WAJAALE NEWS

Mashaariicda Horumarinta Ee Ay Jabuuti Ku Talaabsatay Sanadahan Dambe

Jabuuti(Wajaalenews)Horumaradda aadka u balaadhan ee uu dalka Jabuuti ku talaabsaday xiliyadan dambe ayaa waxaa ka mid ah in badhtamihii sanadkan uu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele uu kulan kula yeeshay magaaladda Washington madaxweynaha Maraykanka Brack Obama.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha amnig, horumarinta, Ganacsiga iyo Xaalada Soomaaliya. Hase yeeshee Intii uu socday kulanka Madaxweyne Obama iyo Madaxweyne Geelle waxaa afaafka hore ee Aqalja Cad ka socday banaan bax ballaaran ay dhigayeen dad Jabuutiyaan ah oo ka soo horjeeday nidaamka Madaxweyne Geelle, iyagoo ku qeyliyay in aanay jirin madax banaani, xoriyad, waxaana ay ku sifeeyeen nidaamkiisa mid keli talis ah

Madaxweynaha Jabuuti oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Mareynkan ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, isagoo xusay inay dib u cusbooneysiiyeen heshiiska Ciidamada Mareykanka ku joogaan dalka Jabuuti oo ay xero milateri ku leeyihiin.

Madaxweyne Geele oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xidhiidhka labada dowladood ka hadalnay, heshiiska joogitaanka Jabuuti ee Ciidamada Mareykanka ayaa cusbooneysiinay, waxaa ka hadalnay shirka afrika iyo mareykanka ee dhacaya Bisha Agosto, arrimaha gobolkeena ka hadalnay, arrimaha Soomaaliya ka hadalnay, iskaashiga ka hadalnay”.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Obama uu kala hadlay sidii dhalinyarada Jabuuti ay shaqo uga heli lahaayeen xerada ay ku leeyihiin dalka, sidoo kale waxaa uu xusay in Mareykanka ka kaalmeynayo dhinaca Tamarta.

 

 

Mar uu ka hadlayay arrimaha Soomaaliya ayuu sheegay inay ka wada hadleen isaga iyo Madaxweyne Obama, waxaana uu xusay inuu ku baaqay in la tayeeyo ciidamada Soomaalida, si amniga loo sugo, isla markaana hadii aan ciidamada la tayeyn aanay suura gal aheyn in Soomaaliya ka dhacdo sanadka 2016 doorasho.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah saddex dowladood oo saldhig milateri ku leh dalka Jabuuti, iyadoo saldhigaas Mareykanka u isticmaalo howl galada la dagaalanka Argagixisada Soomaaliya iyo Yemen.

Dhinaca kale Jamhuuriyadda Jabuuti oo kaashanaysa Maal-qabeenno Carab ah, ayaa bilaabaysa Dhismaha laba Dekedooda midkood laga hirgelinayo degmada Dameer-joog oo masaafo dhowr Kiilomitir ah u jirta Soohdinta ay la leedahay Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shalay dhagax-dhigay dhismaha deked weyn oo la mid ah dekedda magaalada Jabuuti, taas oo laga dhisayo deegaanka Dooraale, taas oo lagu wado in culayska lagaga qaado dekedda weyn ee magaalada Jabuuti oo ay adeegyadeeda isticmaalaan waddamo dhowr oo dawladda Itoobiya ka mid tahay.

Waxa kale oo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle dhagax-dhiggeeda muddeeyey deked kale oo laga hirgelinayo deegaanka Dameero-joog masaafo aan badneyn u jirta xuduudka Somaliland la wadaagto Jabuuti, taas oo lagu wado in ay noqoto deked laga dhoofiyo Xoolaha Nool waxaana maalgelinteeda iska kaashaday dawladda Jabuuti iyo Maalqabeeno u dhashay waddamada Khaliijka Carabta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay munaasibada dhagax-dhiga dekedda, ayaa yidhi, “Waxaan aragnay in dekedeenan duugga ah aynu ku soo gaadhnay in ay wali shaqayso oo aynaan imika ka jawaabi karin waxyaabaha aynu doonayno”.

Md Ismaciil Cumar Geelle waxa uu sababeeyey baahida keentay dhismaha dekedda Cusub, waxaanu yidhi, “Gudoomiyaha dekedu wuxuu yidhi Dekedani waxay u adeegi doonta sagaal iyo labaatan Mayluun oo tan oo Xoolo ah oo uu halkan ka diri karaa, Sagaal iyo labaatanka malyuun dekedeenu ma diri karto.Sidaa daraadeed magaalada badhtankeedii ayuu noqday meel laga kordhiyaana ma jirto, Kolkaa waxay noqotay inaynu halkan u soo guurno aynu maanta (shalay) u fadhino xafladda dhagax-dhigga ee dekeda cusub ee Dooraale,”ayuu yidhi Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Munaasibadda lagu dhagax-dhigay dekedda.

Munaasibadda lagu dhagax-dhigay Dekedda cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti, waxa ka qayb-galay isla markaana xukuumadda Somaliland u metelayey Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Md Cabdirisaaq Khaliif oo socdaalkiisa uu ku jooga Jamhuuriyadda Jabuuti ku sababeeyey marti-qaad uu ka helay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Jamhuuriyadda Jabuuti.

 

 

Waxa kale oo munaasibadda dhagax-dhigga dekedaha cusub ee Jabuuti ka qayb-galay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Dalka Itoobiya oo waddankiisu ku tiirsan yahay isla markaana badeecadaha ugu badan kala soo dega Dekedda weyn ee magaalada Jabuuti.

Dhismaha Dekedaha Cusub ee ay hirgelinayso, ayaa la filayaa inay saamayn taban ku yeelato isla markaana suuqa dhoofka Xoolaha nool kula dagaalanto Dekedda Magaalada Berbera ee Somaliland oo ah marsada tirada ugu badan ee Xoolaha nool waddamada Carabta looga dhoofiyo.

Sidoo kale waxyaabaha horumarka ah ee ay Jamhuuriyadda Jabuuti ku talaabsatay waxaa ka mid ah in ay samaysatay dekad cusub oo la yidhaahdo Dooraale, Cufnaanta gaadiidka ee dekedda Dooraale ee Jabuuti ayaa sare u kacday 126% iyadoo kobocaasi ay sare u qaadeen dalabaadka cuntada iyo badeecooyinka kale ee u safra dhinaca Itoobiya oo iyadu ah dal bad-ka-go’an ah.

Dekedda ayaa waxaa soo maray ku dhawaad 156,000 oo kontaynar rubucii ugu dambeeyey sanadkii 2011-ka, iyadoo ay 69,000 oo kontaynar mareen waqtigaa oo kale sanadkii 2010. Dekedda ayaa waxaa mara shixnado inta badan ku socda Jabuuti, oo iyada la diiwaan geshay in ay kordheen 21% alaabaha dekedda u mara, meesha ay kuwa Itoobiya u marana kordheen 70

Xajmiga alaabaha ka baxaya dekedda Jabuuti ayaa iyaguna sare u kacay, iyadoo ay shixnadda guudi sare-kacday in ka badan 3% intii lagu jirey rubucii afraad ee 2011-ka marka la barbardhigo waqtigaa oo kale sanadkii ka horreeyey.

 

La soco qaybo kale….

Kobciye999@gmail.com

Axmed M.M.Cismaan

Tel.0659118408-0634699390

Exit mobile version