Fu’aad Aadan cadde waxaa soo maslixidiisa kaalin mugle ka gaysto islamarkaana ay Xukumaddu u wakiilatay Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Xaglotoosiye oo isagu ugu tagay Degaanka Xudun ee uu ku sugnaa Mr Fu’aad.
Xaglotoosiye ayaa wada hadal ka dib ku qanciyay Fu’aad Aadan cadde inuu dib ugu soo noqdo Somaliland oo uu ku sugnaa ilaa markii lagu dhawaaqay gooni isku taaga Somaliland.Ilaa hadda lama oga waxa Xukumaddu ay ku qancisay ama u balanqaaday Mr Fu’aad Aadan Cadde, hase ahaatee waxa uu hore uga cadhooday Xukumadda oo aan ka tala galin hawlaha ay ka fulinayso degaanada uu ka soo jeedo.
Waxa uu hore u sheegay inaan Madaxweyne Siilaanyo wax talo ah ka waydiin gobolada bari ee uu lataliyaha uga yahay.
Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Wariye:Abdiqadir Abdirahma Habane