WAJAALE NEWS

Maayarka Caasimada Hargeysa Oo Ka Hadlay Macradadda Baabuurta Iyo Mashaariic Ay Fulliyeen

Hargeysa(Wajaalenews);- Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Soltelko ayaa muddo laba bilood ah siiyey Macradadda Baabuurta lagu iibiyo inay u guuraan koonayaasha magaaladda oo laga siiyey dhul loo maalgaliyey oo ay gaadiidkooda ku iibsadaan.

Sidoo kale, waxa uu gaadiidka magaalada u kala baxa istaamo uga sameeyey afarta daraf ee magaaladda si loo yareeyo xidhiidhiga gaadiidku ku hayaan magaaladda Hargeysa.

Sidaasna waxa uu ka sheegay mar uu shalay kormeer ku marayey mashaariic kala duwan oo ay ka wadaan magaaladda, kuwaas oo kala ahaa laba waddo oo mid hor marto Jaamacadda Hargeysa iyo wadadda xaafadda Insha Boorama degta ee degmadda Axmed Dhagax.

Maayar Soltelko oo ka hadlaya wadadan laamiga ah ee ay ka wadaan jaamacadda Hargeysa horteedda waxa uu yidhi “Halkani waa wadada jaamacada Hargeysa hor marta dhererkeeduna waa 1.8 Miter, waxa kale oo ay ku xidhmi doonta waddada kale ee aanu ka soo waddno wasaarada arimaha gudaha,ilaa wasaarada hawlaha guud, wadadaa waxa loo sameey dib u dhis ama in dib loo cusboonaysiiyo oo cover cusub la saaro. Wadadan waxa ay ahayd mid aad u googo’an dibna waanu uga shaqaynay, wadadan jaamacada hor martaa waa halkii aqoontu taalay ee aqoon yahan oo dhami ka soo baxayeen, halkani waxa ay ahayd Jaamacadii aan ka soo baxay ee aan mudo afar sano ah dhiganayeyan, imikana ilaa afar kun oo arday ayaa dhigata. Markaa waxa aanu ugu talo galnay in ardayd wado fiican jaamacada u soo maraan oo sidiii rafaadka lahayd ee aanu anagu usoo mari jirnay aanay iyagu usoo marin, waliba wakhtiyadda roobku da’ayo dadka dhib badan ayaa ka haystay”

Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay xildhibaan Xasan Shahar oo ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka Hargeysa, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa u “Halkan aynu ku suganahay waa wadada hor marta jaamacada Hargeysa , wadadaasi waxa loo samaynayaana waxa weeyaan ardaydii ugu qaalisanayd ayaa ku jirta, si ay uga raystaan kadhkadhii iyo baskii soo qaadayey ee odhanayey meelbaa iga jabtay”.

Dhinaca kale, waxaay isla shalay kormeer ku tageen  beer qurux badan oo ay ka sameeyeen wasaaradda caafimaadka horteedda, isla markaana dhir iyo goobo lagu nasan karo ka sameeyey, taas oo dadka qaar dawladda hoose ku eedeenayeen inay iibsanayaan, waxaanu maayarku sheegay inay dadkii hore wararka beenta ah odhan jiray ay maanta ishoodda ku arkayaan sida laga dhigay iyo quruxda loo sameeyey.

maayir Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa sheegay inay wadaan qurxinta caasimadda, isla markaana dadka ugu baaqay inay cashuurta iska bixiyaan.

”Alle Ayaa Mahad Oo Dhan Iska Leh Allah Nabad Qab Inugu Soo Gaadhsiiyay Madashan Quruxda Badan Ee Aynu Joogno Waxaad Ogtihiin In Halkan Aynu Joogno Oo Ah Barxada Wasaarada Caafimaadka Hortiisa Oo Dadka Qaar Kood Sheegayeen In Aanu Iibinayno Ood Manta Indhihiina Ku Argataan Sida Aanu Uga Shaqaynay, Isla Markaan Ugu Adeegayno Qaybaha Bulshadee Kala Duwan,Waxa Kale Oon Sheegayaa In Maanata Indhihiina Ku Soo Aragteen In Aany Jirin Waxa Aanu Iibsanya Iyo Waxa Aanu Dano Gaara Ka Leenahay Mar Walbana U Shaqayin Doono Bulshadaa Na Soo Dooratay, adeer waanu ka sharafweynaha dad iibsadda danta guud”ayuu yidhi Maayar Soltelko oo ka hadlayey beertan quruxda badan ee ay ka sameeyeen wasaaradda Caafimaadka horteedda.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaano Kala Duwan Oo Isugu Jira Kuwa Wakiilada Iyo Golaha Deegaanka Ugu Horayin Wax Isna Hadlay Xildhibaan Xasan Shahar Oo Ku Amaanay Maayirka Wax Uu U Qabtay Dalka Waxa Uu Yidhi “Barxadan Aynu Joognaa Waa Barxadii Wasaarada Caafimaadka Somaliland Horteeda Waa Meeshii Maayirkayaga Aadka Loogu Xag-Xagnayay Ee La Lahaa Wuu Iibsaday Wuu Dhacay Meeshiina Waad Aragtaan In Ay Ka Gadisantahay Sidii Hore. Waa Meel Bilc Leh Oo Meel Indhuhu Ku Raxaysanayaan Waa Meel Sidii Ay Dadku Ku Sheegayaan Ka Gadisan Noqona Waayday, Dadwaynahana Wax Aanu Leenahay Lexejeclada Idinka Haysa Dhulka Tobankeed Ayaa Naga Haysa Ee Taana Ogaada”.

Sidoo kale, waxa isaguna soo dhoweeyey imaamka masaajidka ku yaalla beertan oo markii hore warar been abuur ah loogu sheegay beertan, haseyeeshee waxa uu u mahad celiyey dawladda hoose oo barxad fiican u samaysay masaajidkii.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Xildhibaano Ka Tirsan Aqalka Baarlamaanka Somaliland Oo Kal Ah Xildhibaan Nacnac Iyo Xildhibaan Kijaandhe Oo Labadooduba Ka Mara Kacay Sida Uu Maayirka Magaalada Hargeysa Ugu Shaqaynayo Dad Waynihii Soo Doortay .

Waxaanay ku baaqeen inay dadweynuhu cashuurta iska bixiyaan si magaaladda loo horumariyo, isla markaana dib loogu soo celiyo.

Maayarka oo ka hadlaya qorshaha ay u sameeyeen Macradada Baabuurta lagu iibiyo waxa uu yidhi“maanta laga bilaabo wax macrad ah oo Hargeysa laga furi doona ma jirto dibadda loo wada saaraya, waxaana u diyaaarinay dhulkii maalgashiga, waana loo diyaariyey dhul ay gaadiidkooda ku iibiyaan, dhulkaasi oo labadda koone ee magaaladda ah, laba bilood ka bacdi macrad dambe oo ka furnaan doona ma jirto khusuusan shacabka iyo agagaarkeedda, waxaa kale oo aanu wadna in istaamadda dibadda loo raro oo gaadiidka dibada looga saaro”

Sidoo kale, waxa uu ku nuux nuux saday inay dadweynuhu cashuurta bixiyaan, isagoo xusay in 50% dadku aanay cashuurtii ku waajibtay bixin.

 

Exit mobile version