HARGEISA(Wajaalenews);Khabiirka khadka dhexe ee u ciyaara xulka dalka Spanishka iyo naadiga Barcelona ee Hernadez Xavi ayaa ku dhawaaqay in uu ka fadhiistay dhamaan ciyaarihii caalamiga ahaa ee xulka qaranka ee dalkiisa. Ciyaaryahankan caalamiga ah ee 34 jirka ah ayaa waxaa uu xulka dalkiisa u ciyaarayey mudo ku dhaw 14 sano isagoo u saftay 133 kulan intii uu ku jiray xulka dalkiisa isagoo sidoo kale kula guulaystay koobkii aduunka ee 2010kii iyo koobkii Europe ee 2012 markaas oo ay ka qaadeen dalka Italy. Isagoo arintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi:- “aad ayaan ugu mahad celinayaa dhamaan ciyaaryahanadii aanu soo wada qaadanay wakhtigii dheeraa ee aan ku jiray xulka, waxa ay ahayd wakhti aad u fiicnaa xiiso gaarana ku leh naftayda, aad ayaan ugu faraxsanahay go’aankaygan manta laga bilaabana waxaan noqon taageere ah xulka qaranka Spain.
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
Diyaariye Maxamed Cali Mataan
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM