Waxaan dhex hurday meel madow. Saani na uma wada hurdin ee waxaa mar qudh ah i soo wereeeray nin, kaas oo laad iga qabadsiiyay kallida. Qof anaan garanayn ayuu ahaa. Maan arkayn qofka laadka igu jiiday, waayo meesha aan jiifay waa meel madow, aanad qofka si fiican u arki karayn. Waar waa’ayo?, ayaan weyddiiyay intaan sare u joogsaday haddana isagoon ii jawaabin ayuu feedh iga qabadsiiyay daanka, kaddibna waxaan damcay inaan iska celiyo qofkii dagaalka igu soo qaadday. Nin iga weyn buu ahaa. Si aan naftayda u badbaadiyo inaan dagaallamo ayaan billaabay laakiin waan awoodi wayay inaan iska celiyo. Si xun ayuu ii garaacay ilaa aan miyir doorsoomay, kaddibna dhulka aan ku dhacay.
Markii aan soo miiraabay goor toddobadii subaxnnimo ku dhawaad, cadceedduna soo baxday, ayaan madaxa kor u qaad is idhi, markaasaan culays dartii awoodi wayay inaan madaxayga kor u soo qaaddo. Meelkastoo jidhkayga ka mid ah xanuun ayaan ka dareemayay. Anoon bartii ka kicin, ayaa waxaaa ii yimi wiil asxaabtayda aannu meeshan gudaafada ah ee hoyga noo ah kuwada noolnahay. Halkani waa meesha roobka iyo dhaxanta aannu ka galo, jeerkaasna, hoy ii ah. Waa halka waxkasta oo nafta bini aadamka ku cadaw ah kaga gabado.
Saxiibkaygii ii yimi ayaa damcay inuu iga qaato xabagtii aan nuugayay, anoo gacanta ku haysta ayuuna igala boodday. Kaddiba waxaan isku dayay inaan ka soo ceshado. Anigoo dirqi ku socda ayaan gaadhay, dagaalbaa na dhex maray xabagtii mid kale ayuu u dhiibay, kiibaa la cararay haddana kii mid kale ayuu u sii dhiibay. Ugu danbeyn waan ka soo ceshaday.
Gaajo ayaa si darran ii haysa, safrad darteed indhaha ayaa i madoobaaday, dirqi ayaan wax ku arkayaa madaxgu wuu wareersan yahay, gabigayguba dhulku wuu ila wareegayaa. Waxaan soo hor joogsaday hudheell, kuwa wax laga cuno ah, markaas ayaan is idhi hanbaddii iyo waxii dadku meelahaa kaga tageen soo cun. Markaan kadinka marayo mid baalashle ah ayaa iga hor yimi wuxuu si naxariis darro ka muuqta iigu yidhi xabaglayahow ka hor dhaqaaq meesha, anna markaas ayaan dagaallamay, kaddib dadkii meesha marayay ayaa na kala qabtay, waan iskaga tagay anigoo weli sidii u gaajoonaya.
Cadceeddu aadbay u kuluushahay, welina calooshaydu way madhantahay. Waxaan isku dayay inaan nin dariiqa maraya lacag weyddiisto, kiina intuu igu gacan saydhay ayuu weliba cay iyo hanjabaad iskugu kay darray. Waan ciishooday, caloolyow dartiibaan si cadho leh xabagtii aan daasada ku sitay u nuugay, markaas ayaan meel iska fadhiistay.
Siduu u fadhiyay ee waqtiga u dhibsanayay, ayuu bilaabay in uu ujeedo la’aan dhulka xariiqo, xarriijimaha uu fartiisa ku jiidjiidayo ayay maskaxdiisuna raacday oo xaalad kale u hayaamiyay. Mar qudha ayuu meeshii uu joogay ka dheelmaday oo caalam kale u gudbay. Xarriijimihii dhulka ku jiidjiidayay wax ay geeyeen guri iyo nolol dhaanta caddaabtan uu ku noolyahay. Haddii uu is wayddiin lahaa sababta xusuustaasi maskaxdiisa u jiidatay ma garteen. Isagoo hooyadii iyo aabbihii meel ladeggan. Marmar kolka magaalada uu dhex marayo wax uu isha ku dhuftaa wejiyo carruuro waalidkood la nool, nolol wacanna hay
Hadda noloshan daashatay, gebi ahaanteedba silic iyo darxumadan u dheer ayuu nafta kolkol yidhaa: duniddaba adoo ka tagaa ka raaxo badan. Aabbo ma lihi!! Hooyana haba sheegin!! Dadna hadalkood daa. Dugaagga waxba ma dhaamo, darxumada naftaydana darbi-jiif baan u ahay.
Ladna Rashiid Cabdillaahi
© Bahda Hiil Qalin
hiilqallin@outlook.com