HARGEISA(Wajaalenews)Kooxda Real Madrid ayey sanadkan ka tageen laba ciyaartoy oo aad u fiicnaa oo ayna cidina is lahayn real way fasxi doontaa ayaa markii ay dadku maqleen arinkaa aad u yaabeen iyagoo taageerayaasha kooxdu ay aad uga xumaadeen.
Hadaba sababta keentay in ay labadan ciyaaryahan ka tagaan ayaa waxaa sharaxaad ka bixiyey Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez oo sheegay in ay aad u jeclaayeen di maria laakiin uu isagu keenay codsiga isagoo keenay markaa ama kooxda soo hor dhigay laba qodob labadaa qodob oo uu kooxda kala dooran siiyey.
Labadaa qodob ayaa waxa ay kala ahaayeen in ay kooxdo u kor dhiso lacagta isagoo saluugay lacagta uu Real ka qaato isla markaana waxa uu codsaday lacag badan oo ayna kooxdu bixin karayn ayuu yidhi Florentino Perez lacagtaas uu qabsaday cid qaadata oo naadiga u ciyaartaana ma jirto kaliya waxaa qaata ronaldo oo kaliya hadii aan u ogolaan lahaa lacagtaas uu qabsadayna waxaan kooxda galin lahaa khasaare sababtoo ah ma awoodo kooxdu in ay bixiso lacag intaa leeg
Sidaa darteed waxaa qasab nagu noqotay in aanu fasaxno oo loo tixgaliyo rabi taankiisa maadaama oo uu yahay ciyaaryahan kooxda abaal badan ku leh sidaasuuna ku tagay Di Maria waananu jecel nahay waxaanan u haynaa abaal badan maantana waxa uu tagay koox kale laakiin anagu abaal ayaanu u haynaa una hayn doonaa.
Dhinaca kale tagitaanka uu kooxda ka tagay laacibka alonsa ayaa iyaduna ahayd markii uu alonsa naga codsaday in la fasaxo sababtoo ah waxaa kooxda ku soo biiray Kroos markaa ka dib ayuu si xushmad leh uga codsaday kooxdu in ay fasaxdo mar hadii ciyaaryahanku uu noqdo ciyaartoy wayn in uu jecel yahay in uu kooxda ka diga rogto taasi waa ta keentay in aan haysano Sami Khadira waayo labada ciyaartoy ee Alonsa iyo khadira mid uunbaa tagi lahaa maantana alonsa ayaa tagay khadirana uu joogaa maantana kooxdu way fiican tahay wayna wanaagsan tahay waxaana jooga ciyaartoyo fiican.
Perez ayaa sheegay in ay kooxdu ka tagaan ciyaaartoy fiican oo la moodayo in ay kooxda u yihiin laf dhabar hadana mudo yar ka bacdi la arko ciyaartoygii la keenay kooxda oo ka wanaagsanaada kii hore ee ay dadku u arkayeen in lagu qaldanaa iibkiisa ma fasaxiisa taasina waxaa sabab u ah in ciyaartoyga la siiyo kalsooni uu ku ciyaaro marka kalsoonida la siiyana waxa uu awood u helaa in uu noqdo laacib wayn.