Maxaa u yaala Baarlamaanka Somaliland u yaala Ansixintii Goboladda iyo degmooyinka ayaa u yaala
Waxaynu Baryahani ka dheregsanahay Khilaafka ka dhex jira baarlamaanka iyo Xadhkaha laydhka ee xeerarka la doonayo in la marsiiyo Cabdiraxmaan Cirro haddaba Gudoomiyaha Baarlamaanka xukuumadda waxaanu leenahay ha ku duulin Labada ku xigeen ee Kulmiyaysan miyay idinka qarsoontahay in Gudoomiyaha Baarlamaanku Sharci ku joogo meesha isaguna uu yahay meesha ugu saraysa ee baarlamaanka somaliland.
Gudoomiyaha Baarlamaanka miyay idinka qarsoontahay in Xubnaha Kulmiye laftiisa taageerayaal ku leeyahay balse cawaaqib xumadda ka dhalan karta haddii sharciga xukuumadda baalmarto.
Xog dhab ah ayaanu haynaa oo sheegaysa inay labadda ku xigeen Doonayaan inay Xeerkii Saxaafadda Xoog ku ansixiyaan iyo xeerar kale taasi oo gudoomiyuhu isha kaga xareeyay dareensiiyayna waxa meesha ay wadaan.
Haddaba Maadaama Gudoomiyaha Baarlamaanka Sharciga Ku taagan yahay Cabdiraxmaan Cirro Waxaanu Cod dheer ugu sheegaynaa inuu Xeerarkaasi Daadka raaciyo waxaananu kugu Boorinaynaa inaad ansixiso Goboladda iyo degmooyinka Hoos ku qoran xeerkaasi oo taageero mug leh uu ku mutaysan doono isaga iyo xisbigiisuba
1) Gabiley
2) oodweyne
3)Hawd
4)Caynaba
Sedex ka mid ihi waxay ahaayeen Degmooyin Buuxa 1960kii hadda haddii taasi la helo kuwa kalena way ku qasbanyihiin inay anisixiyaan waayo Olole ayay ku galeen wakhtiyo hore Xaaladdu waa Heat qoraalkani waa kii ku qasbay Xukuumaddii hore inay ku dhawaaqdo Goboladdaasi balse doorashadda kuma galaan oo goboladdii ay ka tirsanaayeen ayay hoos tagaan doorasho kasta .
Qalinkii Mohamed Mussa inji