WAJAALE NEWS

Jaamacadaha ma waxa lagu bartaa aqoon mise qabyaalad?.

Makaas si arinkaas looga hortago waa in ugu horayn jaamacadaha la tayeeya qaababkan shaqaalaha loo qaadanayana laga hortagaa, sharciyo adagna lagu hagaa iyadoo

Iyadoo qabyaaladu guud ahaanba ay aad u saamaysay dadka soomaalida ah, ayaa hadana waxa la dareemayaa in magacdhabideeda iyo hadal haynteedu ay marba-marka ka dambaysa sii xoogaysanayso, xitaa qofkii itaalkiis meel dhigay ee aan karti iyo aqoon midna lahayn ayay u noqotay meel uu ku dhuunto isagoo ku hadaaqa “waa la iga xagliyay” markuu waajibaadkiisa ka soo bixi kari waayo

Hadaba taas waxa ka sii daran goobihii waxbarashada sida jaamacadaha ee loogu talo galay in ardayda maskaxdooda, aqoontooda iyo garaadkoodaba kor loogu qaado ayaa waxay isku bedeleen meel lagu barto qudhunka, qabyaalada iyo kala sooc-soocida dadka.

Ardaydu markay dugsiyada sare (secondary) ku jiraan waa arday nadiif ah oo wax wada dhigasho, saaxiibtinmo iyo walaaltinimo badani ka dhaxayso, talabaad dadaal

mooyee intay maqaaxiyaha camiraan kuma lafo guraan reeraha, qabyaalada iyo ku dhaqnkeedaba, baahina uma qabaan inay is toydaan. Laakiin dhibku wuxu bilaabmaa marka ardaydu jaamacadaha bilaabaan, waxay galaan marxalad cusub, waxay la kulmaan xilal kala duwan oo jaamacadaha laga hayo, waxa wax u dhiga oo macalimiin u noqda qaar ka mid ah dad dawlada jago ka haya oo siyaasiin sheegta waxaana dhagahooda ku bata “Reer heabel”, taasi waxay saamayn wayn ku yeelataa maskasxdii ardayga iyo fikrkiisii ahaa waxbarasho kaliya, waxaanay ku kaliftaa in uu isna isku dayo in uu dadka kala barto oo uu wakhti badan galiyo waxaanay markaa ardaydu bilaaban istooyasho, dacaayad iyo qolo-qolaysi iyagoo markaa iskugu imanaya faras magaalaha sida maqaaxiyaha cawayska iyo hudheelada cuntada.

Afarta sano ee ay ardaydu jaamacadaha ku jiraan, waa afarta sano ee ay bartaan qabyaalada, xigsashada iyo kala sooc-soocida dadka, taasna waxa u sabab ah jaamacadaha laftigooda ayaa qaabka ay u dhisan yihiin ay qabyaaladu sal u tahay. Tusaale ahaan waxaad jaamacadaha qaar ku arkaysaa kuliyad(faculty) kasta waxa isku urursaday reer kaliya, iyadaana iskeed u qaadata dhamaan shaqaalaha sida macalimiinta iyadoon ardayda u tudhayn laakiin qabiilka u tudhaysa. Taasi waxay ina tusaysaa in jaamacaduhu gacan wayn ka gaystaan barashada qabyaalada iyo ku dhaqankeeedaba, waxaanay soo saaraan arday sidata laba shahaado oo kala ah mid inyar oo aqoon ahi ku jirto iyo mid qabyaaladi ka buuxdo

Makaas si arinkaas looga hortago waa in ugu horayn jaamacadaha la tayeeya qaababkan shaqaalaha loo qaadanayana laga hortagaa, sharciyo adagna lagu hagaa iyadoo ay iska kaashanayaan dawlada sida wasaarada waxbarashada iyo aqoonyahano madax banaan oo jaamacadaha dalkoo dhan ka dhaxeeya gacantana ku haya. Cidkasta oo jaamacadaha ka hawlgalayana ay noqdaan dad ay soo ansixiyeen gudidaas sare ee matalaysa jaamacadaha dalka oo dhan

Mubarik Hussein Kilas, Community Activist

Kilaas99@hotmail.com

Exit mobile version