HARGEISA(Wajaalenews);Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta Xadhiga ka jaray 5KM oo ka mida wadada isku xidha Hargeysa iyo Salaxlay iyada oo guud ahaan wadadaasi marka la isku wada daro 5Km ee Cusubi ay ku noqonaysaa 28KM oo ay iska kaashadeen Xukuumada iyo Shacbiga Degmada Salaxlay.
Madaxweynaha oo soo dhawayn balaadhan kala kulmay shacbiga Caasimada Hargeysa, mar uu lug ku dhexmaray shacbi farabadan oo isugu soo baxay jidadka ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey madaxweynaha caasimada Hargeysa ilaamaa intii uu ka baxaayey, ka dib waxa uu madaxweynuhu gaadhay goobta Munaasibada xadhig ka jarista loo asteeyey oo madaxweynaha loogu sameeyey beer weyn ka mida beeraha qoolcaday casuumad balaadhan oo qado sharaf ah oo ay soo diyaariyeen Madaxdhaqameedka, Masuuliyiin degmada, Haween weynaha iyo shacbiga degmada Salaxlay oo si sharaf iyo karaamo ku dheehan tahay madaxweynaha iyo weftigii balaadhnaa ee ku wehelinaayey socdaalkiisa ku maamuusay halkaasi.
Waxaana Halkaasi ka hadlay haldoor farabadan oo ku dheeraaday qiimaha wadaniyada, nabadgelyada, dawladnimada iyo wada shaqaynta guud ee qof walba oo muwaadina ka saaran qaranka.
Masuuliyiintii halkaais ka hadlay waxay kala ahaayeen
- Maayarka Degmada Salaxlay Mudane Shiine
- Chief Caaqil Rashiid Maxamed Jaambiir
- Sheekh Maxamed Cali Geedi
- Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland, Sul. Maxamed Cabdiqaadir
- Deeq Cabdi Digaale oo ka mida Qurba-joogta reer Somaliland ee Dalka Uk
- Aabi Xujaale oo ka mid ah odayaasha Qurba-joogta ah
- Maxamed iid Dhinbiil La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada
- Xildhibaan Dheeg oo ka mida golaha Guurtida
- Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Cali Warancade
- Wasiirka Gashaandhiga, mudane Axmed Xaaji Cali Cadami
- Wasiirka Warfaafinta, dhqanka iyo wacyigelinta Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan
- Waxaana hadalka soo xidhay Madaxweynaha qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo