WAJAALE NEWS

Somaliland iyo Silaanyo ha loo gurmado oo Amina Weris iyo koox deeda ha laga bad-baadiyo By Abdi Mustafe

Wixii Madaarka Hargiesa ka dhacay oo dhan waxa ka mas uula marwada Amina Weris iyo Kooxdeeda oo ay kula balantay in aan Silaanyo sua’alo la weydiin. Amina Weris waxay soo kab-kabtay odeygeedii oo runtii u baahan nasasho iyo in lagu xanaaneeyo London meelaha dadka waa weyn ee loo yaqaan Senior homes. Amina Weris iyo Morgan iyo koox dumara oo ku xeeran oo ay wasiirka tacliinta Zamzam kow ka tahay ayaa doonaya in ay Somaliland aakhira u diraan. Silaanyo isaga ayaa ku dulman sidan Somaliland na waxay gacabta uugu jirta kooxdaa dumarka u badan oo ay ku weheliyaan laba wasiir. Muhanad oo ah wasiirka duulista iyo hawada iyo Weji xun oo ah wasiirka macdanta. Koxahaasi waxay ku jiraan boob deg-deg ah oo xitaa hantidii dadka ee danta guud iyo gurtyo lahayd ba ay iibsanayaan. Dalkii waxa dowladaha jaarku ku calaamadiyeen in dolwada wasiiro al-shabaab ihi ku jiraan oo xad la furayaa ma jiro. Wixii Somaliland ka soo dagaalanatay wax ka xun ayaa dalka ka socda. Somalia passport bay samaysay ay Somaliland ku qasbanaan doonto oon caalamku mid kale aqabali doonin. Labadii xad ba wey xidhanyiin. Hawadii Somalila ayaa la wareegtay. Badihii ayaa loo soo socdaa. Nicholas Kay oo ka shaqeeya sida gobolada la isugu daro ee loo burburiyo ayay Hargiesa ku casuumeen bishan August. Somaliland meel u bed qabtaa ma jirta ee shicibku ama duliga iyo xamar oo lagu daro ha ku jiraan ama Amina Werris dalkan looma dooran mana maamuli karto ee ha ka qabtaan. Silaanyo waa in xil-gudsho la’an lagu impeach gareeyaa. Madaxweynaha laga ilaalinayo in uu u jawaabo saxaafada siduu dal ku xukumayaa oo xuduudo kuugu soo furayaa ama Xamar kaaga ilaalinayaa.

Qalinkii ;Abdi Mustafe

Exit mobile version