Hadaba saaxada siyaasada ayaa ah mid ay gabi ahaanba ka maqan yihiin dhalinyaradu taas oo lagu sababeeyo qodobo tiro badan oo ay ka mid yihiin
Hadaba saaxada siyaasada ayaa ah mid ay gabi ahaanba ka maqan yihiin dhalinyaradu taas oo lagu sababeeyo qodobo tiro badan oo ay ka mid yihiin
ü Dhaqaale la,aan
ü Dhaqan soo jireen ah oo ku salaysan jidh diid laga qabo dhalinyarta
ü Waayo aragnimo la,aan ay kala kulmaan dhinaca dhaqanka iyo deegaanka
ü Sharciyo ku ah dhaabad adag oo ku xidhan da aad u wayn iyagoo leh awood iyo aqoon ay xil ku qanan karaan
Waxaan se la dafari Karin iay jirto il yar oo soo bidhiiqaysa balse aan ahayn wax lagu qanco, takale ee xusida mudan waa iyadoo aanay dhalinyaradu ku badnayn amaba ay ka maqantay ganacsiga oo ah halbawlaha dhaqaalaha iyo is dhex
galka bulshada
Marka laga hadlayo dhalinyarada adduunku waxay ka siman yihiin xaglinta iyo qawlal qabashada ay u dheerthay garba duubka siyaasadeed oo laf dhuun gashay iyo niyad jab ku noqday himiladooda fog, marka kaliya ee dhalinyarada la xasuustaa waa marka ay jiraan dhibaatooyin u baahan in awood lagu badalo waayo waxay yihiin awrkii awoodiisa laga qariyey balse marka iyaga la tilmaamo ee uu jeheeyo nin am koox dan leh ayay si aan ka fiirsasho lahayn ugu dhacaan dab uu shiday munaafaw siyaasadeed oo aanay waxb ka dhul oolin oo ku dagaalamaya sad bursi iyo buuxinta kiish gun la oo aan waligii buuxsamayn beer la xawsiga qabyaalada iyo tolaayda ayaa ah ta ugu waynee ku badan bulshada afka soomiliga ku hadhasha taasoo inta qaar badani dhintaan ama dhaawacmaan hadhawna lagu dhameeyo afar maahmaahood oo uu nin waayeela oo lagaba yaabo inuu isagu markii hore ka kaca ku yidhi gole ka yidhaahdo oo ay ka mid yihiin.
Caano daatay dabadood la qabay
Dagaal wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho.
Waxaan nabad iyo caano ahaynba waa la kala qaadaa
Balaayo intay kaa maqantahay qayrkaa ayay ku maqantay
Hadaba waxaa is waydiin leh markii hore ee inanka loo sheegayey maahmaahyada dhiiri galinaya dagaalka kuwaa wanaagsan mala ilawsanaa mise waxay arintu tahay la jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan, bal adba?
Maalinta balaayo la rabo iyo kicinta dhalin yarada warmaha iyo gaashaankana dhinaca loo sudhayo ayaa waxaa loogu maahmaahaa murtidan soo socota
Nin aan shantaadaasi kaa reebin sharci kaama reebo
Nimaan aarsani uurkii hooyadii ayuu ku jiraa
Nimaan warankaagu galin weedhaadu ma gasho
Hadaba lama yaabin xirfada hadba meel loo jihaynayo ee waxaan la yaabaa waxa loo daryeeli waayo kuwa dhibtu ka soo gaadhay amarkii khaldanaa ee la siiyey?
Markii hore talada waxaa lagu dhamayn jiray geed hoostii geed kaana dhalin yartu ma fadhiisan jirin ee wixii adeeg looga baahdo ayay gayn jireen taasoo aanay marwooyinku tagi jirin xishood awgeed balse ay kurayda ama gadhmadoobaha reerka jooga la odhan jiray hawshaa odayaasha ama raga u qabta oo idinkaa nagaga haboone u adeega.
Hadii se col yimaado waxaa loogu horaysiin jiray dhlin yarada waayo odayaasha iyo wax garadka marna lama ogolayn inay dhib soo gaadho oo bulshada suldaan kooda ama oday dhaqameedkeeda la qabto ama la dilaa waxay ahayd mid aan dib u arimin doonin oo guul daray satay.
