WAJAALE NEWS

Carwada Geediga Nabada oo la soo gabagabeeyay iyo Tartameyaashii Filimada iyo Farshaxanka oo lacag Abaal marin ah la guddoonsiiyey’

Hargeysa (Wajaalenews) Waxa shalay la soo gabagabeeyay Carwada Geediga Nabadda oo muddo laba maalmood ah ka socotay Magaalada Hargeysa, taasoo lagu soo bandhigayay Filimo, Sawir gacmeedyo iyo Sawiro nooca kamarada lagu qaado ah. Carwadan oo ay soo qabanqaabisay Shirkadda KMC, oo kaashanaysa EU-da iyo IREX, ayaa dadkii ku guulaystay qaybaha kala duwan ee lagu tartamayey, sida Arts-ka, film samaynta iyo Sawir qaadista (Photo Camera, waxa la guddoonsiiyay Abaal marin Lacag ah oo loogu talo-galay taasoo u dhaxaysa $1000 qofkii ugu sareeyay ilaa $100,( kun dollar ilaa Boqol Dollar). Waxaana Xidhitaankii Carwada ka soo qayb galay, Masuuliyiin ka socday dawladda, Shirkada KMC, wakiilo ka socday Hay’addaha carwadan ka qayb-qaatay, bahda Dhaqanka iyo suugaanta oo kaalin mug leh ku lahayd bandhigan iyo marti sharaf kale. Maamulaha guud ee KMC Cabdilaahi Axmed Cabdilaahi (Abusita), oo

furitaankii munaasibada ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyay hanaankii ay mudada labada maalmood ah u socotay Carwadu iyo waxyaabihii ay soo bandhigeen ka soo qayb-galeyaashu. Cabdilaahi Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi, waxa kale oo uu u mahad naqay dhamaan ka soo qayb-agleyaasha carwada oo uu ku ammaanay sida wanaagsan ee ay u soo ajiibeen barmaamujkan. Gudoomiyaha Golaha wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo isagu Abaal-marinaha guddoonsiiyay tartameyaasha ayaa khudbad ka jeediyay xaflada, waxaanu bogaadin u jeediyay Hay’adda soo qabanqaabisay barmaamujka iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay. Cirro ayaa xusay inay nabaddu tahay sumada qudha ee Somaliland beesha caalamku ku ixtiraamto, isla markaana astaanta u ah qaran. waxaanu yidhi “bandhiga waxaan ugu hambalyeyayaa Shirkadda soo qaban qaabisay howshan, Bandhiga Faneed qudha maaha ee mid lagu dhiri galinayo nabada Somaliland”.ayuu yidhi. Cirro oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “ nabaddu waa waxa qudha ee caalamku inagu ixtiraamo ee laynagu ammaano, laakiinse waxa mugdi igaga jiraa inay xukuumadda maanta dalka joogtaa nabad-gelyada dalka danaynayso, waayo doorashooyinku waxay aasaas u yihiin nabad-gelyada iyo isku duubnida umadda” ayuu yidhi. Fanaanada weyn ee Sahra Halgan oo ka mid ahayd Khubaradii qiimaynaysay tartameyaasha ayaa hal-buurada kala duwan ee wax soosaarkooda soo bandhigay ku booriyay inay halkaasi ka sii wadaan dedaalka. “dhalinyarada Somaliland waxaan leeyahay dadkiina iyo dalkiina waxa wanaagsan inaad aamintaan, waxa halkan lagaga hadlayaa waa nabada nabadu waa waxa ugu qaalisan, waxaan anigu ka mid ahaa dadkii qiimeeyey sawiradaa iyo waxyaabaha halkan lagu soo bandhigay, waa wax aad u quruxbadan wax aad u qiimo leh ayaad samayseen, nabaduna waa waxa aynu ku taamayno ee laynagu eeganayo, markaa waxaan idin leeyahay halkaa ka sii adkeeya” Sahra Halgan wax ay intaasi raacisay “waxaan aad ugu mahad celinayaa Kow Media Corp siday ugu suurto galiyeen, dhalinyarada Somaliland ee Farshaxanka ah, waad arkayseen oo Fanaaniintu ilaa shalaybay taagnaayeen waxay iidiin soo bandhigeen waxyaabo kal gadisan, fanaaniinta iyo farshaxanku waa waxa uu wadan ku faano, wa wax dadka ka dhexeeya oo aan siyaasad galin, aad iyo aad baan idiin soo dhaaynayaa.”ayey tidhi sahra Halgan.

Waxakale oo halkaasi Khudbad ka jeediyey Xildhibaan Rayte waxaanu yidhi“intii aan Somaliland Joogay Xafladani waa tii iigu Horaysay ee Nooceeda ah ee aan ka soo qayb galo, waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa cidii soo abaabushay oo ay ugu horeyso kow Media, waxaan leeyahay hawl wayn ayaad bulshada reer Somaliland u qabateen aad baanan idiinku Hambalyeynayaa waanan idinku dhiirigalinayaa inaad dadaalkaa sii wadaa, dhalinyaradana aad baan ugu dhiiri galinyaa inay ku soo xidhmaan dhaq dhaqaaqan nabada, fanka iyo Farshaxanka.”ayuu yidhi Rayte Gaba gabadii waxa Abaal marino lagu Gudoonsiiyey Xafladaasi Tartamayaashii ku soo baxay kaalmaha kala duwan ee koowaad ilaa saddexaad, kuwaasoo mid walba la guddoonsiiyay lacag check oo ka kooban intii uu ku guulaystay. Carwada labaad ee Bandhiga Farshaxanka iyo Filimada ee Geediga nabada oo markii koowaad lagu qabtay Magaalada Hargeysa sanadkii 2012-ka, waxa maalmaha ay socotay bar-bar socda oo qayb ka ah bandhig faneed balaadhan oo qiimaha nabadda iyo horumarka ka turjumaya, bandhig faneedkaasi oo ay martida carwada soo booqda iyo kuwa ka qayb qaadanayaba ay ku madadaalinayeen Fanaaniin caanka ah geyiga Soomaalida oo ay ka mid tahay Sahra Halgan, Sahra Ilays iyo Cabdi-qaboojiye, iyo waliba Kooxda Geediga Nabadda oo uu hogaaminayo Abwaanka Weyn ee Axmed Saleeban Bidde

Exit mobile version