WAJAALE NEWS

Faysal Cumar Mushteeg: Laba Sanno Ka Hor Iyo Habeenkii Geeridiisa

Bisha Sibtember inta badan halabuurka Soomaalida intooda loo soo xulo inay tagaan ka-qaybgalka toddobaadka dhaqanka Soomaalida ee London ‘Somali Week Festival’ waxay ugu suntan tahay bil diyaar-garow iyo u-xidh-xidhasho socdaal. Sannadkaasi wuxuu ka mid ahaa sannado aan abwaanno, heesaa iyo halabuur kale oo u baxay Landhan aan ka taageerayay socdaalkoodaas. Toddoba abwaan ayaa sanadkaas tegayay oo aanu isu-raacaynay Addis-Ababa oo ah halkay ka baxayeen, si aan uga caawiyo waxyaabaha ay uga baahan yihiin socdaalkoodaas, sida dal-ku-galka Ingiriiska doonnashadiisa IWM. Muuse Cali Faruur, Xasan Qawdhan Yuusuf, Ismaaciil Cabdi Ibraahim [Basbaas], Faysal Cumar Mushteeg – AUN, Cali Xasan Aadan [Banfas] – AUN iyo Cabdillaahi Cawed Cawdgale, ayaa kooxdii sannadkaa tegaysay ay ahaayeen.

Qiyaastii labadii toddobaad ee ugu horreeyay bishii Sibtember ee 2012, Faysal Cumar Mushteeg oo in badan calanka u siday foollaadka heesaaga Soomaalidu, wuu bukay oo wuxuu jiifay cusbatalka guud ee Hargeysa. Isaga oo halkaa jiifa ayaa ururka Kayd Somali Arts and Culture ee ay hoggaamiso Ayaan Maxamuud Cashuur waxay u soo direen casuumadda tegitaanka. Ilaahay ha u naxariistee, Faysal wakhtigaas isaga oo buka ayaannu u samaynay baasaboorka Somaliland (oo halabuurka iyo fannaaniinta ka tegaya Somaliland ee ka qaybgalaya toddobaadkaasi ku tegaan Ingiriiska). Waxa xusid mudan in Nagiib Axmed Shunuuf iyo Xasan Ismaaciil Xuseen ay kaalin mug leh ku lahaayeen taakullada iyo amba-bixinta marxuumka, sida fududaynta hawlaha safarka, maaddaama uu isagu bukay. Marxuumka gaadhi gaar ah ayaa maalin ka hor wakhtigii tegitaanka lagu geeyay Berbera oo qorshuhu ahaa in aanu ka dhoofno, intayadii kalena waxaannu u amba-baxnay Berbera maalintii aannu raacitaanka diyaaradda ku qornayn. Waxay ahayd laba sanno ka hor maanta oo kale oo ahayd 20 September 2012. Qaddarka Rabbi ayaa qornaaye, basas ay shirkadda diyaaraduhu leedahay oo qorshuhu ahaa inaanu raacno, ayaa naga hortagay intayadii kale, taasi waxay keentay in aanu gaadhi gaar ah kaxaysanno. Faysal Cumar Mushteeg oo ay wehelinayeen Xasan Ismaaciil Xuseen iyo wiil uu Faysal walaalkii dhalay, ayaa nagu sii sugayay madaarka. Waa sidii qornayde, waxaanu ka raagnay wakhtigii madaarka nalaga doonayay, waxaana naloo sheegay in aannu ka baaqannay duullimaadkii oo aanu maalinta xigta tegayno.