Dhanka kale waxaa mar walba loosheegi jiray inaanay dhalinyartu wax go, aan ah ku lahayn arimaha reerka kaliyana laga rabo inay gar iyo gar darabo wixii loo sheego qaataan oo uu qofka wayni uun uu wax garanayo
Waxaana cadayn u ah murtida bulshada afsoomaaliga ku hadasha sida inaanay caruurtu awood lahayn iyadoo loogu qancinayo dhalinyarada Lana odhan jiray
Geel caruuri qaaday ma foga
Inan yari intuu laan ka booduu talo ka boodaa
Halka la aamini jiray ninka wayn lana odhan jiray
Nin waynbaa walaal og
Wax rag u kacay rabina aqbalay haba raagee way rumowdaa
Wax rag kaa galay rako kaa fuul
Bisqini rag way kuu gaysaa balse kaama celiso
Wakhtiga oo ah khayraadka ugu muhiimsan ee uu qofkii haysato wuxuu ku dhaafi jiray jirida baylahda reerka oo ay ka mid ahayd
Daajinta xoolaha
Qodida dalaga
Dhaanka biyaha
Maalida xoolaha iyo kuwa kale oo badan, halka ragu ama odayaashu intay geed hadhaca dooyaystaan ay sheekaysan jireen ama ay shaxi jireen.
Wax kastana iyagaa loogu horaysiin jiray taasina maba ahayn wax dhiba oo waalidka in wax la taro waa waajib balse cadaalada iyo sinaanta marna lagama tagayno iyo xaqa uu qofku u leeyahay inuu wax soo jeedin karo lana dhagaysto
Sheeko kooban
Waxaan xusuustaa sheeko dhacday oo taariikhda gashay taas oo ahayd in bari dagmo dagmooyinka soomaalida ahi ducaysatay oo la qalay hilbo iyo hunguri marba wixii la hayay taas oo markii horeba dhalinyarta la yidhi ka kaca oo xoolaha qala oo dhisa waababka ay culimada iyo odayaashu fadhiisanayaan markii ay dhameeyeeen hawshii ayaa la yidhi hilbaha iyo maraqa iyo oonta kaleba gaadhsiiya raga oo u shaqeeya iyagoo aan afkaa waxba saarin balse jibaysan ayaa ilayn rag yaryaraysi ma lahee nin dhalinyaradii ka midi qoonsaday arintoodii isagoo yaaban ayuu mas ka soo galay dhinaca reerkii oo nabada markaasaa qoloba dhinaca u jabtay oo la yidhi waar meeye dhalinyaradii maska ka qabta culimada iyo odayaasha markaasu wiilkii yaraa yidhi dee maskana xaga sheekha isagoo uga jeeda waydinkii hilbahaba lahaa halka sheeka ee maskana halka sheeka geeya. Wacdarihii maalintaa ka dhacay waa loo wada joogay taariikhdana way gashay.
malaha waxaan ku talax tagay dhinaca inamada iyo odayaasha uun balse dhalinyarta hablaha ah inaan ka tagay ayaa la moodaa , laakiin aan jawaabee magaca dhalinyaro waa hablo iyo inamo labadaba arintana way ka sinayaayeen inkastoo hablaha ay u dheerayd wax yaabo badan oo xataa meel kaga dhacayey xuquuqdooda aasaasiga ah oo ay tusaale u tahay dhaxalka geela am hantida kale ee maguurtada ama guurtada ah taasoo loogu hal qabsanjiray INAANAY GEELA DHICIN SIDAASI DARTEED AANAY DHAXAL KU LAHAYN iyadoo ay ahayd arin meel ka dhaca balse waxaa laga tirin jiray boqol halaad marka wiil gayaan ahi ama oday qalyaayax ah oo geel badan haystaa u soo geed fadhiisto iyagoo aan ka gaadhi karin go,aan qofka ay rabaan oo cadaynaysa sida xaqaa loogu diiday uu rabi siiyey S.W.T.
