WAJAALE NEWS

Madaxweyne uhuru kenyatta oo maanta ku laabtay magaalada nairobi ;DAAWO SAWIRO

NAIROBI (Wajaalenews) Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa wuxuu saakay ku soo laabtay Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya, ka dib markii uu Arbacadii uu xaadiray dhageysiga eedeymaha looga heysto Maxkamada Dembiyada Adduunka (ICC).

Madaxweynaha iyo xubno uu horkacaayay, ayaa waxay ka deggeen Garoonka Jomo Kenyatta, iyadoo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyin uu ugu sareeyo Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya William Ruto.

Kumanaan ruux oo ka tirsan dadka reer Kenya, ayaa saakay isugu soo baxay wadooyinka ku teedsan Garoonka Jomo Kenyatta, si ay u soo dhaweeyaan Madaxweynahooda, oo ka soo laabtay Magaalada The Hague.

Fanaaniin kala duwan oo ka qayb qaadatay soo dhaweenta Uhuru Kenyatta, ayaa waxay ugu ciyaartay heeso kala duwan oo markaasi lagu soo dhaweynaayo, sidoo kalana waxaa la arkaayay iyadoo turbaano loo garaacaayo.

Dadka reer Kenya, ayaa shalay oo dhan isha ku haayay telefishinada, mudadii ay Maxkamadeynta Madaxweynaha ka soconeysay Xarunta Maxkamada ICC, walow ay ay Maxkamadu dib u dhigtay kiisiisa.

Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in uu maxkamada u hortagay isaga oo shakhsi ah, oo aan wadan xilka madaxtinimada dalkiisa. Waxa uu madaxtinimada dalkiisa si KMG ah ugu wareejiyay ku xigeenkiisa, William Ruto.

Kenyatta, ayaa loo haystaa 5 dacwadood, oo la xiriira dilalkii qabiilka ku salaysnaa ee ka dhacay Kenya kaddib doorashadii natiijadeeda lagu murmay dhammaadkii 2007-dii.

 

WAJAALENEWS DESK

 

 

Exit mobile version