HARGEISA(Wajaalenews0;Laba kooxood oo katirsan kooxaha kubada cagta ee xaafada ibraahim koodbuur gaar ahaan jigjiga yar ayaa caawa weraro hubysan o ay isku qaadeey waxa ku geeriyoday mid kamida labada kooxod
Marxuumka geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray (ASKARI) ISagoo ahaa tababaraha labadan kooxood mid kamida oo lagu magacaabo city boys halka kooxda kala lagu macaabo united boys
labadan kooxood ayaa iyagu ka tirsan koxaha heer sedexaad ee kubada cagta
KHilaafka kooxahan ayaa lasheegay in uu kabilowday garon ay kuwada ciyari jireen mudana uu morankoodu soo jiitamayay dhawr jeerna la heshisiiyay
Wasaarada ciyaraaha iyo xukuumada siilaanyo ayaa iyagu gabi ahaanba iibiyay goroomadii danta guud taasi oo sobobtay indhalinyaradu isku dilaan meelaha banaan amaba seesaska dhexdooda
Ciidamada booliska ayaa caawa awoodi kari waayay in ay wax gurmada ka gaysan dhibaatooyinkaa ay sameeyeen dayartii dalka oo waayay meel ay ku ciyaaraan haba yaraatee.
Iyadoo ay ciidamada boolisku u dhaqaaqi wayeen shidaal la,aan ku habsatay dalkoo dhan .iyadoo noqonaysa fashilaad ku timid xukuumada iyo hogaanka ciidanka booliska
Dhacdadan ayaa noqonaysa mid ugub ku ah kooxaha kubada cagta ee xaafadaha kala duwan arinta ayaa aburidoonta khatar hor leh kuwaasi oo ay dhalinyaradu isku ugaadhsan doonaan , kuan kala aar goosanayaan
WIXII KASOO KORHA SHAQAADAN KALA SOCO WAJAALENEWS
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM