WAJAALE NEWS

Wasiirka Maaliyada Somaliland Qayb Intee Leeg Ayuu Ku Leeyahay Musuqmaasuqa Dalka Iyo Ku Shaqaysiga Shirkadaha Gaarka Ah;FAALO

HARGEISA(Wajaalenews);Mudadii ay xilka lawareegtay xukuumada madaxwayne siilaanyo gadhwadeenka ka yahay waxaa kusoo kordhay qaybaha haayadaha dawlada qaababk wax loo xado habab casriya oo sii xoojisay korna u qaaday heerka musuqmaasuq ee somaliland oo markii horeba taagnaa meel adag

Afar sano iyo dheeraad waxaa gabi ahaanba meesha ka baxay laba tiir oo habsami u socodka xukuumadaha qayb ka ahaa laba haayadood ayaa kala ah gudida qandraasyada qaranka oo xiligan qayb ka ah musuqmaasuqa iyo eexda qadaraasyadii dalka kuna shaqeeya awaamiirta madaxtooyada.

Hayada kale ee meesha ka baxday waa hantidowrka Qaranka oo noqday iyana hadba meesha ay madaxtooyadu u adeegsato uun wax ka qabta eedana saara hadba meesha la qasayo

* Habada wasiirka maaliyada cabdicasiis muxumed samaale intee in leeg ayuu ku leeyahay xatooyada casriga ah ee lagu dhaco hantida umada

* Sifo nooceeya ayuu wax u lunsadaan wasiir samaale ?

Shirkada dhismaha ee uu wasirku ku shaqayso magashaa tartan ah dhinaca dhismayaasha ay fuliso?

Imise dhisme ayay fulisay shirkadan ?lacago intee leegyay kuqaadataa dhisme kasta?

Shirkada wasir samaale ku dhaco hantida qaranka ayaa magaceeda layidhaa Alla Aamiin Constraction taasi aanu isagu lahayd lakiin uu magaceeda ku shaqayto waxana uga wakiila ah nin ay ilmader yihiin oo lagu magacaabo cabdirasaaq sh aadan

Waxaa xusid mudan in shirkada dhismaha ee Alla Aamin lasiisiiyo subcontrac oo ah gacanta oo kaliya halka wasiir samaalena qato in uu lacagta uu kusoo qaatay lunsado agabka galayana uu kasoo iibsado tukaan ay wadalee yihiin ninka uga wakiilka ah fulunta hawsha Xatooyada qaranka

Iyadoo dhistay dhismayaal farabadan oo kamida wasaradaha dawlada iyadoon u galin wax tartana

MEELAHA AY dhistay waxa kamida ;

1;Wasaarada ciyaaraha

2;Wasaraada boosaha iyo isgaadhsiinta

3 Wasraarada deegaanka

4;Xafiiska xisaabaadka

5;Dayrka Wasaarada Arimaha dibada

6;Xarunta Cashuuraha bariga

7;Dayrka Wasaarada maaliyada

kuma kobna inta oo kaliya meelaha ay dhistay shirkada wasiirka maaliyadu leeyahay waxa dhismayaal kale oo aan kusoo dari doono taxanahena danbe Ay ka fulisay gobolada dalka qaarkeed

Wasiirka maaliya samaale ayaa waxa kale oo uu sifo sharci daro ah kula baxay dhamaan lacagtii diwaangalinta loogu daray 2013 halmilyan

HADABA WAXAN TAXANAYAA ISDABA JOOGA KUSOO BANDHIGIDOONAAN

QAYBAHA MUSUQMAASUQ EE DALKA RAGAADIYAY IYO QAYBAHA WASIIR SAMAALE KU LEE YAHAY

LASOCO;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;;

 

Qalinkii Cabdiqadir habane

 

Exit mobile version