WAJAALE NEWS

Baaq Wadatashi Si loo Gorfeeyo Caqabadaha Ku Gadaaman Waxbarashada Gobalka Gabiley Oo Hoos u Dhac Ka Muuqdo Sanadihii u Danbeeyay

GABILEY(Wajaalenews);Marka hore bariido san dhamaan bahwaynta gobalka Gabiley meel walba oo ay dunida guudkeeda kaga nool yihiiin, mar labaad waxaan maanta qalinka u qaatay inaan idinla wadaago qoraalkan kooban oo aan ku iftiiminayo in ay jirto dhibaato iyo caqabado soo wajahay waxbarashadii Gobalka Gabiley.

Gobalka Gabiley wuxuu ahaan jiray sanado badan meel waxbarashada ku wanaagsan loona aqoonsanaa gobal waxbarasho sobobtoo ah ardayda ka soo baxda oo tayadoodu saraysay iyo waliba iyagoo sanad walba gali jiray kaalmaha ugu sareeya ee imtaxanka shahaadiga ee fasalada 8aad ee dugsiga hoose/dhexe iyo 4aad ee dugsida sare. Waxaa xusid mudan in waliba dhibcaha ay guud ahaan ardaydu ku gudbi jireen ay ahayd iyaduna mid saraysa oo ay kala sinaayeen ardayda kale.

Balse waxaa sanadadii u danbeeyay isa soo taraya hoos u dhaca baaxada leh oo ku dhacay waxbarashada ardaydii dugsida sare iyo hoose/dhexe ee Gobalka Gabiley, way jiraan duruufo horyaala hoos u dhaca waxbarashada oo loo baahnan yahay in si qoto dheer loo gorfeeyo oo laga wada hadlo balse wali may dhicin in laga wada hadlo arimimaha khuseeya waxbarahsada .

Sidday u dhacaysaa in guud ahaan ardaydii gobalka Gabiley ee dugsiga sare ee dhawaa labada boqol ee arday in ay darajada A ku baxaan 5 arday oo kaliya iyadoo dugsiyada sare ee wadanku ku faanayaan in ardaydoodu sanadkan darajadoodu u badnayd A iyo B, waliba waxaa aad loogu baahan yahay in loo gurmado ardayada dugsiyada hoose dhexe oo iyagana aad ka naxayso . maxaa u sobob ah in ardaydeenii ay hoos u dhaci ku yimaado? Maxaa darajadoodu ka duway ardaydii wadanka?? Maxaa ay u soo gali waayeen kaalmihii hore ee ay gali jireen?

Ugu danbayntii waxaan u soo jeedin lahaa gudoomiyaha gobalka, Maayarada degmooyinka, ganacsatada, madaxdhaqameedka iyo aqoonyaanka gobalku inay isku yimaadaan oo ay darsaan halka sartu ka qudhuntay, walibana la warayso macalimiinta, ardayda si loo helo oo loo ogaado caqabadaha ku gadaaman ardaydeena iyo guud ahaan waxbarashada gobalka Gabiley.

Waxaana u soo jeedin lahaa gudoomiyaha gobalka Mustafe Cabdi Shine, maayarka degmada Gabiley Shucay Cabdi Muuse iyo gudoomiyaha waxbarashada gobalka Gabiley in door muhiima ka qaataan siddii loo qaban lahaa kulan lagu lafo guro waxbarashada Gobalka Gabiley iyo caqabadaha horyaala.

Wabilaahi towfiiq

Mustafe Muxumed Cadde

mustafemx@hotmail.com

Hargaysa, Somaliland

Exit mobile version