WAJAALE NEWS

Maayirku Muxuu Magalada Qashinka Uga Hagaajin Waayay??Qalinkii Nimco Baashe Cabdi

Asalaamu calaykum waa raxmatuulaahi waa barakaatu,Waxaan salaamayaa dhamaan Akhristayaasha sharafta iga mudan meelkasta oo ay dunida ka joogaan,

waxaan rabaa inaan halka ku soo gudbiyo maqaal aan kaga hadlaayo hawlaha u yaala maayirada iyo dadwaynaha ku nool deegaanka,Marka laga hadlaayo hawsha maayirka kaliya maaha in uu ku kooman yahay dawlada hoose balse waxaa uu xilkeedii hayaa hawsha deegaanka oo dhan,Halkaas waxa ka soo baxa isaga ayaa dhabarka u ridanaya haday amaan tahay iyo haday dhaliil tahay labadaba,Ninka Maayirka ah in uu yahay nin wax qabad badan waxaa laga gartaa caasimada uu wakiilka ka yahay,Marka aad magaalada sidaa u soo gasho hadaad aragto in bilicda magaaladu tahay mid lagu indho doogsan karo waxaad amaan u gunti kartaa maayirka waayo isagaa gaadhsiiyay heerkaa,Laakiin hadayna magaaladu ahayn mid ayna indhuhu qaban Karin oo meesha aad martaba hiif iyo diiqad ku marayso taas oo kale waa magaalada uu ka seexday maayirkii loo doortay in uu hawsheeda gacanta u qaado,Dadku isku mid maaha masuuliyiintuna kala wax qabad wanaagsan,Hadaan tusaale ku siiyo xubnaha farahaagu ma sina sidaa oo kale ayay yihiin bila’aadankuna,Ruuxa siyaasigaa ama jecel in xil loo dhiibo oo uu dadka xil u maamulo,Waxaa haboon ama la gudboon in uu u soo diyar garoobo dhamaan wixii shuruud looga baahan yahay isla markaana uu noqdo in uu yahay in xil lagu aamiini karo,Maayarka magaalada ka ah masuulka waxaa uu xaq u leeyahay in uu dhamays tiro dhamaan wixii loo soo doortay,Waxaana looga baahan yahay in uu caasimada ka dhigo mid dadka dagan ay ku faanaan isla markaana uu kor u qaado bilicda caasimada ama deegaanka,Maayarku wuxuu qabanayaa dhamaan wixii ay magaaladu ku hormari karto,Waa in la hagaajiyaa meelah foolxumada u keeni kara magaalada ama deegaanka,Waa in la dhisaa horumarka dadka iyo deegaanka isla markaana dhexda loo xidhaa wax qabadka deegaanka sidii heer sareeya loo gaadhsiin lahaa Magaalada,Waa in xashiishka ama qashinka laga hagaajiyaa caasimada ama deegaanka ama degmada kolba siday tahay,Maayirka masuulka ka ah degmada maaha in uu inta uu afar nin oo shaqaale ah u diro oo uu yidhaa halkaa iyo halkaa soo qabta intaana soo dhameeya,Waxaas oo kale xil lama yidhaa waayo war uma haysid dadka aad dirtay in ay wax soo qabteen iyo in ay dhexda ka soo laabeen,Laakiin waxaa lagaaga baahan yahay in aad adigu hogaan u ahaato oo aad u raacdo meel kasta oo aad is leedahay maanta halkaa ayaa ku haboon in wax laga qabto,Haday noqoto in aad meel biyo xidheen ah aad xad u samaynayso haday noqoto in aad meel wado ah dhisayso iyo wixii lamida ,Kolay maayirka hawlihiisu aad ayay u badan yihiin marka laga hadlaayo waxa uu xil u haayo umada dooratay,Laakiin waxaa jira niman badan oo maayiro loo doortay oo aad arkeyso in ay waagii baryaba ay hurdaan isla markaan ayna halkaa u dhaafin hawlihii lo xil saaray,Halka ay maayirada qaarna ay habeen iyo maalin u soo jeedaan sidii ay u gudan lahayeen wajibk saaran,Marka aynu dad nahay kolay waxaa jira dhaliilo badan oo aynu u jeedino dhamaan dadka madaxda inoo ah marka laga bilaabo madaxweyne ilaa ka u hooseeya,Laakiin dadka madaxdaa