WAJAALE NEWS

Raxan Wasiiro ah oo saaka ku waabariistay Magaalada Wajaale iyo Dareenada ku xeeran ujeedada safarkooda.

TOGWAJAALE(Wajaalenews);Wafti wasiiro ah ayaa saaka ku waabariistay magaalada ganacsiyeedka togwajaale ujeedada safarka wasiiradan oo ka koobnaa wasiirka maaliyada cabdicasiis maxumed samaale wasiirka ganacsiga Dr muuse qaasim aw cumar,wasiirka xanaanada xoolaha Dr cabdi aw daahir wasiirka hawlaha guud cabdirasaaq khaliif,wasiirka beeraha geedoole,wasiirka duulista iyo hawada maxamuud xaash,iyo gudoomiyaha rugta ganacsiga’

Ujeedada waftiga ayaa sida ay warar xogogaali noo xaqiijiyeen wuxuu daarnaa sidii ganacsada wajaale looga dhaadhicin lahaa arimo ganacsi oo ay daba kariixayso maamulka kililka shanaad kaasi oo ah mid godoon kadhigaya xarunta gansiga wajaale cid gaarana loogu xidhayo in ay dalka wax kalasoo degto

Wasiiradan oo ah gudida miisaaniyada qaranka aya waxay kulan xaasiya wada yeeshen gudida ganasatda wajaale ismarkaa ay dhexmartay dood adag oo kusaabsan sidii aanay suurtagal u ahayn in qorshaha madaxda kililka shanaad ay wadaan oo ah dhamaan ganacsatad reer etoopiya kumaraan transit xaga kuwa somaliland ee cashuurta badan bixiyaa ay alaab jabnaanayaan saamayna ay ku yeelaynayso ganacsiga magaalada tog wajaale dan u ah somaliland wasiiradu hadii ay garan waayaan waxa u danta ah ay taasi horseedi karto kacdoon ,

dhanka kale sawiirada oo iyagu soomaray kastamka kalaybaydh ayaa waxay warbaahinta qaar kula hadleen magaalada gabiley iyagoo kawaramay ujeeda safarkooda oo ay ku shegen u kuur galida dhaqdhaqaaqa ganacsi iyo sidii ay u xog waraysan lahaayen ganacsada reer togwajaale waa sida ay hadalka u dhigeene.

Magaalo ganacsiyeeda wajaale ayaa waxaa saamayn ku yeshay isku socodka xad labada dal oo mudo xidhnaa iyo cadadis kaga imanaya madaxda kililka oo ah sidii ay jidad kale ugu furilahaayeen ganacsatada reer ethoopiyo ah suuqa ugu wayn magaalada wajaale iyo guud ahaanba somaliland

 

WAJAALENEWS DESK

TOGWAJAALE OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

Exit mobile version