Qoraa Abdinasser Ahmed Ibraahim”. E-mail: somaliland_author@yahoo.com, phone; 4442363
Hordhac:-wasiirku waa mid ka mida wasiirada ugu qoraalka badan, waa wasiir wax bartay, wuxu shahaadada ( Master) dalka ingiriiska, dhinaca kale haddii laga eego waa hormuudka ama labeenta Masuuliyiinta xukuumadda Somaliand ee uu Gadhwadeenka u yahay Mudane Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
shakhsiyadda wasiirka war xun ka sheegi maayo, intaan ka arkay waabay wanaagsaneynd ,dhawr goor oo aan la kulmay, waxaan markhaati ka ahay inuu yahay nin ballanta ku wanaagsan, nin sallaadaha ilaaliya waliba waddar ahaan, Deeqsi ah intaana ay u dheer tahay hawl karnimo.
Gafefka wasiirka dhinaca qoraalka:- inta badan wasiirku wuxu wax ku qoraa af-soomaali, wasiirka laftiisu carab maaha’e,waa nin soomaali
ah, oo ay u dheertahay inaanu Qurbe ku korin ee uu dalka wax ku bartay marka laga reebo goor yar oo waxbarasho ugu maqnaa dalka hindiya.
haddii arrinta la xidhiidha qoraalka wasiirka bannaanka dalka laga soo qooraansado, wasiirku waa Masuul ka mida masuuliyiinta reer somaliland gaar ahaan kuwooda la majeerto, dad ka reer somaliland’na waxaa lagu xantaa, ama lagu tuhmaa, aqoonta, dhaqanka, afka iyo xadaaradda soomaaliyeed inay hormuud u yihiin, Gafefka dhinaca qoraalka ee uu wasiirku galayaa waxay dhabar jab ku yihiim sumcadda guud ee dalka, oo dad ka wax bartay ee qoraalkiisa akhriyaa waxay odhanayaan ” ma kuwan soomaaliga qoraalkiisa saxi la’ayaa ummadda u taliya”,
Obocda:-qoraalkan waxu nuxurkiisu daaran’yahay, toosinta iyo hogo’tusaaleynta qoraalada ka soo baxa xafiis yada dawladeena, Masuuliyad weyn ayaa dawladda ka saaran ilaalinta afka, daryeelka dawladdi afkeeda daryeeshaa wuxu ka bilaabmayaa adeegsiga afka dhinaca shaqada dawladda, Nasiib wanaag taasi way socotaa laakiin dhibku wuxu ka yimid wixii madaxdu qoraysey ayaa warqadda ugu khaladaadka yar laga helayaa 10 khalad, waxaa khalado ka buuxaan ” wareegtooyin xafiiska madaxweyna ha kasoo baxay”, ayaa khalado aan tirro lahayni ku jiraan, inkastoo madaxweynuhu aanu wax khaladda ku lahayn, khudbadbad sannaddeedkii madaxweynuhu labada gole ka hor jeediyay. ” qormadeena soo socoto ayaan ku soo qaadan doonaa khudbadaa iyo wixii khalad kujiray ” …….
dhammaadka gorfeyntan waxaan idin tusidoonaa, qormooyinkii ugu danbeeyey ee uu wasiir Xirsi qoro iyadoo Sumad cas aan saari doono wixii khalad ah, intaa ka dibna waxaad ila eegi doontaan, Xigasho BARTA uu wasiir Xirsi ku leeyahay internet ka ee la yidhaa (www.guusha.com)
Gunnaanadka:- waxaan qormadan ku soo af-meerayaa toosinta aan wasiirka toosinayo,
1) wasiir Qoraakaaga waa inaad kala shubto, waxaan uga jeedaa waa inuu lahaado
A) hordhac,
B) Ubuc , iyo
C) Gunnaanad, waana hab-qoraalleedka ugu wanaagsan ee dunidu isku raacsantahay, ilaa goortan aan joogno.
