WAJAALE NEWS

Xukumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Aragtideeda Ku Aadan Dhimashada Hogaamiyihii Al-shabaab.

Hargeysa(WJN):-Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo Maanta ka hadlay Dilka Maraykanku sheegay ee Hogaamiyihii AL-shabaab Axmed Cabdi Godane, ayaa sheegay in Xukumadda Somaliland ka taagan tahay Geerida Godane meesha dunidu ka taagan tahay islamarkaana uu yahay Nin daallin ahaa oo la dilay.

“ Dilka hogaamiyihii Al-shabaab halkaa Caalamku ka taagan yahay ayaanu ka taagan-nahay, Waxaana lagula jiray Dagaal, haddii Ninku dagaal ku jirana kolay dhimasho iyo geeri labadaba diyaar buu u yahay, Nin Walba oo daallin ahna in la dilaa Xaq weeye” ayuu yidhi Wasiir Warancadde

Hogaamiyaha Al-shabaab ee Axmed Cabdi Godane, ayaa ka soo jeeday Somaliland, hase ahaatee waxay Somaliland ku xukuntay Dil isagoo Maqan lugtii uu ku lahaa Weeraradii 209-kii Somaliland ka dhacay darteed.

Maraykanka ayaa shalay sheegay in Axmed Cabdi Godane dhintay ka dib weerar ay kula beegsadeen Isniintii meel u dhaw Baraawe.

Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye: Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version