Aslaax Miyaad U Argtaan Ciidanaa Abuurtaan,Oo Afreeya Kii Hore,Iintu Meesha Ay Tahay Waynu Wada Ogsoonee.
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM
S.C.W.R.W.B.
Salaantaas Islaamka ka dib waa tii khaaska u ahayd bahda hadhwanaagnews iyo akhristayaasheeda.
<Bi kuli caam wa intum bilkhayr>
Tixda Maantu waa arrimaha taagan ee amaanka iyo Ciidanka cusub ee OPU.
AMAANKII XUMAAYO ARLIGEENA KAMA JIRO,ALLOOW SAHAL AMUURA,
WAA KAN ARMIGEEN IS-UGAADHSANAAYEE,HADDABA YAYNU AAMINI,
AMANKAAG DADKEENII XAALKU WAA AF KALA QAAD.
ASLAAX MIYAAD U ARGTAAN CIIDANAA ABUURTAAN,OO AFREEYA KII HORE,
IINTU MEESHA AY TAHAY WAYNU WADA OGSOONEE,RUNTA MA ABAARTAAN,
AF-GOBAADSI DHAYI WAA EELKA IYO BUKAANKOO,ARAMIDU HALKEEDUUN.
ARLIGA AYNU JOOGNAA MA IL-SAMA AYAAMAHAN,ARRIMAHA URAAYANA,
INDHUHU WAXAY JECLAYSTAAN,UDGOON IYO MACAAN MA LEH,
RRU KA OOYDEE,OPU NA WAY IMAN INDHAHIINA OO SHANA.
IL-BAXNIMO MA GAADHNOO
ISLA WEYNIDEENIYO,ITAALKEENU KALA MAAN.
EHELBAA KA DHIGATAAN ORGOMAHADIN CUNAYOO,IDINKAW ADEEGABA,
ADKAYSTAAY INKAARAA IDINKA U YEEDHO,ADIMADA KU DOONTEE,
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.
KAMPALA/UGANDA