WAJAALE NEWS

Goldolooloyinka miisaniyada 2015 iyo Doorka Golaha Wakiilada; Faysal Cumar Madar

Sida aynu ilaahay ka rajaynayno marka lagaadho sanadka 2015 waxa la filayaa in ay dalka ka qabsoonto doorasho isbarkan oo lagusoo xulan doono wakiiladii shacabka (representatives) iyo Madaxweyne iyo Kuxigeenkiisa. Ilaahay kuwo khary qaba oo kuwa imika jooga dhaama haynooga dhigee Aamiin iidhaha.

Sida dhaqan iyo caado inoo ah umadeena Somaliland oo inta badan aan lahayn meelo xasuusaha lagu kaydiyo ayaa u sahasha in ay inta badan uu khiyaameeyo qof aanay ka filayni badanaana kama yeeshaan ku talagal ay kaga takhalusaan hadimooyinkaa kuso noqnodaa, ayaa waxaan jecelahay inaan arigtidayada shakhsiga ah kusoo bandhigo qoraalo dhawra oo ku taxaluqa miisaniyada qaranka ee sanadlaha ah ama odorosyada kharash ee goloyaashaa aan soo sheegnay in ay sanadka ina hay aka dhamanayso masuuliyadii ay qaranka u hayeen hadii aanay dib inoogu heshiinba.

Ku dhawaad afar iyo badh sano oo xukumadan kulmiye talada dalka haysay marnaba may keeniin golaha wakiilada hortooda haba yaraatee wax xisaab xidha oo sheegaya in dalku dayyn lagu leeyahay iyo in lacag dheeraadii inoo soo hoyatay, inkastoo in xisaab xidh ay samayndoonaan ay far waa weyn ugu qornayd buugii huurada ahaa ee KULMIYE, bal aan ku xasuusiyo qaar ka mida qorshayaashii beer laxawsiga ahaa ee ku saabsanaa arimaha dhaqaalaha dalka :

X. Kobcinta Dhaqaalaha iyo la Dagaalanka Saboolnimada

Somaliland waxa ay ka mid tahay wadamada dunida ugu saboolsan, waxaana sabab u ah hoggaan xumo, musuq-maasuq, maamul xumo,

siyaasad la’aan ay weheliyaan kabayaasha dhaqaalaha oo burbursan. Hadaba, Kulmiye markuu ku guulaysto talada dalka insha Alaahu wuxuu ku talo jiraa:-

  1. Inuu sameeyo daraasad iyo isbeddel qoto dheer (Reform), isagoo dejinaya qorshe gaaban iyo mid dheer (short and long term plans) kuwaas oo ku waajahan sida dhaqaalaha dalka loo horumarin lahaa
  2. KULMIYE isagoon wax cashuura kordhinayn ayuu kor u qaadi doonaa dakhliga dawlada (isagoo ku shaqaynaya tashiil iyo hawlkarnimo),taas oo wax ka tari-doonta horumarka dalka guud ahaan.
  3. Waxa uu sameyn doonaa siyaasadaha iyo shuruucda dhiirigelinaya malgeliyaasha shisheeye iyo kuwa gudahaba, si loo abuuro jawi (conducive environment) is-aamin iyo kalsoonida maal-geliyaasha si ay ugu aaminaan hantidooda ay maal-gelinayaan dhulkeena.
  4. Wuxuu Kulmiye fududeyn doonaa furashada bangiyada gaarka loo leeyahay iyadoo la sameyn doono shuruucdii ku habboonayd.

LIFAAQA:

Dalka Somaliland sida la moodayo faqiir maaha, balse waxa haysata maamul xuno.

 Waxa ay ahayd in Miisaaniyadda qaranka u soo xerootaa sannadkii ay kor u dhaafto USD 200,000,000, halka ay ka tahay USD 42,000,000

Shaxda 1: Dakhliga Qasriga ku hoyda sannadkii ee aan Miisaaniyadda Qaranka gelin:

 

1 Shaxda No 1 Xoolaha dhoofay $3,349,696
2 Shaxdda No 2 Dekedda Berbera

( Cel-celis ahaan )

$8,000,000
3 Haamaha shiidaalka ee Berbera $1,970,290
4 Grand Total $13,319,986
     

 

Lacagta la lunsado ee aan xaddi sugan laga hayn waa kuwa hoos ku qoran
  1. Lcagta laga qaado shirkadaha shiidaalka batroolka.
?
  1. Kalluumaysida xeebaha lagaga xaalufiyo kalluunka.
?
  1. Lacagta sh. Somaliland ee la soo daabaco.
?
  1. Hantida qaranka ee la iibiyo.
?
  1. Lcagta amaanka lagu sugary ee dawladuhu biaxial.
?

