HARGEISA(WAJAALENEWS;
Maanta sannadku waa 2014ka. Waa Hargeysa iyo Somaliland oo dibuxoreyntoodii ilaahay og yahay geesiyada loo sadqeeyay iyo moodka ku burburay intii uu le’ekaa
“Guclo been ah, gaalleef af-daran, gawdhis iyo duudsi,
Lib-gad iyo ammuur wada gurracan, geesi la illaawo,
Giddi xalay waxaan Yuusufow, gurayay taariikhe,
Ged-geddoonka waayaha haddaan, gaar u falanqeeyay,
Goobii la soo maray intii, guluf la heenseeyay,
Hadba goosh ha joogtee wixii, guulo laga keenay,
Dadku uma gudboonayn sidii, loogu hawl-galaye,
Gurmadkii ku kacay baad ahayd, ‘Gii-di’ maatada e’,
Waxa se iyaba waa guul-darree, gorof ku maalaaya,
Oo aan Gobaad loogu tegin, gaalo-ka-hadheene,”
Maansadii Gaarriye ee Gashi ee uu u tiriyay Yuusuf Xaaji Aadan, 80kii,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
30/10/2014ka, Hargeysa,
Qormada: 1aad
Maansada Gashi ee aan idiin ka soo garoocay tuducan sare, waxa tiriyay Macallin
Gaarriye, 1980kii, mar uu ku sugnaa magaalada Muqdisho. Wuxu ka tiriyay dhacdo qabsatay Yuusuf Xaaji Aadan oo markaa ka hawl-geli jiray Wasaaraddii Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo uu beryahaa Wasiir ka ahaa nin la odhan jiray Axmed Ashkir Bootaan. Macallin Gaarriye wuxu maansadan ka tiriyay duudsi uu Yuusuf Xaaji Aadan ka mutay maamulladii Wasaaradda iyo dalkaba.
Maanta sannadku waa 2014ka. Waa Hargeysa iyo Somaliland oo dibuxoreyntoodii ilaahay og yahay geesiyada loo sadqeeyay iyo moodka ku burburay intii uu le’ekaa. Waa maalintii la is-lahaa waa la ciil-dhacsanayaa. Waa maalintii la is-lahaa geesiyaashii kala dambeeyay waa la abaal-marin doonaa. Waa maalintii la is-lahaa kuwa nool ee waaxyahoodii ku waayay ayaa lagu horreyn doonaa. Waa maalintii la is-lahaa waxa xilka ugu sarreeya dalka haya ninka ku faana in uu ugu muddo dheeraa xarakaddii SNM hoggaaminteedii. Kuwo nool oo wax loo qabto iska daaye, kuwii quufle dhintay ee Ingiriiska iyo jahligaba la dagaallamay ee ku dhintay ayaa luxudkii loogu tegay oo magacoodii iyo milgahoodii loo sadqaynayaa dhismayaal aan dhul kale loo waayin.
Maxaa haddaba maantana dhacay. Aan idiin mariyo sheeko xanuunkeeda xaradhaamadeeda iyo xadantadeedaba leh. Maqaalkan waxaan ku suntaday: MAGAC IYO MAKTABAD.
Magaca:
Ka-miskiin ma aha magaca. Waxa loogu wan-qalay Yuusuf oo ka soo jeeda reer Ismaaciil Samatar Furre. Intaa laguma deyn e’, naanaysna waxa looga dhigay ‘Gaandi’. Garo’ oo waxa wax lala wadaajiyay hoggaamiyihii weynaa ee dal-weynaha Hindiya ee Mahatma Gaandhi. Yuusuf Ismaaciil Samatar xilliyadaa uu barbaarayay ee uu macallinka ahaa ayay xarakaddii Mahatma Gaandhi adduunyada haysatay. Had iyo jeer wuxu ka sheekayn jiray Gaandhi, sidaas ayaana loogu bixiyay. Waa da’aaddii ku dhalatay Hargeysa 1920kii isla markaana ku barbaartay. Nin gaabni iyo madowba u dhashay oo caqli badan ayuu ahaa.
Halgankii loo soo galay waxbarashada ayuu ka mid ahaa horseedkii hirgeliyay ee huluulaha u galay, hadimadana u mutay. Wuxu ku lammaana oo hoggaan u ahaa: Maxamuud Axmed Cali iyo Yuusuf Xaaji Aadan. Waxa ku lammaanaa oo iyaguna la hawl-galay Maxamed Shire iyo Cabdisalaan Xasan.