hadii aynu soo qaadano tix gaaban oo ay inan soomaaliyeed kaga murugootay inan yar oo qurux iyo qaayaba leh balse tolkeed geel dhaafsaday iyaduna noqotay maxbuus haye mooyee mayadu ka xaaraan tahay waxaanay tidhi
sidii inan yaroo qurux lahoo ,qiimina u dheer yahay
oo tolkeed oday qalyaayaxa, xoolo kaga qaatay
qamuunyoodayeey xalay indhaha qac iskumaan siin
dhanka kale warshada ay soomaalidu lahayd ee soo saarta alaabta gurigu waxay ahaayeen hablaha oo soo saari jiray alaabo badan oo ay ka mid yihiin qalab iyo cuntaba sida
1.masafta 6. kabdaha
2.dabaqa 7. subaga
3.hararka 8.haamaha
4.aloolka 9.saliyada cawda ah
5.karbaashka 10. noocyada xadhkaha kala duwan
waxaa hadaba cad in aanay bulshadu kala maarmi karin yar iyo wayn una baahantay wada shaqayn dhanka dhaqaalaha , siyaasada iyo dhaqankaba sida ay ku cadahay marka talo fara ka haado maahmaahyada la cugsado oo ay ka mid yihiin.
1.dad iyo weel godanba waa la badsadaa
2.rag wax yar tare mooyee, wax ma tare ma laha
hadaba siyaasadu maaha oo kaliya xukuumad iyo golayaal dhawr ah oo ku wada shaqeeya xeerar qoran oo kaliya balse nolosha oo dhan ayaa siyaasad u baahan waxaana cadayn u ah sida suugaanta iyo murtidaa aynu soo sheegnay ay uga dhex muuqatay siyaasad iyo noocayda bulshada sida loola dhaqmayo waxaana tusaale u ah halkii dhaqanku ka lahaa inan yar intuu geed ka booduu talo ka boodaa oo waxba u dhiiban mayno waxaa lagu badalay xeer lambar la siiyey oo odhanaya wixii dadaa ka yari xil ma qaban karo. siyaasadii miiga oo magaalada timid waa mid muran ma doon ah; ninbaa laga hayay ma anigaa waalan mise cadanbaa laga heesayaaa?
nin wax is waydiiyey oo xisaabtamayaa ma waalnee cadanbaa laga heesayaa aan ku dhaafno.
DHAQAALAHA DHALINYARTA
Guud ahaan dhalinyartu umay lahayn galangal iyo dhiiranaan inay hantaan ama maamulaan hanti oo mudo ayay ku qaadan jirtay lamana jeclayn ama lama soo dhawayn jirin inuu xoolo aabihii leeyahay hawl ku fushado sida guur ama gasiin midkuu doonaba ha ahaadee oo waxaa marag ma doon ah in loogu maahmaahi jiray.
Xoolo aabahaa leeyay anaa dameer leh ayaa dhaanta
Xaas Hortii xoolo dhaqo
Taasoo ay bari ka ahaayeen inay ku soo habayaamaan xoolaha reerka, balse laga yaabo inay dhaqasho ka bilaabaan neefkii loogu xudun xidhay ama dhawr neef oo uu dhaxal ku helay hadaanay ka dhicin xigaalkiisu oo uu yahay kuray xoog leh , laga waabanyo oo markay hooyadii ku muusanawdo wax sahayn kara ama dagaalami kara , balse waxaa gob lag aahaa oo aan la isku xaman jirin wax afka la galiyo iyo huga oo dadku wadaagi jray ilaa imikana ah dhaqan jira oo aan sal guurin, balse uu adhaxda ka jabiyey shaxaad loo rogay shaqo oo kumanaan dhaliinyaro ah ka dhigay hoos joogayaal aan hanqalka la kicin.
Wakhtigan casriga ah inta muruqooda maasha ee ganta ka xoogsata dhaqaalahoodu waa maalin dagaal ama af iyo gacna oo dhigasho iyo dhaqasho midna ma laha waliba inta ugu badan waxay kaga baxdaa balwado ka mid noqday nolol maalmeedkii bulshada.
Inta tirada yare e wax baratay waa shaqaale qaata mushahar cayiman intuu doono ha ahaadee , oo ay u dheert ay shuqul magaalo, oo kharashkiisa wataiyo balwada oo ay kala siman yihiin kuwa xoogooda maala.
Dhalinyarta badan koodu ma laha il dhaqaale kumana fikiraanba ee waxay ku foogan yihiin shaqo raadis iyo sugida balan qaadyo ku tidhi ku teen ah oo qof u qaaday ama ku beer laxawsaday.
LA SOCO Qaybaha Danbe
khadar cige <gantaal09@hotmail.com>