WAJAALE NEWS

Masuliyiinta Ugu Saraysa Xisbiga UCID Oo Maanta Si Diiran loogu soo Dhoweeyey Magaalada Burco+Sawiro

Burco(Wajaalenews);-Weftigan ayaa Dadweyne iyo Gaadiid tiro badani kaga hortageen Degaanka Qoyta oo 20.KM Dhinaca Waqooyi ka xigta Magaalada Burco, waxana weftigani loo soo Galbiyey Dhinaca Magaalada Burco, iyadoo lagu soo wareejiyey jidadka halbowlaha u ah magaalada, waxaana ay UGU HORAY Xadhiga ka jareen Xarumo Cusub oo Xisbigu ku yeelan doono Gobolka Togdheer.

Guddomiyaha XisbigaUCID ee Gobolka Togdheer Adan Xuseen Tuur iyo G/kuxigenka hore ee Gobolka Togdheer Guled Dahir Samatar oo hadalo kooban ka jeediyey Barxadda hore ee xarunta xisbiga UCID ee Gobolka Togdheer ayaa weftiga guddomiyaha ku soo dhoweyey Magaalada Burco, Waxana ay tilmaameen in Taagerayaashi xisbiga oo baaxad leh ay meel walba tuban yihiin saka, iyago sido kale xusay in xisbiga UCID yahay ka keliya ee maanta dalka

badbaadin kara, maadaama bay yidhaahdeen xaalad adag iyo maamul xumo BALAADHAN ka jirto waddanka.

Guddomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Ali Warabe oo isna Barxadda hore ee Xarunta Xisbiga kula hadlay Boqolaal Taageerayaashi Xisbiga ah ayaa si weyn u ammaanay Magaalada Burco iyo Shacabka Gobolka Togdheer, waxa uuna ka sheekeeyey waxyaabaha wanaagsan ee Gobolku ku suntahay iyo inay Burco tahay halkii lagu dhisay lagagana Dhawaaqa Gooni isu taagga Qaranka Somaliland.

Guddomiyuhu wuxu tilmaamay in maalmaha ay joogaan ay Shacabka la kulmi doonaan, isla markaasna ay wax badan ka wada hadli doonaan, wuxu kaloo xusay in Dalku u baahan yahay Badbaado iyo maamul wanaagsan oo ummada wada deeqa.

Murashaxa Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigenka Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamal Ali Husein iyo Abdirashid Hassan Matan oo iyaguna Dadweynaha la hadlay ayaa tibaaxay in Xisbiga iyo Shacabkuba diyaar u yihiin Doorasho xor ah oo Dalka ka dhacda, iyagoo shacabka reer Togdheer na ku ammaanay Soo dhoweynta aan loo kala hadhin ee ay kala hor yimaaden illaa qoyta, iyagoo xusay in Reer Burco lagu yaqaan oo ay caan ku tahay soo dhoweynta, maamuuska iyo Xamaasadda,

Waxay sido kale tilmaameen in Xisbi ahaan iyo shacab ahaan ba Aanay raali ka ahayn Habacsanaanta Ka muuqata in Doorasho la qabto xilligeeda.

Muj. Cali Gurey oo isna si gaar ah Warbaahinta ugula hadlay Hotel Cigaal ee magaalada Burco ayaa tilmaamay in Xukuumaddu tumanayso Daasado Madhan isla markaasna Belaayo aan dalka oolin kuna soo socon raadinayso, wuxu sheegay in Doorashadu xilligeedi dhici karto wax qabyo ah oo maanta looga shakiyo inay doorashadu dhici waydona meesha oolin.

Muj.Cali Gurey ayaa sido kale tilmaamay in wax walba diyaar yihiin oo xaal xaal yar uun u hadhay, balse aanay jirin wax weyn oo inaga maqan wakhtiga inoo hadhay oo 8 Bilood ahina inagu filanyahay loona baahanyahay in Labada Doorasho ee Wakiilada iyo Madaxtooyada la qabto Bisha June ee Sannadka Soo socda sida Xeer no 37 uu dhigayo, Cali Guray ayaa sharaxay Duruufaha aanay Doorashooyinku ku dhici Karin ee dib u dhigi kara, waxanu tilmaamay in dhammaan duruufahaas oo dhami aanay dalka ka jirin, isal markaasna madaxweynuhu afkiisa dhowr jeer ka caddeeyey inaanu maalin dib u dhigayn inay dib u dhacdona ogolayn, laakin bu yidhi ay jiraan Dad madaxweynaha tashuush ku furaya , kuwaso uu u bixiyey Duryama, isla markaasna uu ku tilmamay inay madaxweynaha been u sheegayaan oo ay uga sheekaynayaan Doorasho dhici mayso iyo wakhtigu inaguma filna, isla markaasna iyagu raadinayaan bu yidhi wax aanu madaxweynuhu doonayn. Waa Markii u Horeysay ee Wefti Miisaankan leh uu Gobolka Togdheer yimaado, –

iyaago sheegay in waftigan qarkood joogi doonan malmo dhawra

kana qayb qadaan doonan maalinta Xuska Shuhadada SNM Xuska Shuhadada SNM oo ku began 17 October.

Cawil cabdi cismaan

Wajaalenews.net

burco/officce

Exit mobile version