Hargeysa (Wajaalnews) Gudoomiyaha golaha wakiiladda somaliland cabiraxmaan maxamed cabdilaahi cirro ayaa maanta sheegay inay golaha wakiiladdu markale dib ugu celiyeen golaha guurtida somailand xeerkii dinwaan galinta oo ay dhawaan golaha guurtidu ku soo celiyeen golaha wakiiladda oo markii hore u gudbiyay
gudoomiye cirro ayaa sidan ku sheegay mar uu maanta u safrayeen isaga iyo labada gudoomiye ee ucif iyo kulmiye magaaladda nairobi
gudoomiye cirro sidoo kale wuxuu meesha ka saarayn eedayn labada gudoomiye ee ucid iyo kulmiye u jeediyeen taas oo ahayd in isagu masuul ka yahay dib u dhaca doorashada waxaanu isagoo eedayntaas iska difaacaya yidhi:
Laba Arimood ayaa la soo qaaday oo mid waa Komishanka oo loo soo gudbiyay Baarlamaanka laakiin Dhukumentigoodii(CV-ga iyo Waraaqaha dambi la’aanta)wali waxay ku maqan yihiin Madaxtooyada.daahidu xagga baarlamaanka kamay iman ee waxay ka timid xagga xukumadda.
Xeerka waxa jira Hanaan baarlamaanku u wada shaqeeyo, Baarlamaankuna wax wuu isku celcelin karaan, waxayna ila tahay dariiqa labada gole kuwada shaqeeyaan buu Xeerku ku dhamaanayaa. Guurtidu xeerka way soo celisay sabab kasta ha ahaatee ama Xukumaddu ha u sheegto ama iyaguba iskood ha u soo celiyaane, anaguna waanu ku celinay anagoo Dastuurka raacayna waxaanan ku kalsoonahay in Xeerku ku dhamaanayo hanaanka wada shaqayneed ee labada Gole” ayuu yidhi Mr Cabdiraxmaan Cirro