WAJAALE NEWS

Barnaamijka Arimaha Ganacsiga Iyo Magaalada Burco

BURCO(Wajaalenews);barnaamijka maanta ayaa waxaynu diirada ku saari doonaa arimaha ganacsiga ee magaalada burco waxaanuna u kuur galnay sidaanu wax uga ogaan lahayn arimaha ganacsiga ee sida weyn saamaynta ugu yeeshay bulsha waynta magaalada burco waxa hadaba todobaadyadan si weyn looga hadal hayaa magaalada burco isbadalada wayn ee saamaynta ku keenay sixirka kala badalashada lacagaha oo waayadan sare u kacay iyo dhismayaasha dhaadheer ee ka kooban dhowrka dabaq oo wakhtigan noqday kuwo si weyn looga hadal hayo magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer saamayn balaadhan ku keenay ganacsiga magalada burco hadaba hadii aynu ku horayno dhinaca sarifka iyo isku badalka lacagaha ee magaalada burco. ayaa ah mid sare u kacsan oo ilaa hada aanay waxba iska badalin iyadoo ilaa hada uu marayo qiimaha $ 100 _777000 ah oo so.shiling

dhinaca kale hadii aynu eegno dhismayaasha dhaadheer ee ka kooban dhowrka dabaq oo aad u tira badan ayaa dhawaanahan isisoo taraya dhismayaasha iyadoo kuwa badana la dhamaystiray iyadoo oo aad shaaricyada ku arkayso mashquulka dhismayaashaa laga binaynayo jidadka dhinacyadooda mar aanu booqanay ayaa waxaanu u kuur galnay si aanu wax uga ogaano adeegyada ay bixiyaan waxaanay 80% dhismayaashaas sida isdaba joogaa looga binaynayo xarunta gobolka togdheer ay noqdeen kuwo bixiya adeegyada hurdada iyo cuntooyinka iyadoona ay dhalinyaro badanina ay halkaas fursado shaqo ka helaan waxaanay magaalada ka dhigeen mid bilicsan oo indhahu ku raaxaysanayaan daawashadooda waxaanay indhahaagu qabanayaan dhalinyaro badan xiliyada habeenkii oo ku fiidsanaya xiliyada 6 ilaa 11 habeenimo

 

hadaba mar aanu waraysi ka qaadnay bulsho badan oo ku dhaqan magaalada burco bal inay ka warbixiyaan siday u arkaan aadeegyadan casriga ah ee isisoo taraya dhawaanahan .ayaa waxay dhamaan ka dhawaajiyeen inay aad ugu faraxsan yihiin horumarka balaadhan ee baryahan ku talaabsatay magaalada burco iyo hotelada casriga ah ee ku soo badanaya magaalada burco waxaanay hambalyo u jeediyeen mulkiilayaasha dhismayaashaas oo ay ku tilmaameen kuwo amaan u qalma……………………………..

..la soco qaybaha dambe ee barnaamijka

Soo diyaariye cawil c/raxmaan cismaan ( cawil dhaanto )

 

shabakada caalamiga ah ee wajaalenews

Exit mobile version