 

Waxaanu degnay hudheello hurdo oo Berbera ku yaalla, maaddaama uu Faysal Cumar Mushteeg naga soo horreeyay na, isagu wuxuu sii deggannaa hudheel kale oo aan kaayaga ahayn. Goor habeennimadii ah oo fiid hore ah, ayuu ila soo hadlay mid ka mid ah wiilashii la joogay Faysal, waxaanu ii sheegay in xanuunkiisii isa soo taray. Walow ay abwaannada kale intooda badani ay seexdeen, haddana aniga iyo Abwaan Xasan Qawdhan Yuusuf ayaa is-raacnay oo tagnay hudheelkii uu degannaa Faysal Cumar. Waxaanu ugu tagnay marxalad ka duwan tii hore; hadalku si diiq ah ayuu uga soo baxayay, mararka qaarkoodna wuu aamusayay. Kulaylkii ka jiray Berbera awgeed, ayaa qaboojiye loo shiday. Waan is-dultaagay oo aan la hadlay, balse hadalkuu iigu jawaabay wax badan waan ka fahmi waayay. Waxa markaa khadka soo gashay oo aleenka gacanta ee aan sitay ka soo hadashay Ayaan Cashuur oo xaaladda abwaannada la-socoshadooda u baahnayd. Waxaan u sheegay sida xaal yahay, waxaanay ii sheegtay inaan telefoonka ugu dhiibo oo ay la hadasho. Markii aan dhegta u saaray Faysal Cumar Mushteeg, hadalladii uu ugu jawaabayay way maqli kari wayday, waxaanay taasi keentay in aan anigu ereyada uu yidhaahdo aan codkayga ugu gudbiyo Ayaan.

Talo iyo falanqayn badan oo loo dad badsaday, lana xidhiidhay sida uu awoodi karayo safar diyaaradeed oo kala dambeeya iyo xaalladdii uu markaa ku ku sugnaa, ayaa lagu fogaaday. Waxaana aakhirkii la go’aamiyay in dib loogu celiyo Hargeysa. Waxaanu wakhtigii oo ku sinnayd 9:30pm fiidnimo aanu u soo qalqaallinay in dib loogu soo qaado Hargeysa.

Kursiga hore ee gaadhigii lagu qaadayay, ayaan dib u kala bixinnay oo aanu saarnay Faysal Cumar Mushteeg (Ilaahay ha u naxariistee). Intaan madaxa taabtay ayaan ku idhi; “Ilaahay ha idin nabadgeeyo”. Walow aanu hadal tamar leh igu soo celin karin, haddana waxaan ishaaradiisii u fahmay in uu ‘Aamiin’ igu yidhi. Inaanu kala war haynno oo aanu soo wada hadalno, ayaanu ballan ku kala qaadanay innamadii soo qaaday. Markaas ayuu gaadhigii uu saarnaa ka soo baxay iridda deyrka hudheelkii uu deggannaa oo u soo jihaysta jidka u soo kaca Hargeysa. Intii gaadhigu libdhayay na waanu sii eegaynay aniga iyo Abwaan Xasan Qawdhan. Aragtidii u dambaysay taas ayay ahayd.

Telefoonka gacanta ayaa dabku iga dhacay. Markii aan hudheelkii tegay ayaa intii aanan seexan aan dabka geliyay telefoonkii. Hurdada ayaa ila tagtay oo goor lixdii subaxnimo aanay oo markaas uun salaaddii subax laga soo baxay, ayaan kacay oo aan telefoonkii shiday. Waxaan wacay innamadii oo midkoodna ii geli waayay telefoonnadoodii. Waxaan mar kale garaacay Ayaan Cashuur si aan xog u waydiiyo, maadaama aan filayay inay iyadu la hadlayso wiilasha intay sii socdaan. “Innaalillaahi wa-innaa-Ileyhi raajicuun” ayaa ereyo aan maqlo ugu horraysay. Markaas ayaan gartay in qaddarkii Ilaahay yimi. Waxaananse filayn in aanu nafta la gaadhin Hargeysa. “Meel duleedka magaalada Dacar-budhuq ah markay marayeen ayuu go’ay” ayay Ayaan ii sheegtay.

Maanta waxa ka soo wareegtay geeridaas laba sanno. Ilaahay ha u naxariisto Faysal Cumar Mushteeg iyo inta kale ee Muslimka ah ee hoyatay ba, innagana ha inooga daba naxariisto.

Barkhad M. Kaariye

Kaariye104@gmail.com

Hargeysa, Somaliland

©Somali Investigative Reports (SIR)

Exit mobile version