WAJAALE NEWS

“Waxa aannu leenahay Xisbiyadda Mucaaridka ah doorasho aad natiijadeeda ogtihiin ha ku soo degdegina Oo KULMIYE Idinkaga Guulaysanayo” Afhayeenka Madaxtooyadada.

DHUXULHARGEYSA (Wajaalenews)- Madaxtooyada Somaliland, ayaa si rasmi ah u caddaysay inay diyaar u yihiin in doorashooyinku ku qabsoomaan waqtiga loo muddeeyey ee badhtamaha 2015, isla markaana xukuumad ahaan dhamaystireen waxyaabaha dhinacooda ku xidhan ee la xidhiidha qabsoomida doorashooyinka.

Afhayeenka madaxtooyada Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa shaaciyey maanta in xukuumaddu ku hawlan tahay sidii doorashooyinku u qabsoomi lahaayeen waqtigooda, isagoo xusay in xisbiga KULMIYE ku guulaysan doono doorashooyinkaas, xisbiyada mucaaridkana ku booriyay in aanay ku deg-degin doorasho ay ogyihiin in lagaga guulaysanayo.

 

Afhayeen Axmed Saleebaan Dhuxul waxa uu sheegay in Golaha Wasiirradda xukuumadda oo uu guddoominayey madaxweyne Siilaanyo shir aan caadi ahayn oo yeesheen maanta ku ansixiyeen xeerka diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka, waxaannu yidhi “Waxa la ansixiyey xeerka diiwaangelinta muwaadinka iyo codbixiyeyaasha, kaas oo ay ku xidhan tahay in doorashadu waqtigeeda ku qabsoonto, dawladdu iyadoo taas ka diyaar-garoobaysa, ayaa shirkan aan caadiga ahayn loo qabtay, xeerkaasina sidaa ayuu kaga dhamaaday xukuumadda, waana hawl loogu diyaar-garoobayo hawlaha doorashooyinka, xukuumadduna waxay diyaar u tahay in doorashadu ku dhacdo waqtigeeda, xukuumaddu waxay diyaar u tahay in wax kasta oo xageeda ku xidhan diyaariso, masuuliyadda qarankana iyadaa haysa, markaa wax kasta oo qaranka Somaliland hagaajinaya, caalamka waxa aynu ka doonayno inoo fududaynaya xukuumaddu iyadaa hormuud ka ah oo doonaysa inay wax badan ka qabato.”

 

 

“Doorashadu sida horeba xukuumaddu u caddaysay, imminkana caddaynayso in waqtigeeda la qabto waa diyaar. Waxa aannu leenahay doorasho aad natiijadeeda ogtihiin waxba ha ku soo degdegina, waanad ogtihiin natiijada ka soo baxaysa doorashada (oo KULMIYE ayaa guulaysanaya), waxa la yidhi nin xoog weyn iyo nin aad u caato ah ayaa dagaalamay, kadibna ninkii caatada ahaa ayaa la kari waayey, ninkii xooga weynaa oo weliba nin dulqaad badan ahaa markuu arkay in la kari la’yahay ninkii caatada ahaa ayuu is yidhi waar nin kan lagaa kari la’yahay maad ku dhaqaaqdin, kadibna markuu ninkii caatada ahaa ee la hayn kari waayey arkay in ninkii xooga weynaa ku soo dhaqaaqay ayuu ninkii caatada ahaa yidhi iska soo daaya ha igu quustee, markaa arrinta xisbiyada mucaaridka ah waxa weeye KULMIYE igu soo daaya ha igu quustee,” ayuu yidhi Mr. Dhuxul, isagoo xusay in xisbiga talada haya ee KULMIYE waxqabad dhab ah muujiyey muddadii uu xilka hayey, isla markaana muujiyey horumar uu dalka gaadhsiiyey oo aan la samayn muddadii 19-ka sanno ah ee ka horreeyey afarta sanno ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo jirtay.

 

Mr. Dhuxul ayaa sheegay in aanay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyo KULMIYE ahayn mid jecel in dib loo joogo, balse ay ka go’an tahay in hore loo socdo, doorashooyinkuna xilligooda ku dhacaan, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “KULMIYE iyo xukuumaddu maaha mid dib u joogta (oo muddo-kordhin doonaysa), hore ayey u socotaa, waxay ogtahay qiimaha doorashooyinku inoo leeyihiin, waxay ogtahay guusheeda, KULMIYE waa KULMIYE, doorashaduna way dhacaysaa, markaa nimanka la kari la’yahoow saaxaddii waa diyaar.

waxaad ogsoon tihiin maalin dhawayd waxa qabteen shir labada xisbi mucaarad iyo qolo meelna aan sharciyada ka soo galin nimanka hore u soo dhic dhici jirey, shirkaasi jaraa’id iyaga laftooda waxay ku heshiis yihiin kumay wada socone’ halkii lafteeda ayay isku eedeeyeen oo C/raxmaan ay ku dureen. Doorashadu sida horeba xukuumadu u cadeysay imikana cadaynayno in wakhtigeeda la qabtaa waa u diyaar.”

 
Hargaysa Office
Wajaalenews.net
Email:habane00@gmail.com
Re:Abdiqadir Abdirahman Habane

Exit mobile version