2) wasiir waxaad ka fiirsataa habka xulashada Ereyada, inta badan waxaan arkayaa laba Erey oo isku macno ah ayaad moodaysaa inay kala duwan yihiin sida (amniga iyo Ammaanka) waxa kale oo jirta inaad hal Erey soo celcelinayso, Erey haddaad mar isticmaasho iskaga tag oo mid kale oo dhigiisa ah adeegso, waa haddaad hodan ku tahay Ereyada afkaaga hooyo. waxaanad moodaa in ay kugu badan yihiin adeegsiga Ereyada qalaad, haba kugu badnaado Carabigu’ye,
3) wasiir waxaad inaga hagaajisaaisticmaalka Astaamaha haddalka kala qala, waxaa laga yaabaa inaad u taqaanno”punctuation marks”, Aallaana waxaan ku arkaa qoraalkaaga inaad is dhaafisoAstaanta Joogsiga(.)iyo Astaanta Hakadka(,) waxaa kale oo iyana aad mooddaa inaanad wali fahmin meesha la dhigo Astaanta la yaabka ( )waxaan uga jeedaa “excalamation mark”, afar iyo tobanka Astaamood ee haddalka kala qala waxaad ka isticmaashaa 4 astaamood.
4) wasiir waxaad iska hubisaa shin-dhaca haddalka ” Tense”, ka fiirso waxaad ka hadlayso inuu yahay Fal tagay, Fal soo socda iyo Fal taagan,
5) wasiir iyana waxaad inaga jirtaa hab isticmaalka Erey Salleedyada, oo ah kuwo af na aanu af kale ka soo ergisan, tusaale qoraal aad qortay oo wargeyska Hubaal uu soo ka soo xigtay barta aad internetka ka ku leedahay ee (Guusha) waxaan ka tirayay qoraalkaa inay ku jireen45 Deelqeef, waxaan uga socday mar aad dhallinyarta tusaale ugu soo qaadanaysay dalka iyo dad kiisu waayihii kala duwanaa ee ay soo mareen, waxaad isku barbar dhigtay laba fac ama da’ood, waxaanad u isticmaashay Eray Salleedka Adiga iyo iyaga, malaha ingiriisiga jacburka ah ee aynu baranay ayaad ku khaldantahay e, ingiriisi ahaan, haddaan ku qeexno waxay noqonaysaa you:- pronoun- personal pronoun- first person- singular / plural- Common Gender- subject, haddaba af soomaaligu uu ka mug weyn yahay sidaad mooday ee aan kor ku xusay, halka af ingiriisigu uu (adiga iyo idinka ) u isticmaalayo hal Erey oo ah (you) soomaaligu sidaan meeriskan bilowgiisa ku xusay laba Erey oo aan shaqo isku lahayn ayuu kala adeegsanayaa. taana inaad ila garatay ayaan filayaa mudane wasiir.
6) mudane wasiir markaad qoraal sameyso intaanad warbaahinta u soo bandhigin, dhawr goor akhri, ha lagaa daba akhriyo, ha laga daba tafaftiro, aan kuu faa’iideeyo ama ku xasuusiyo laba meeris oo uu Naxariis janno Allah ha ka waraabiyee Marxuun, Gaariye lahaa
waligay abidkayba,
annoon jiiftada haadinoo,
isha aan ka dhammaynin,
Uumiyaha kuma soorin,
Odhaahda Qoraha:- waxaan halkan ku xusayaa in aanan mucaarid ahayn,urrurada siyaasadana kalena taageersanayn, waliba aan marag ka ahay in xukuumaddani wax badan qabatay waxna qabyo ka yihii laakiin ay dadaashay, shakhsiyada wasiirka, reer ka wasiirka, siyaasada iyo aragtida wasiirka midna waxba kama sheegin, maadaama aan ahay nin qoraa ah. wuxu xil iga saaran yahay ilaalinta afka, cid kastana ha ahaatee, haddaan wax laaxin ah ku arko waan u sheegayaa, ula jeedkayguna waa inaan is saxno. Anuu waxaan Qirayaa inaan afka soomaaliga qoraalkiisa iyo haddakiisaba “sabool ka ahay” laakiin aan dadaalayo oo maalinba aan wax korodhsanayo, ogi in dad badan oo iga aqoon badan, iga waayo aragsan, iga da’weyn dhan kastaba iiga wanaagsani qoraalkayga akhrindoonaan, haddaad khalad igu aragtaan fadlan ila soo xidhiidha waxaan diyaar u ahay inaan is saxo,
F.G: dib ugu dulqaadan maayo ee waan qabanayaa, waliba saxaafadda ayaan u soo bandhigayaa masuulka kasta oo qoraalka soomaaliga ku gafa, iyo masuul kasta oo jacbur soomaali, Ingiriisi iyo Carabi isku dhex jira ku hadla, waxaan leeyahay af qallaad aqoontu maaha.
qoraalkan hoose ku qoran waxaa qoray wasiir Xirsi ana waan suntay inta Deel-qeef ee ku jirta…….
