WAJAALE NEWS

Wasiirka Madaxtooyadu ma u qalmaa in loogu yeedho Wasiirka-Wasiiradda?

HARGEISA(Wajaalenews); Qoraalkan waxaan jecelahay in aan kaga hadlo arrin in muddo ah ka dhex guuxaysay bulshada oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka dhawaajiyey, kadib markuu Wasiirkiisa Madaxtooyadda Xirsi X. Cali Xasan ugu yeedhay inuu yahay Wasiirka-Wasiiradda, kulan ka dhacay madaxtooyada oo ay isugu yimaadeen Badhasaabyadda iyo Maayoradda Goboladda si ay uga wadahadlaan diiwaangelinta muwaadinka ee dhawaan ka qabsoomi doonta dalka.

Su’aasha is waydiinta muddan, waa Wasiir Xirsi ma u qalmaa in loogu yeedho ama loo magacaabo Wasiirka-Wasiiradda?.

Haddaba, aniga oo si fiican u garan kara in aad maskaxdaada rogrogeyso, isla markaana suurtogal tahay inaad Wasiiradda mid-mid u saarto kafadda ama miisaanka waxqabad ee midkastaa uu muujiyey iyo kasbashada in loogu yeedho Wasiirka-Wasiiradda.

Si kastaba ha ahaatee, waxa xusid muddan in kalmadda Wasiirka-Wasiiradda ee uu ka dhawaajay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay noqotay mid siyaabo kala duwan ay dadku u fasishaan, waxa ka mid ah Madaxweynuhu ma nidaam cusub ayuu jeexayaa, mise wuxuu kalmadda Wasiirka-Wasiiradda u adeegsaday dhinaca waxqabadka iyo dhiirannaanta hawlaha Qaranka Somaliland.

Akhriste, adiga ayaan kaaga tagayaa jawaabta su’aasha aan kor ku xusay adiga oo ka dhadhansan doona, isla markaana si fiican uga boggan doona qoraalkayga soo socda.

 

KA DHIIBO ARAGTIDAADA KUNA SOODIR

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

Exit mobile version