WAJAALE NEWS

DAAWO;Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Cusub loo Sameeyey Xarunta Agoomaha Islamarkaana Dhagax Dhigay Qayb Hablaha U Gaar ah

Hargeysa (Wajaalenews) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo ) ayaa xadhiga ka jaray dhisme cusub oo casri ah oo loo sameeyey carruurta agoomaha Somaliland, oo ay maalgalisay dawladda Kuweit oo laga hirgaliyay caasimada hargeysa.

Dhismaha xaruntan ayaa noqonaya mashruucii ugu weynaa ee dalka Kuweit ka hirgaliso Somaliland, kaasoo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo uu xadhiga ka jaray wajiga koowaad oo la dhameystiray oo ah dhismeyaal aad u qurux badan oo aan dalka hore looga samayn ay oo si heer sare ah u qalabaysan, isla markaana uu dhagax dhigay qayb cusub oo lagu kordhinayo oo gaar u ah hablaha agoomaha ah.

 

Xafladan furitaanka mashruucan ayaa waxa ka soo qayb galay wufuud ka kala socotay waddamada Kuweit iyo Jabbuuti.

Masuuliyiin tiro badan ayaa ka hadlay xafladaasi.

Exit mobile version