“Somaliland waa Dal Dihin oo Daboolan isla Markaana Buuxiyey Shuruudaha Maalgashiga oo ay ugu Muhiimsan yihiin Nabada Tartanka iyo Dimuqraadiyadu.
Waa La Gaadhay Wakhtigii Lala Iman Lahaa Geesinimo Ku Filan In Lagu Dhiirado Maalgashiga Somaliland “’Now is the time to be bold, brave and invest in Somaliland” Ambassador Neil Wigan’
Siday aynu ognahay xidhiidhka Caalamiga ah ee Dawladaha dhex mara oo Maalgashigu uugu muhiimsan yahay waa muftaaxa kor-u-qaadida dhaqaalaha, la dagaalanka shaqo la’aanta iyo abuurida fursado shaqo
Hadaba, Shir bilow u noqon doonaa in daboolka laga qaado Khayraadka Somaliland ayaa ka qabsoomay Whitehall, London . ee Boqortooyada Ingriiska
Dhanka Dalkeena Somaliland si aynu u muujino inta aynu diyaar u nahay Maalgashi Caalami ah isla markaana caalamka u tusno inta ay inaga go’an tahay soo dhawaynta Shirkadaha danaynaya Somaliland waxaa kulanka ka qaybgelay Madaxweynaha Dalkeena Somaliland H.E Axmed Maxamed Maxamoud oo aan ku wehelinayno todoba kamida Golihiisa Wasiirada, sidoo kale si kor loo abuuro xidhiidho dhex mara Shirkadaha dalkeena iyo kuwa dalalka kale ee aduunka waxaa kulanka ka qaybgelay Ganacsato reer Somaliland ah. .
Dhanka kale waxaa kasoo qaybgelay Masuuliyiin tiro badan oo uu u horkacayo Wasiirka Boqortooyada Ingriiska u qaabilsan Africa, Danjiraha Boqortooyada Ingriiska u Qaabilsan Arimaha Somaliland iyo dalka aynu jaarka nahay ee Somalila iyo sidoo kale shirkado ganacsi oo ka kala yimid dalal kala duwan oo adduunka ah kuwaasi oo danaynaya inay maalgashadaan dalkeena Somaliland
Uguhorayn waxaanu si guud mar ah uuga waranay Somaliland iyo Taariikhdeeda iyo sida ay u tahay dal ka duwan Mindiqada ay ku dhex taalo,
Waxaanu warbixin mug dheer ka siinay sida Somaliland ku timid iyo sida ay u tahay xaqiiq ku dhisan rabitaan umadeed isla markaana aanay ahayn mid jiritaankeeda shuruud ku xidhan tahay ““Ictiraaf”!
“Whether we receive recognition or not Somaliland exists and will exist for the will of people”
Sidoo kale waxaanu si balaadhan caalamka u tusnay astaamo keeni kara Maalgashi caalami ah oo lagu sameeyo dalkeena Somaliland oo ay kamid yihiin Nabada iyo Dimuqraadiyada ka jirta dalkeena,
qodobadaas oo dabcan ah shuruudaha aasaasiga u ah in lagu soo dhiirado imaatinka iyo maalgashiga shirkad dal kale ku samaysato
Waxaanu si qoto dheer dhinacyo kala duwan uuga tusnay xeerarka maalgashiga ee dalkeena u yaala iyo sida suuqa Somaliland uu u yahay mid xor ah oo u furan tartan “Free and Competitive Market”
Waa dhab oo dalkeenu waa dal dihin oo daboolan isla markaana diyaar u ah in uu soo jiito indhaha shirkadaha caalamka, sidaas darted, waxaanu soo bandhignay dhinacyada laga maalgashan karo iyo sida dal iyo dadba diyaar loogu yahay.
