Hargeysa (Wajaalenews) Suldaan Maxamed Cabdilahi Xuseen Galaal Oo ka hadlay Dilkii Saraakiisha Ciidanka ee ka dhacay Deegaanka Qurilugud iyo Mudaharaadkii ka dhacay Gabiley ee salka ku hayey Falkaasi waxaanu soo jeediyey in Nabad galyada la ilaawliyo Waxaanu Xukuumada ku adkeeyey inay soo qabato Gacan ku dhiig lihii Saraakiisha laayey, isagoo dadweynha reer gabileyna u soo Jeediyey inay Nabada ilaaliyaan.
Ugu horeyn Suldaanku Wuxuu tacsi u diray Eheladii ay ka baxeen Saraakiishaasi waxaanu yidhi “Ugu Horeyn waxaan Tacsi u dirayaa labadii Sarkaal ee ka tirsanaa Ciidanka Qaranka ee ku dhintay Qurri-lugud, Qoysaskii ay kabaxeen ilaahay Samir ha ka siiyo iyagana Naxariistii Jano ha ka waraabiyo, Dawalada Waxaanu ka doonaynaa in Ninkii Gacan ku dhiig lahaa ahaa ee Saraakiisa Laayey meel kasta oo uu galay la raadiyo oo la soo qabto oo sharciga la mariyo” ayuu yidhi Suldaanku
Suldaan Galaal oo Hadalkiisa wii wata ayaa Shacabka reer gabilay ugu baaqay inay Nabada ilaaliyaan, Reer Awdal-na ku bogaadiyey daganida ay muujiyeen “shaqaaqadan Gabiley ka dhacday Raadkay ku yeelatay Nabad galyadii oo dhimasho iyo dhaawacba ka dhashay aad baan uga xumaha arintaasina, waxaan leeyahay arintaasi may haboonayn, waxay ahady shil ciidanka Qarankaana ku shaqo leh Saraakiil hore oo kan oo kale ku dhimataybaa jirta, dawalad nimada iyo Nabad galyada ayaaanu doonaynaa in la ilaaliyo Reer Awadalna aad baan u Hambalyeynayaa siday Nabadgalyada u ilaaliyeen iyo Qaranimada ee ay u daayeen Ciidanka Arintaa gacanta ku haya waan ku bogaadinayaa” ayuu yidhi Suldaan Galaal waxaanu xukuumada ugu baaqay inay sida ugu dhakh saha badan usoo qabato Gacan ku dhiiglihii
WAJAALENEWS DESK
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM