Hargeisa(Wajaalenews)Laba xildhibaan oo kawada tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa isku gacan saaray Xarunta golaha wakiilada.
Labadan xildhibaan ayaa kala ah Xildhibaan C/laahi Xuseen Cige iyo Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe (Ibraahim Kacaan) oo labaduba ka soo wada jeeda xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.
Waxa ay wararku intaasi ku darayaan in nabur xaga wajiga ka soo gaadhay Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige taas oo sobabay in xildhibaanka lageeyo dhakhtarka si loo daweeyo.
Majiraan warar rasmiya oo sheegaya sobobta dhalisay dagaalkan dhex maray labada xildhibaan
sababta ay xildhibaanadu isku faro saareen ayaa wararka rasmiga ah ee nasoo gaadhayaa la sheegayaa in ay ka danbysay ka dib markii xildhibaan c/lahi xusee cige uu aflagaadeeyey mansabka uu kasoo jeedo ee habar magaado taasi oo isla markana uu xildhiban ibraahin kacaan uu ugu sheegay in aa joojiyo aflagaadada iyo mansab cayga iyaga oo ku jira xafiiska gudoomiye ku xgieenka golaha wakiilada baashe mxamed faarax hase yeeshee anu dhagay jalaq usiin xildhibaanku isla markana ay taasi keentay in uu u gacan qado xildhinaan ibrahin xildhiba ibraahin