waxaan leeyahay qofka la dhaliilaa waa qofka la jecelyahay waxqabadkiisa,Waayo dhaliishu waxay macno la tahay iyada oo lagugu yidhi “waryaa habal waad waxqabad fiicantahay laakiin dadaal oo noo kordhi waxqabadka,Waa taa dhaliishu laakiin dadkeena qaar ayaad moodaa marka la dhaliilo in ay moodayaan in la leeyahay xilkii waa la idinkala wareegay,Waxaa laga yaabaa in aad xumaan u fahanto dhaliisha ay ku so jeediyaan dadkaagu,Waxaa lagaaga baahanyahay mudane in aad dhabarka u ridadato dhaliisha dadkaaga waayo waa kuwii ku doortay ee kuu dhiibtay xilk aad u hayso,Marka lagu yidhaa waxaanu kuu haynaa intaa oo dhaliil ah adna ku jawaab “waayahay ee waxaad iga sugtaanba waa badelkeedii, Markaas dadkaaguna way ku jeclaan waynu kugu dhiiran doonaan isla markaana ay mar kale ku soo hirtaan in ay ku doortaan waayo waxay arkeen horumarka aad tustay isla markaana aad ku dhaqaaqday,Maxaa kuu diiday inaad intaa dadka ugu jawaabto waayo?Adigana waxay kuu tahay farxad dadkana waxay u tahay niyad wanaag iyo iyaga oo arkaaya inaad hiil iyo hooba la garab taagan tahay,Laakiin marka aydun qofkii yidhaa habal ayaan dhaliil u hayaa hadaad kala soo hor boodaan qori lagu cabsiiyo iyo xabsiga oo loo taxaabo,Runtii waxaasi maaha mid aynu meel ku gaadhi karno waayo dulqaadkii ayaa meesha ka guuraaya,Intaas waxaan kaga baxayaa hadalka aan u soo jeedinaayo maayirada magalooyinka iyo deegaanada maamula ,Iyo dhamaan wixii xil u haya dadweynaha isla markaaa ay u dhaga nuglaadaan shacabkooda,Sidoo kale waxaan fariin u dirayaa dadwaynaha xilalka kala duwan loo hayo gaar ahaan tan maayirka waxaan leeyahay dadwayne waxaa la idiinka baahan yahay in aad gacan iyo garab siisaan madaxdiina gaar ahaan maayirka idin maamula deegaanka,Waxaa la idiinka baahan yahay inaad tustaan halka aad u baahantiin in la baahi tiro iyo halka u baahan waxqabad,Maaha inaad kaliya dhaliil la soo fadhiisataan meela qaarkood laakiin madaxda hor booda oo meel walba tusa markaa haday diidaan way bahaantay inaad dhaliil u buuxisaan,Waxaa jira dad inta ay yidhaahdaan waxaanu u baahaney in maayirku uu halkan ama dooxan naga hagaajiyo waxaanu ka qaadaynaa cudure,Marka sidaa qashinka iyo qudhuka looga guro ee la hagaajiyo meeshii nadiifna laga dhigo,Daqiiqado kadib waxaad arkaysaa meeshii oo aad moodo in aan sanado la hagaajin hada waa meesha hada laga dacwoonaayay ee la lahaa maayirku ha naga hagaajiyo tolow maxaa sidii ka dhigay?Dadkeenu hadayna halka loo hagaajiyo ayna garaneyn illaaliya oo dhawra maxay dadka u leeyihiin wax ha na loo qabto waayo maba garanayaan danahoodii,Markaas oo kale waxaaba wanaagsan in xataa ay dhaliisha joojiyaan oo ay kaliya arkaan wax loo qabto iyo waxa loo qaban wayay,Intaas oo dhan waxa ka qurux badan oo ka wanaagsan kana fiican 100% ,Inaga oo danaheena garana isla markana ku dadaalna sidii aynu deegaankeena u gaadhsiin lahay horumar la taaban karo,Aynu ku dadaalno in aynu danaheena iyo waxa malaayacniga ah aynu kala saarno,

 

Maqaalkan ama qoraalkan maaha mid shaqsi ama maayir kaliya bartil’maameed sanaaya balse waa mid khuseeya dhamaan wixii maayir sheegta ee muumula deegaanka,

 

Qalinkii Nimco Baashe Cabdi

 

Caashaqa555@hotmail.com

 

Hargeysa Somaliland

Exit mobile version