WAJAALE NEWS

War deg-deg ah Khasaaro ka Dhashay Askar ka Tirsan Ciidanka Booliska Gabilay oo Deegaanka Galloolay Dhaawac u gaystay Nin Beeralay

Gabiley(Wajaalenews) Askar ka tirsan Ciidamada booliska Gabilay ayaa maanta galinkii danbe rasaas ku dhuftay muwaadin Faarax Aw-cumar,oo ku sugnaa beertiisa oo ku taala deegaanka Galoollay oo dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Gabilay,dhibane Faarax aw Cumar oo xabadu ka haleeshay labada miskood ayaa waxa imika dhaawaciisa lagu daawaynayaa isbitaalka Mg.Gabilay. Sidaa waxa warbaahinta  uxaqiijiyay Caaqil Cumar Cali Faarax(canbe) Caaqil Yuusuf Muxumad Oday Xuseen Caduur aw-yuusuf Oday Axmed-yaasiin Cilmi Xudhuun.tidhi “waxaa ay wax ka dheceen deegaanka galoolay ma garanayno sababta booliska

rasaas taasi oo dhaawaca gaysatay Meesshuna waa degaan beeralay ah magaalo maaha oo wado lagama saarayn beerta ee waxaan umalaynanaa in ay askartani hiil u ahaayeen muwaadin kale oo dhibanaha beertan ku haystay maxkamaduna ay u sheegtay damaciisa gardarada watay mana jirto sabab kale oo booliska hubaysan beerta galoolay ku taala keeni karta”

Cuqaashan ayaa sidoo kale falkan canbaaraysay waxayna xukuumada maamulka gabilay iyo taliska ciidanka booliska ugu baaqeen inay si deg deg ah sharciga horkeenaan danbiilayaasha inta ay arinta faraha ka bixin.

 

Exit mobile version