WAJAALE NEWS

Wafti Uu Wasiir Xirsi-Gaab Hogaaminayo Oo Cardiff U Tagaya Si Loogu Wareegijyo Lacag Ka Yar Ta Ku Baxaysa Waftiga Siilaanyo Oo Jaaliyad Cardiff U Soo Gurtay Wadada Ceerigaabo .

xirsiCardiff-Wales (Wajaalenews)- Magaalada Cardiff ee caasimada gobolka Wales ee dalka UK ayaa waxa subaxda hore ( maanta) ku soo foodleh wafti uu hogaaminayo wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, kaas oo ujeedad lagu sheegay in ay ka qaabilaan jaaliyada lacag ay mudo dheer u gurayeen wadada Ceerigaabo. Jaaliyada Cardiff oo lagu yaqaan si hagar la’aanta uga qayb-qaadashada horumarka Somaliland, ayaa mudo ku hawlanayd soo ururinta lacagtii Ceerigaabo ee lagu soo qaybiyey, waxaana xubno aad ugu hawlan soo ururinta lacagaha Ceerigaabo ee Cardiff ay Hadhwanaagnews.com u xaqiijiyeen in lacagtii la soo guray la doonayo in lagu wareegijyo wasiir Xirsi, hase ahaatee uu muran ka taagan yahay qaabka iyo in dareenada jira ee ay jaaliyadu ka qabto xukumada Siilaanyo wax laga weydiiyo.
“Waxa aanu ku muransanahay in wasiir Xirsi bulshadu su’aalo toos ah weydiiso iyo in kale oo qaarbaa leh ha hadloo lacagta halkaa ha la maro iyadoo aan waxba laga weydiin saluuga jira ee bulshadu ka qabto xukmada Siilaanyo ee dharaarahan soo batay” Sidaa wax Hadhwanaagnews khadka telefoonka mar uu kula soo xidhiidhay u sheegay xubin aad ugu kacdan xukumad aiyo wasiir Xirsi oo ka mid ah xubnaha haddana soo ururiyey lacagtan iyo kuwe horeba, hase ahaatee naga codsaday in aanaan sheegin magaciisa xiligan.
Ku wareejinta lacagta wasir Xirsi ayaa ay ku wareegsan tahay dareeno badan oo laga qabto sida ay xukumada Siilaanyo oo uu ugu horeeyo wasiir Xirsi u daadaaiyo lacaga qaranka loo yaboohayo, iyagoo dadka qurbejooga ahi la yaabeen xafladii ay madaxtooyadu  uqabanqaabisay  qurbejoogaii dalka tagey intii xukumada ka  agdhaweyd ee magaalada Hargeysa loogu qabtay xaflad sida Hadhwanaagnews loo xaqiijiyey ay ku baxday in kabadan sodon kun ($30,000) oo ah inta ay leeg tahay lacagta wasiir Xirsi lagu warrjinayo ee reer Cardiff iska soo gureen.
‘Waxa aanu la yaabanahay alcagtii xaflada qurbejooga la galiyey xili xukumadu nagu soo waashay lacagtii Ceerigaabo soo gura, wixii la soo gurba haddii haddana si kale loo bixiyo waa hal bacaad lagu lisay” sidaa wax yidhi xubin aad u firfircoon oo ka tirsan jaaliyad oo isna naga codsaday in aanaan sheegin magaciisa oo wariye ka tirsan Hadhwanaagnews u waramyey isagoo jooga Cardiff.
Maalinta bari (maanta) ayaa la filayaa in xaflada lacag wareejinta lagu qabto huteel ka weyn ee la yidhaa Future Inn Hotel oo xubin ka mid ah kuwa qaban qaabinaya u xaqiijiyeen Hadhwanaagnews in ay ku bixidoonto lacag dhan laba kun oo Gini (£2,000)  taas oo u dhiganta ku dhawaad ilaa saddex kun oo Dollar ( $3,000) kulanka ama xaflada oo socondoonta laga bilaabo afartagalabnimo (4) ilaa iyo todobada (7) taas oo qiyaastii noqonaysa ilaa iyo mudo saddex saaadood. Lama oga sobobt huteel qaali ah loo geynayso, iyadoo lagala fogaanayo xaafadaha ay ku nool yihiin jaaliyadu oo laga heli karo goobo ka jaban.
Lacagtan lagu wareejinayo wasiir Xirsi oo goobta loogu dhiibi doono qormo ama jeeg sheegaya lacagta ayaa la sheegay in lacagta lagu shubay xisaab xawaaladeed.
Exit mobile version