WAJAALE NEWS

Wasiirku Xigeenka Warfaafinta oo sheegay inaanu Madaxweyne Siilaanyo ka Tanaasulin Musharaxnimadii

Hargaysa(Wajaalenews)Wasiir ku xigeenka wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi Galinta somaliland Cabdi waaxid Cabdi qaadir ayaa ka ka hadlay Markii ugu horaysay Musharaxnimada Madaxwaynaha somaliland oo Warbaahintu sheegtay inuu ka hadhay Tartankii Doorashada Madaxtinimada.

Waxa uu sheegay wasiir ku xigeenku inaanu arinkaasi waxba ka jirin Madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo yahay,musharaxn u taagan Jagada Madaxtinimada somaliland.

Waxa uu sidoo kale cabdi waaxid Cabdi qaadir cadeeyey in La qaato kaadhka dhalashada somaliland oo ku adkeeyey muwaadiniinta somaliland waxaana uu yidhi”

“Waxa Maalmahan Warbaahinta ku jirtay inaanu madaxwaynaha somaliland isku Soo taagay Doorashada Danbe ee Fooda inagu soo haysa,Warkaas Meel Laga Keenay Garan Mayno Xukuumadana Kamuu iman,Madaxwaynaha somaliland Arinkaas lagama Maqal War Sal iyo Raad Toona Maaha.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Warfaafinta somaliland Cabdi Waaxid Cabdi qaadir oo hadalkiisa siiwata ayaa intaas waxa uu ku daray”

“Madaxwaynaha somaliland wuu sharaxan yahay,waxaana uu u sharaxan yahay waxa uu shacabka somaliland ka iibiyay,Madaxwaynahu Markii aanu xilka hayn wixii uu umada u balan qaaday ee uu maanta markii uu talada qabtay kaga dhabeeyey ayaa uu Barina Marka Doorashada la gaadho iibin Doonaa,Waana u diyaar Madaxwaynahu inuu doorashada galo,Sanadkan soo socda isaga oo matalaya Musharaxa Xisbiga Kulmiye.

Dhinaca kale waxa uu bulshada somaliland usoo jeediyay in ay Qataan kaadhka dhalashada somaliland oo shacabki Badankoodu iska diideen in ay qataan waxaana uu yidhi”

“Waxaanu Muwaadiniinta Somaliland usoo jeedin lahaa in ay qataan kaadhka aqoonsiga somaliland,kana dhabeeyaan in ay yihiin Muwaadiniin u dhalatay somaliland oo ina kala Xadayn doonta inaga iyo dawlada somaliya,waxaana shacabka Mar labaad ku Boorin lahaa in ay qataan kaadhka dhalashada somaliland.

 

WAJAALENEWS DESK

 

Exit mobile version