WAJAALE NEWS

Xarakada Alshabaab Oo Weerar Ku Qaaday Xarunta Gobolka Gedo

Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa Xalay Weerar Xoogan waxey ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ee AMISOM waxaana halkaa ka dhashay Qasaaro kala duwan.

Dagaalkan oo ahaa mid Culus ayaa waxuu ka dhacay Xarunta Gobolka Gedo ee Magaalada Garbahaarey kadib markii Al Shabaab ay soo qaadeen Weerar dhowr jiho ahaa.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa lagu soo wamayaa in ay iska caabiyeen Weerarkii Xooganaa ee Ururka Al Shabaab balse Wararka ayaa sheegay in uu jiro qasaaro labada dhinac maadaama halkaa la isu adeegsaday hubka kala duwan.

Sikastaba, Dagaal Culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ururka Ahlu Sunna Waljameeca oo Shalay halkaa ka dhacay ayaa waxaa ku dhintay Nabadon Caan ahaa iyadoona uu dhaawac ka soo gaaray 3 kale.

wajaalenews.com

Exit mobile version