 

 

Hadaba anigoo dadka u dayn doona qorshayashaasi in ay fuleen iyo in ay kuwani waa KULMIYE kasii dareenba? . bal aynu eegno hada intii kulmiye haysteen aynu eegno miisaaniyadihii ayku shaqeeyeen inta xadigoodu leekaa iyo meelaha fartu ku godnayd, sida ogaalkay ah sanadkii 2010 kii July ayay lawareegeen 5tii bilood ee sanadkaa ka hadhsanaa waxay ku shaqeeyeen hadhaagii miisaniyadii UDUB.

 

 

Sanadka Qadarka lacageed Xisaab xidh
2011 529,935,322,246 Slsh Lama hayo
2012 639,369,240,470 Slsh Lama hayo
2013 750,000,000,000 Slsh Lama hayo
2014 912,000,000,000 Slsh Lama hayo
2015 1,080, 000,000,000, Slsh lama gadhin

 

Dakhliga miisaaniyadaha oo inta badan ay isku raacsanyihiin miisaniyadihii kala danbeeyay eesanadadii 2011-2015 waxa lagu sheegaa in inta badan ay ilahan kazoo galaan xukumada:

W/Ganacsiga, W/Boostada, W/Warfaafinta, Hawlaha Guud (kiro),W/Macdanta, W/beeraha, W/Kalumaysiga, W/R/Miyiga, Daabacaada Lacagta, 2% G/ Bariga, Kastamka iyo Cashuuraha Berriga.

Tusaale kooban bal hada aynu soo qaadano lacagaha lasoo daabacay intii u dhaxaysay 2012-2014 iyo Lacagaha qorshaysan in lasoo daabaco sanadka inugusoo foodle 2015 ee shaxdan hoose :

Sanadka Slsh lasoo dabacay USD
2012 40,836,096,697 $6,806,016.
2013 45,000,000,000 $7,500,000
2014 45,000,000,000 $7,500,000
2015 45,000,000,000 $7,500,000
GRAND TOTAL 175,836,096,697 $29,306,016

 

Tusaale sida ay miisaniyada soo socota 2015 ee golaha la horkeeni doonaa sheegayso waxa 4.17% waxa ay ka imandoontaa lacag lasoo daabacayo, sidoo kale 5.05% ay ka imandoontaa 8 Wasaaradood ee kala ah: W/Ganacsiga, W/Boostada, W/Warfaafinta, Hawlaha Guud (kiro),W/Macdanta, W/beeraha, W/Kalumaysiga, W/R/Miyiga.

Su’aal aan is waydiino hadaba 8 kamida wasaarada ay ku tiirsan tahay dhaqaalaheenu inta ay soo saaraan iyo lacagaha aynu soo daabacano farqiga u dhexeeyaa waa 0.88% , hadaba intee in leeg ayay ina wadaysaa in aynu sanadkasta soo dabacano lacag gaadhayso 7-10 million USD.

Midka mida shaqada ugu muhiimsan ee ay wakiilada Somaliland inoo hayaan wax aka mida Ansixinta Miisaaniyada iyo Dib-ueegisteeda fadlan naga eega hadaanu nahay bulshadii idindooratay ee cashuurtooda aad mushaharka ka dhigataan

Hadaba waxa aynu eegi doonaa mid waliba qiimaha ay qaran ahaan u leedahay iyo doorka dalka ay ugu jirto, waxa kale oo aynu eegi doonaa meelaha aan isleeyahay shakhsiyan waxa loo qorsheeyaa kharash ku haboon iyo waliba meelaha mugdigu ku jiro (rabow eex ma tiraabine aqoon haygu cadaabin) waa laisixi karaa waxaan ka tago iyo meeshaan hilmaamo.

LASOCO QAYBAHA DANBE

 

Exit mobile version