WAJAALE NEWS

“Anigu Mid Uun Baan Ogahay Inay Jirto Koox Isbahaysatay Oo Ku Shaqaynaysa Siyaasad Qarsoon Oo Dalkan Khatar Ku Ah” Siyaasi Cismaan Hindi

Hargeysa(Wajaalenews);-Siyaasiga Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi), ayaa iftiimiyay Koox uu sheegay in Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ka tirsan yihiin,kuwaasi oo uu tilmaamay inay Siyaasadda Madaxweynaha ka soo horjeedaan

Siyaasi Cismaan Hindi Oo Wargeyska Jamhuuriya la hadlayay ayaa yidhi “Anigoo aad u ixtiraamaya Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), laakiin waxa suuqa la isla dhexmarayo; anigu mid uun baan ogahay inay jirto koox isbahaysatay oo ku shaqaynaysa siyaasad qarsoon oo dalkan khatar ku ah oo aanay dadku fahansanayn oo ka soo horjeeda siyaasadda madaxweyanaha laftiisa, markaa halka dalku ka dawakhsan yahay waa halkaas, waana in madaxweynuhu ummadda hago, fiiro gaar ahna u yeesho dadka aan siyaasaddiisa ku shaqayn ee xilalka haya

Madaxweynaha waxaan ku aqaan inuu yahay nin sharaf doonaya, laakiin waxa jira cayayaan badan oo is-bahaystay, kuna shaqeeya siyaasad qarsoon oo aan la garanayn, waxaanan filayaa in madaxweynuhu ku go’aan qaato kolba talada loo geeyo, markaa kuwaas aan sheegayo waa kuwo uu aaminsan yahayba,”

Dhanka kalena Cismaan Hindi, ayaa Golaha wakiilada Somaliland u soo jeediyay in Shaandhada ay mariyaan Xubnaha Komishanka Doorashada

“Waxaan leeyahay Golaha Wakiillada, waad arkaysaan shaandhada madaxweynaha Somaliland ku sameeyey xubnihii la soo xulay ee Komishanka oo hal xubin ah ayuu dib u celiyey, waanu ku mahadsan yahay arrintaas, laakiin waxaan leeyahay Golaha Wakiillada waa inaad xilkiina gudataan oo aad shaandhada marisaan xubnaha Komishanka Doorashooyinka ee la idiin soo gudbiyey, kana reebtaan cidda aad u aragtaan inay xisbi ku lug leeyihiin ama ka tirsan yihiinba. Xubnaha Komishanka ee la doonayo in la ansixiyo waa inay ka madaxbannaanaadaan xisbinimo, noqdaanna qaar dhexdhexaad ah.”ayuu yidhi Mr Hindi

 

Exit mobile version