Yuusuf Ismaaciil Samatar, waxa loo diray magaalada Burco si uu uga soo hirgeliyo waxbarashadii bilowga ahayd. Dalka waxa ka talinayay gumeysigii Ingiriiska oo ay la socdeen baadderiyadii diinta kiristaanka fidin jiray. Gumeysiga waxay barbar wadeen gaaleyn iyaga oo dugsiyo furay, dadkuna aammineen in dadka lagu gaalaynayo. Dagaal ba’an ayaa lagala hor tegay oo diimeysan, islaamaysan. Kooxdeennan waxbarashada horseedka u ahaydna waa la raaciyay oo lagama reebin. Dagaalka noocaas ah ayaa Yuusuf Ismaacil Samatar (Gaandhi) ku qabsaday magaalada Burco oo nabarro jidhkiisa lagu soo gaadhsiiyay. Tiraba laba jeer ayuu nin Shire la odhan jiray Yuusuf bakoorad ku garaacay. Mar wuxu ku dilay maxaad iskuullada u furaysaa? Mar kalena wuxu ku dilay wiilkiisii oo uu dugsigii ka buuxsamay ku dar.
Yuusuf, Gaandhi, markii in badan reer Burco sidii Timacadde kor iyo hoosba ula hadlayay ayuu markii dambe Yuusuf Xaaji Aadan u soo qoray ayaado uu ka soo qaatay Suuradda Nuux oo ahaa:
‘Dadkaygii habeen iyo maalinba waan u dhawaaqay. Yeedhmadaydiina waxba uma tarin oo aan kala carar ahayn.”
Yuusuf Xaaji Aadanna wuxu ugu jawaabay:
“U samir sidii ay u samreen ”Ulil-casmi’ Rasuulladu,….”
Yuusuf Ismaaciil Samatar, intaa kuma koobnayn e’, waxa uu soo galay halgan siyaasiya oo dal iyo dadba lagu xoreynayay oo dheeraa. Halgankaa siyaasadeed ee Yuusuf Ismaaciil Samatar kuma ekayn ama ma khusaynayn Somaliland oo keliya, bal se wuxu ahaa mid Soomaali oo dhan lagu xoreynayay isla markaana lagu mideynayay oo lagu hirgelinayay dal-weynihii Soomaaliyeed ee ay gumeystayaashu shanta gobol u qaybiyeen.
Daliilkeedu wuxu yahay: 1958kii magaalada Muqdisho waxa lagu qabtay Shirweynihii ugu danbeeyay ee xarakaddii ballaadhnayd ee la odhan jiray Pan SNM ama Pan Somali National Movement. Xarakaddaas oo ay himiladeeda ugu weyni ahayd xoreynta iyo mideynta shantii gobol ee Soomaaliyeed, waxa beryahaa Guddoomiye u ahaa geesigii la quudhi waayay ee gumeystuhu sadqeeyay ee Maxamuud Xarbi ee reer Jabuuti. Yuusf Ismaaciil Samatar, halgankaa dheeraa ee siyaasiga ahaa waa uu soo galay, waxaanu ka tirsanaan jiray hormuudkii xisbigii gobannimada horseeday ee SNL, Somali National League. Macallin aqoonyahan ah ayuu ahaa. Markii labadii gobol laga xoreeyay gumeysiga ee la isku daray, wuxu soo galay Baarlamaankii beryahaa jiray, marna waxaabu noqday wasiir-ku-xigeen. 1972kii ayuu ku dhintay laguna aasay magaalada Muqdisho. Sooyaalkii Gaandhi oo koobani waa kaas.
Saa waa Maktabadda:
Meel halbowle ah ayay ku taallaa. Waa badhtamihii Hargeysa. Waxa hor marta waddada ugu dheer magaalada ee isku xidha Guriga Dawladda (State House) iyo madaarka Hargeysa. Dhinaca woqooyi waxa ka xiga oo dhowr tallaabo u dhexeeyaan saldhigga Dhexe ee Bilayska Hargeysa. Waxa ka dambeeya dhisme taariikhiya oo ah boostii ugu horreysay ee Hargeysa oo ka mid ah raadadka taariikheed ee dhismo ahaan badbaaday ee magaalada ku sii hadhay. Waxa ka dambeeya oo koonfur-galbeed ka xiga Xafiiskii Qaaddiga Hargeysa oo isaguna raad-taariikheed oo nadir ah dalka ku ah.
(La soco Sabtida, haddii Eebbe idmo)