WAJAALE NEWS

Madaxweynaha Ismaamulka Somalida Itoobiya Iyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisi 00 uu Murankii u dhexeyey sii Xogeystay+Wasiiro xilkii laga Qaaday

“Gaadhigii Madaxweyne Ku-xigeenka oo jig-jiga laggu rasaaseyey iyo Wasiiro Xilkii laga qaaday.”

Jigjiga (Wajaalenews) Madaxweynaha Ismaamulka Somalida Itoobiya (DDSI) Mudane Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ilay) ayaa Xilkii hogaanka Nabadgelayda ka qaaday Madaxweyne ku-xigeenka Dawlad Deeganka Somalida Itoobiya DDSI Cabdilaahi Yuusuf Weerar (cabdullahi-Itoobiya) oo isku hayey Labada Xil, waxanu u magacaabay Xil cusub oo ah madaxa xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka ee DDSI, Balse Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ka diiday Xilkaasi Cusub ee loo magaacay waxana Muddooyinkii ugu danbeyey uu u dhexeyey labbadan masuul Khilaaf culus oo gaadhay illaa Heer Fedaraal, waxa kale oo Madaxweyne Cabdi illay Xilkii ka Qaaday 7-masuul oo ka mid ah gollaha wasiiradiisa, halka xubno kale oo cusub uu magaacabay.

Isbadalka siyaasadeed ee lagu dhawaaqay ayaa Guux Weyn ka dhex Abuuray Masuuliyiinta Ismaamulka Somalida oo markii horeba Labba Garab u qaybsanaa kuwaasi oo ku loolamayey Awooda Maamulkaasi, waxa wararku sheegayaan in Madaxweynaha ismaamulka Somalida oo dhawaanahan la Lagdamayey Khilaaf culus oo ka dhex dilaacay maamulkiisa oo uu ku sigtay in ay waydaarin Kursiga ayaa la soo baxay Ficilo cusub oo uu Doonayo in uu saaxada Siyaasada uu kaga saarro Raggii ka soo Horjeeday, taasi oo kooxdii ka soo horjeedayna ay iyaguna billaabeen in ay diidan Xilkaqaadistaasi uu ku sameyey.

Waxaa xusid mudan, in Sabtidii dhaweyd gollaha wasiirada ismaamulka Somalida Itoobiya ay kulmeen iyada oo uu shirkasi uu daadihinayey madaxweyne Cabdi Maxamuud, Kullankaas oo lagu soo jeediyey qodobo ay ku jiraan in la isku shaandheeyo wasiirada iyo IN tuulooyin lagu wareejiyo Ismaamulka Canfarta ayaa ku dhaamaday guul-darro, Balse waxa uu soo Saaray Haddan isku shaadhan isaga u gaar ah oo aanay la qabbin Wasiiradiisu.

Warar aan si madaxbanaan loo xaqiijin karin ayaa tibaaxaya in madaxii hantidhawrka ee DDSI oo la doonayey in uu fududeeyo hawsha kala wareejinta xafiisyada u sameyey amar-diido islamarkaana uu ka baxay Jigjiga, balse aan la xaqiijin karin dhanka uu u dhaqaaqay.

Dhanka kale, waxaa soo baxaya warbixino tilmaamaya in dad lagu tuhmay in ay qayb ka yihiin xurgufaha masuuliyiinta, laakiin aan ahayn siyaasiyiin xabsiga la dhigay.

 

Masuuliyiinta DDSI, oo u muuqda kuwo maareyn kari waayey xurguftooda siyaasdeed islamarkaana hadda ku sii siqaya in ay isu awood sheegtaan ayaa la garanayn halka uu xaalkoodu uu ku danbeyn doono.

Madaxweyne CabdiMaxamuud ayaa wali la tacaalaya culayskii siyaasadeed ee ugu adkaa taariikhda madaxtinimadiisa Ugu yaraan 2 jeer ayey masuuliyiin xukuumadiisa ka mid ahi si fagaare ah u diideen go’aano uu soo saaray.

Arrinta ugu xiiso badan ee wareegtada madaxweynaha ayaa lagu tilmaamay magaacibista Cabdullahi Yuusuf(cabdullahi-Itoobiya) oo loo magaacabay madaxa ka hortaga aafooyinka. Masuulkan oo ah madaxweyne-ku-xigeen islamarkaana dad badan rumeysan yihiin in horseed ka yahay kacdoonka ka dhanka ah madaxweynaha ayaa la rajaynayey in uu madaxweyne Cabdi uu sii wadi doona dagaalka uu kula jiro.

Ugu dambayn, waxaa la sheegaya in xubnihii ka soo horjeeday madaxweynaha ay dhambaal u direen dawlada dhexe iyaga oo ku wargaliyey in wixii hadda ka dambeeya ay talaabooyin qaadayaan oo ay xilka kaga qaadayan Madaxweyne Cabdi Maxaamuud .

Dhanka kale Todobadkii hore ayey ahayd markii Madaxwayne Ku-xigeenka Mudane C/laahi Yuusuf Weerar Baabuurkiisa Khaaska Lagu rasaaseyey Magaalada Jigjiga in kasta oo ay wararku sheegyaan in aanu wakhtigaasi la socon haddan waxa Gaadhiga soo gaadhay Khasaare ka dhashay Rasaastii lagu riday, waxana la sheegay illaa haatan in aan cidna loo qaban dadkii falkaasi ka danbeyey ee lagu rasaaseeyey   Gadhiga madaxweyne Ku-xigeenka, balse Madaxweyne ku-xigeenka ayaa Isla malintii u cararay Magaalada Addis Ababa isaga oo ka dacwoonayey in la doonayey in shirqool lagu diillo, si kasta ha ahaateen Khilaafka u dhaxeeya Masuuliyiinta Ismaamulka Somalida itoobiya ayaa mel Kulul Maray iyada wararka qaar sheegayan in qaar ka mdi ah wasiiradii Ismaamulka Somalidu Hargeysa ku sugan yihiin laman Garayo ujeedada dhabtaha ee ay hargeysa u joogan, balse wararka qaar ayaa sheegaya in ay khilaafka soo baxsadeen.

Xigasho :shiniilenews

Exit mobile version