Maxaa iska beddeli doona Xaddiga Cashuuraha laga qaado Wax-soo-saarka iyo Badeecadaha Isaga Gudba labada Waddan?
Hargeysa,(Wajaalenews);Dawladda Itoobiya, ayaa ka hadashay muhiimadda heshiis is-afgarad oo todobaadkan magaalada Hargeysa ku dhex-maray Xukuumadda Somaliland iyo wefti wasiirro ah oo muddo saddex maalmood ah safar shaqo ku joogay dalka.
Wefti ka kooban Wasiirrada 12 xubnood oo Wasiirro u badan isla markaana uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Sufian Axmed, ayaa Xukuumadda Somaliland kulamo saddex maalmood qaatay oo gunaanadkii lagu gaadhay heshiis isf-garad oo dhinacyo badan khuseeya kula lahaayeen magaalada Hargeysa.
Brig Gen BerheSafiirka Dawladda Itoobiya u fadhiya magaalada Hargeysa Brig. Gen. Berhe Tesfaye, ayaa sheegay in danaynta dalkiisa ee isticmaalka dekedda Berbera xilligan ka xoogan yahay sidii hore isla markaana ay wakhtigan si weyn u danaynayaan iskaashi labada waddan ka yeeshaan balaadhinta dekedda iyo horumarinta kaabayaasha waddooyinka.
Qoraal Xafiiskiisa Hargeysa uu ka soo saaray Mr. Tesfaye shalay oo nuqul ka mid ah wargeyska Himilo soo gaadhay, ayaa lagu sheegay in heshiiska isfaham ee labada dawladood todobaadkan kala saxeexdeen ka marag kacayo sida xukuumadda iyo shacabka dalkiisu u danaynayaan sii xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada waddan.
“Itoobiya waxay ahayd, isla markaana ahaan doontaa saaxiibka wanaagsan ee Somaliland, waxaanan wadaagnaa xidhiidh sokeeye oo dhow,” ayaa lagu sheegay qoraal Mr. Tesfaye
Safiirka dawladda waxa uu in ujeedadiisa heshiiska labada waddan dhexmaray yahay balaadhinta qorshaha iskaashiga, “Ganacsiga, maalgashiga, horumarinta kaabayaasha ee labada shacab, kuna gaadhaan faa’iido siman, isfaham, isxushmayn iyo is-aaminaad. Iskaashigan waxa qeyb ka ah wadaagga khibradaha, dhismaha kaabayaasha, hirgelinta iskuxidhka wadooyinka, jid tareen ah oo cusub, ka faa’iidaysiga tamarta korontada, tamarta la cusboonaysiiyo, madaarrada iyo adeegyada xamuulka diyaaradaha,” Sidaas ayuu Mr Tesfaye ku sheegay qoraalkiisa.
Waxa kale oo uu safiirka dawladda Itoobiya ka hadlay qodobbo heshiiska labada waddan dhexmaray ku jira, kuwaas oo fududaynaya isla markaana jaan-goynaya cashuuraha laga qaado badeecadaha iyo wax-soo-saarka isaga gudba labada waddan.
“Waxa laysla soo qaaday maaraynta caqabadaha muuqan kara si loo balaadhiyo iskaashigan ganacsi iyo maalgashi, lana diyaariyo qorshe lagu gaadho heshiis alaabooyinka cashuur-dhaafka iyo xaddiga tacriifadaha loo samaynayo badeecadaha labada wadan soo saaraan ee loo kala dhoofiyo si sinaansho isdhaafsi ganacsi loo gaadho,” ayuu yidhi Mr Tesfaye.
Danjire Tesfaye oo ka hadlayey saamaynta baahidooda dekedda Berbera ku yeelan karto xidhiidhka iskaashi iyo ganacsi ee u dhexeeya dawladda Jabuuti, waxa uu sheegay in heshiiskan abuuri doona koboc dhaqaale iyo horumar loo siman yahay oo dhexmara shacabka Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana aanu wax dhaawac ah u geysan doonin xidhiidhka ay la wadaagaan dalka Jabuuti, gaar ahaan dekedda Jabuuti oo ah meesha ugu badan ee laga soo dejiyo badeecadaha dawladda Itoobiya uga yimaadda waddamada dibadda.
Heshiiska isfaham ee todobaadkan dhexmaray labada dawladood, ayaa sii-amba-qaadkiisa loo xil-saaray guddi farsamo oo ka kooban wasiirro labada dawladood ah, kuwaas oo dhaqan-gelintiisa ku go’aamin doona kulan bisha December ee sannadkan ku dhexmari doona magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
WAJAALENEWS DESK