WAJAALE NEWS

DAAWO;Wefti Culus Oo Ka Socda Dawladda Itoobiya Uuna Hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda Federaalka Itoobiya Ayaa Sibaaladhan Loogu Soo Dhaweeyay Madaar Cigal Iyo Ujeedada Safarkooda.

HARGEISA(Wajaalenews);Wefti ka socda dawladda Itoobiya oo uu Wasiirka Maaliyadda Federaalka Itoobiya hoggaaminayo, ayaa gelinkii dambe ee maanta Booqasho shaqo ku yimi magaalada Hargeysa ee Caasimadda dalka Somaliland, Weftigaas oo si heer-sare ah loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Cigaal ee Hargeysa, waxaana Xubno ka ah Wasiirro kale.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxmaed Biixi Yoonis oo Saxaafadda kula hadlay qolka nasashada Madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa, ayaa shegay inay Weftigan ka wadahadlayaan arrimo la xidhiidha xoojinta xidhiidhka labada dawladood, isticmaalka Dekedda Berbera ee dawladda Itoobiya, Dhismaha Waddo isku xidhi doonta Berbera iyo Itoobiya iyo sidoo kale, qorshaynta Jid Tareenku maro oo laga hirgeliyo inta u dhaxaysa Berbera iyo Addis Ababa.

 

Sidoo kale, Hoggaamiyaha Weftiga dawladda Itoobiya ahna Wasiirka Maaliyadda dalkaas Axmed Shafiiq oo isaguna Saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inay booqashadiisani tahay tii ugu horreysay ee uu ku yimaadda Caasimadda dalka Somaliland ee Hargeysa, isla markaana uu aad ugu faraxsan yahay, una socdaan ka wadahadalka iyo isla-eegista hawlo shaqo oo muhiim u ah dalalka Ethiopia iyo Somaliland.

Exit mobile version