nahay oo iga waynaa illaa afar sano oo Curadkayaga ahaa oo runtii aan ku deyeyn jiray oo hormuud ii ahaa, waayo marku ninku kaa wayn yahay waad ku dayanaysaa. Markaa, Iskuulkii baa loogu taagi waayey, Qaadkuu bilaabay, Sigaarka ayuu bilaabay, markii dambana Khamriga ayuu ku xigsiiyey, sidii buu ku tegay oo uu Al-koolik ku noqday, markaa balwaddaba waan nacay ninkaas daraaddiis, waan jeclaa aad baan u jeclaa, qiimaha uu lahaa iyo sida ay Balwaddu u gashay, Iskuulkana wuu iga horreeyey oo markii loogu taagi waayey ee laga quustay baa aniga Iskuulka la igu daray, Qoyskayaguna qoys iska danyar ah buu ahaa.”
“Markaa, ninkii dhammaa ee aan ku dayanayey sida uu ugu baabba’ay darteed baan Bawlad oo dhan ula colloobay oo aan cadaawad u qaaday, Qaadkaan la col ahay, Sigaarkaan la col ahay, Khamrigaan la col ahay oo balwad oo dhan baan la col ahay, waayo inay qofka isticmaala baabbi’inayso ayaan arkayaa. Markaa, Qaadkan markii dambe waxaan arkay inuu hiirtaanyo leeyahay, waxaanan dagaalka Qaadka bilaabay anigoo yar, 15 jir baan ahaaa dagaalkiisa markaan bilaabay.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed.
Waxaanu intaas ku sii ladhay oo yidhi; “Qolo Waxdatul Shabaab Al-Islaamiya la odhan jiray baan berigaas galay, Niman Culimo ah oo waawayn oo Culimadii dalka ugu waawaynaa ahaa oo ay ka mid ahaayeen Sheekh Axmed Cabdillaahi, Sh. Cumar Xuseen, Ina Xanan-side iyo Aw Saliim Culimo qaali ah oo dalku lahaa baa wax noo dhigi jiray oo Diinta na bari jiray, iyagu way wada qayli jireen siday u dhan yihiin, anigu dhalinyarada ku soo biirtay baan ahaa, Rag iga horreeyey-na waa jiray, qaar iga yar-yaraana waa jireen, halkaas baan markaa la-dagaallanka ololaha qaadka ka bilaabay.”
Maxamed Cabdi Daa’uud oo fasiraya halka ay isaga iyo saaxiibbo badan oo uu yeeshay ka bilaabeen la-dagaallanka qaadka, waxa uu yidhi; “Markaa, waxaan idhi dhalinyartii; ‘Waar Raggani Qaadka way la qabsadeen oo meel ay ka noqdaan ma joogaan, waana Culimadeenniiye, innagu aan ka badbaadno inaan Qaad cunno, fikirkii baa badi la ila qaatay, waanan ku guulaysannay, midh midhkii qaadka bilaabay ee naga baydhayna waannu goynay inuu meesha iskaga baxo oo aanu inta kale sadhaynin, halkaas baan ka bilaabay. Markaa, Wadaaddadii ugu horreeyey ee dhalinyaro ah ee aan Qaadka cunin ayaannu Somaliland ka bilawnay, weliba Hargeysa, markii dambena Burco ayaannu geynay, Boorama ayaannu geynay illaa Jabuuti baannu gaadhsiinnay.”
“Dhalinyaradaa Waxdad baa la odhan jiray, markaa may Qayili jirin, halka Culimadii wax noo dhigaysay ka Qayilayeen, taasina waxay ahayd dedaal faro-badan oo aannu muujinnay, Dhalinyartina way ku badhaadheenoo Dugsiyadii Sare, Jaamacadihii iyo Waxbarashadii meel walba kaalmaha hore ayay u galeen oo niman aad wax u bartay oo qiimo leh bay noqdeen, markii dambana Caado ayay noqotobay badi in Dhalinyaro badan oo Diinta bartay oo aan balwad lahayn oo aan qayilaynin la helo, Shaqooyinkiina safafka hore ayay u galeen oo qof aqoon leh, Diinta ku fiican oo dhalinyar ah wax fiican bay noqotay.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Cabdi Daa’uud.
Kala Soco Wargeyska Himilo qaybo kale oo Xiiso badan oo ka mid ah Waraysigan oo dhinacyo badan taabanaya