WAJAALE NEWS

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo Jawaab kulul ka Bixiyey Xubintii Madaxweynuhu ku soo Celiyey Xisbiga, Hanjabad-na u diray

Hargaysa(Wajaalenews)Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cabdiraxmaan Ciro ayaa Maanta Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada hargaysa waxa uu si adag uga hadlay Madaxwaynaha somaliland oo Marlabaad kusoo celiyay Xubintii Xisbiga Wadani uga mid noqon Lahayd Kumiishanka doorashooyinka somaliland.

waxa uu sheegay Guddoomiye ciro in Qodobka Madaxwayne Siilaanyo u adeegsaday Xubinta Xisbiga Wadani ay tahay Sharci daro,Waxaana uu sheegay inaanu Madaxwayne Siilaanyo Warqada uu xisbiga wadani usoo gudbiyay ku soo lifaaqin Sababaha uu usoo celiyay.

Sidoo kale waxa uu Madaxwayne Siilaanyo usoo jeediyay inuu shacabka Cadaalada ku dhaqano iyo Inaanu kala jeclaysan Xubnaha kumiishanka doorashooyinka somaliland,Qodobka uu Hore Xubin ugu isticmaalayna Marlabaad kusoo qorin xubin Kale waxaana uu yidhi”

Madaxwaynaha somaliland waxa uu nagu war galiyay inaanu 7cisho Gudahood kusoo magacawno Laba Xubnood oo Madaxtooyada somaliland Kala Doorato,Xeerkana waxa si cad ugu qayaxan inuu Xisi Kasta oo Mucaarad ahi Soo magacaabo Xubin Kaliya,Golaha Guurtidana Madaxwaynaha somaliland waxa uu Iyana Faray in ay soo magacaabaan 4 Xubnood,Markaas Madaxwayne Waxaan ku leeyahay Ma Xeerka Ayaa sax ah Mise Wareegtadaada taas adiga ayay kuu taal jawaabteedu.

Guddoomiyah Xisbiga Mucaaradka ah ee wadani waxa uu sheegay inuu Soo magacaabay Xubintii Uu Xaqa u lahaa Xisbiga Wadani in ay uga mid noqota Kumiishanka doorashooyinka somaliland,isla markaas Xubintaas ay buuxisay dhamaan Shuruudihii looga baahnaa oo dhan waxaana uu yidhi”

“Xisbiga wadani Markii uu magacaabay Dr Cabdilaahi Fadal Kamuu mid ahayd Xisbiga wadani,Dhamaana wuu buuxiyay shuruudihii looga baahnaa,Markaas Su’aash Meesha taalaa waxa ay tahay 24 ilaa 28kii Waraaqda uu madaxwayne Siilaanyo Cuskaday Halkay Taalaa,Taas Madaxwaynaha ayaa laga rabaa.

waxa uu sheegay Guddoomiye ciro inaanu sifo sharci ah u arag Sida komiishanka Doorashooyinka loogu dari waayay Dr Cabdilaahi Fadal”

“Madaxwaynaha waxaanu mar labaad ku celinay Markii uu Noo Cadayn waayay sababta uu usoo celiyay Dr Cabdilaahi Fadal,Waana uu naga qabtay,Hadana Marlabaad ayaa uu nagu soo celiyay,Warqada uu kusoo celiyayna waxa uu keenay Xarunta Baarlamaanka somaliland,Taas oo aanu Waxa Cudur Daar ah kusoo Qori Waraaqda uu kusoo celiyayna.

Waxa uu intaasi raaciyay Guddoomiye Ciro“waxase uu layaabku ahaa Nidaamkasta oo maamulna Khilaafsan Warqada ku socota Xisbiga wadani oo qudha in laga arkay oo kaliya shabakadaha waawayn iyada oon xisbiga wadani soo gaadhin oo waliba dhuxulna kusoo saaray warsaxaafadeed iyada oo la moodayo in masuul xilka laga qaaday.

 

Dhinaca kale waxa uu Fariin U diray Madaxwaynaha somaliland iyo Madaxtooyadaba waxaana uu ku booriyay in ay cadaalada ku hagto Shacabka somaliland waxaana uu yidhi “Madaxtooyada somaliland waxa laga filayaa inuu shacabka si cadaalada ah ugu xaqsoorto,Qodobka aad xubinta u adeegsatayna inaad xubnaha kale u adeegsato Am si gaar ah Xubin aad u tagoorto waa laga qurux badan yahay,waxa loo baahan yahay in Xubinta la diidayo in sifo sharci ah loo diido,Xisbiga wadani waxa uu dhamaan soo dhawaynayaa Dhamaan Xubnaha Kumiishanka doorashooyinka loo doortay,waxaana uu usoo jeedinaynaa in ay cadaalada ku dhaqaan shacabka iyo xisbiyada Mucaaradka ayaa la doonayaa.

Si kastaba aha ahaatee Madaxwaynaha Jamuuriyada somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Markii 2aad Xisbiga wadani kusoo celiyay Xubintii uga mid noqon lahayd Kumiishanka doorashooyinka somaliland waxaana uu guddoomiye Ciro Sheegay in Sifo aan cadaalada ahayn loo diiday,Balse muu caday ilaa iyo hada Cid Uu ku badali doono Xubinta uu diiday Madaxwayne Siilaanyo iyo in uu ku celin doono Mar saddexaad Dr Cabdilaahi Fadal

WAJAALENEWS DESK

Exit mobile version