Intii kulanku socday waxaa sidoo kale ka hadlay qaar kamida shirkadaha hadda dalkeena jooga oo dabcan ka marag furay amniga iyo amaanka dalkeena ka jira iyo soo dhawaynta ay kala kulmeen dal iyo dadba
Waxaa sidoo kale ka hadlay shirkado hadda diyaar u ah in ay maalgashadaan dalkeena Somaliland oo ay kamid tahay shirkad danaynaysa in ay maalgashato dekeda Berbera oo magaceeda la yidhaa Bollore Africa Logistics. Halkaas oo ay Masuuliyiinta Shirkadaasi ka sheegeen siday uuga go’an tahay maalgashiga Somaliland iyagoo arintaas ka hadlayana waxay yidhaahdeen:
“Our vision for Berbera port is to be One of the best sea-ports in Africa with a Free Zone’.. Aragtida fog ee aanu ka leenahay Dekada Berbera waa in aanu ka dhigno dekeda uugu wanaagsan qaaradda Africa oo leh dhamaan adeegyada looga baahan yahay.
Gabogabadii Shirkan ayaa waxay shirkaduhu su’aalo la xidhiidha Xeerarka Maalgashiga ee dalkeena iyo shuruudaha dal ku galka “Visa” Somaliland goobta kasoo jeediyeen.
Nuxurkii Xidhitaanka Shirka ayaa noqday in la gaadhay wakhtigii lagu dhiiran lahaa maalgashiga Somaliland Isagoo arintaas ka hadlay Danjiraha Boqortooyada Ingriiska u qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo dalka aynu jaarka nahay ee Somalia Mr Neil Wigan ayaa yidhi:
“’Now is the time to be bold, brave and invest in Somaliland ,, waa la gaadhay Wakhtigii lala iman lahaa geesinimo ku filan in lagu dhiirado maalgashiga Somaliland
Hadii aad jeclaysato in aad daawato Khudbadii aan ka jeediyey madasha oo awooda saaraysay dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha oo ay uugu muhiimsan yihiin Waddooyinku fadlan booqo:
Markale ayeynu cod dheer ku Celinaynaa “Waa La Gaadhay Wakhtigii lagu Dhiiiran Lahaa Maalgashiga Dalkeena Somaliland”
waddarta deel-qaafka uu wasiirku galay waa ( )
Qoraalkii Qalin jabintii ardayda…
“Abaalmarintan Waxay Iigu Hibeeyeen In Aan Marxaladii Kala Guurka Noloshooda Duco Iyo Dardaaran-ba Wadaagnay”
Waan uuga Mahadcelinayaa Ardayda Jaamacadda Hargeisa Sida ay Milgahan iigu Maamuseen
10/10/2014.. Munaasbad qiimo badan oo ay soo agaasimeen Ardayda Jaamacadda Hargeisa qaybtooda Culuumta Dhaqaalaha ayaa qabsoontay
Ujeedada Munaasbadan ayaa ahayd sidii ay uugu diyaar garoobi lahayeen mustaqablka cusub ee ay bilaabi doonaan sidoo kalena abaalmarino u gudoonsiiyaan cid walba oo Gacan iyo Garab noloshooda ku lahayd
Waan ka cudur daaranayaa in aan hawlo shaqo oo dalka dibediisa ah kaga soo maqnaa in aan farxadooda la qaybsado balse niyada ayaan ka wada joognay.
Waxay abaalmarintan iigu hibeeyeen in aan Marxaladii kala guurka noloshooda duco iyo dardaaran-ba wadaagnay.
Aniga ayey farxad ii tahay in aan la dareen iyo farxad qaybsado boqolaal aqoonyahan oo dalkan beri wax weyn ka noqon doona Insha Allahu
Tani waxay albaab u furi doontaa in cid walba agtiina ka muuqato maalmaha farxadiina maadaama aad qiimayn doontaan cid walba oo agtiina abaal dhigatay.
Ogow shalay way dhamaatay, berina Alle ayaa og, waxaad keliya haystaa maanta ee maalin walba ku noolow Cibaado, Farxad, Rajo iyo hadaf
Wa Bilaahi Tawfiiq.