Dr Moxamed Rashiid oo ah Aqoonyahan, Suuganyahan, Taariikhyahan oo runtii bulshadu ixtiraam iyo qadarin badan ugu hayso qaybtiisa wacyi-galin ahaaneed ayaa waxa uu qoraal kooban saxaafadda ciwaan uga dhigay Midnimadii Horseedaysay Guusha KULMIYE Ee Mustaqbalka, maxamed waxa uu taabtay dhowr arimood oo ay kamid yihiin:
- Midnimadu inay hormood u tahay guul kasta oo cidi hanato, waa hubaal wadajirka iyo ujeedooyinka oo la mideeyaa inay hormood iyo bud-dhigid u tahay yool loo xadhko xidhnaa in la gaadho lagana midho-dhaliyo, Aqoonyahanka waan la qabaa lakin markaynu midnimada maanta ee KULMIYE ka hadlayno aragti ahaan kuma tilmaami karo middii guusha lagu heli lahaa inay gaadheen Hogaanka Ugu sareeya Xisbiga ee Gudoomiye Muse Biixi iyo Xukuumadda Madaxweyne Ahmed Siilanyo, arimahan dartood: Xisbiga KULMIYE marka loo eego 2010 sida uu guusha ku hantay iyo sida uu maanta u kabo tolanyahay ayaa farqi wayni u dhaxeeyaa, hore bulshadu waxay uga daalsanayd Xukuumaddii Rayaale oo Xukunka muddo dheeraysatay, waxa loo arkay inay arimihii bulshada ka seexatay, waxa laga daalay balanqaadyo aan waxbadani ka fulin, waxa la is-hogatusaaleeyey baahidda loo qabo isabadal yimaad iyo haldoorka KULMIYE oo loo arkayey kuwii ugu haboonaa dalkuna guulo badan ku gaadhi lahaa, Kulmiye mucaaridnimadii waxa uu lahaa ujeedo qudha, himilo midaysan iyo cudud meel qudha ku jihaysnayd, waxayna ahayd Ahmed Mohamed Siilanyo in Kursiga lagu hubsado maadama uu yahay halgamaa iyo samiryahan muddo badan u taagnaa hanashada kursiga, waxa intaa u raacayey dhamaan xubnaha Kulmiye inay guusha is-wada siinayeen garbaha odeygana loo wada simnaa, waxa kale oo laga midaysnaa dheefta iyo dheeraadka Kursigu jaro in dhamistiisa loo wada simanyahay. Arinkaa waxa balan fur ku noqday wixii waaqaca yimiday, in taladii iyo hogaamintii koox koobani isku duubtay, in haldoor badan oo guusha qaybaadka ugu wayn ahaa si gaar ah loo faquuqay, waxa midkaa sii dheer kooxda isku xayndaabtay Madaxweyne Siilanyo iyaga laftooduna inay kala ujeedo noqdeen. In koox waliba ay u gunti xidhatay dhaxalka dambe ee Kursiga, in xubnaha xayndaabka Madaxtooyada ku jiraa midna mid bixinayn, inay u qaybsameen kuwo aan Madaxweynaha gaadhin laga yaabaa marka qudha ay is-arkaan ay tahay xiliyada dalka uu ka dhoofayo ama soo guryo noqonayo in safafka salaamta la’isku arko, waxa jirta kooxo kooban oo xafiiska Madaxweynaha gala awaamiirtana kasoo qaata ama ogeysiiyaba, waxa kale oo jira koox kale oo kuwaa kuxidhan oo banaanka ku sii suga iyo koox kale oo midna la haysan, arimuhu marka uu sidaa yahay in dib loo midoobo ujeedadana la mideeyaa way adagtahay.
- Qodob labaad ee aqoonyahanku ka hadlay ayaa ahaa wada hadalka iyo marka la’isqabto in la isqanciyo dood iyo wada hadalna lagu dhamaysto, Maxamed waxa uu ku dhisay in arinkaa guul laga gaadhay lakin waxa muuqanaysa inaan la doodin, tabasho kastana la iska qancin waxa meesha kasoo baxayna ahayd is-muquunin iyo kala adkaansho, kuwii laga adkaadayna iyada oo dacar ka qadhaadhahay indho isqabad ku qudhqudhiyeen, taasna waxay noqonaysaa milay dushii dhayistiisu inayna xal ahayn cago adagna ku taagnaan Karin, tusaale waxa inoogu filan dhacdadii ugu dambaysay ee heshiiska lagu sheegay hadaladii meesha laga jeediyey in Muuse Biixi ayna u qudhqudhsanayn marna uuna soo hadal qaadin in wixii lagu heeshiiyey, badalkeedna meesha ka sheegay in laga adkaaday halka Madaxweyne Siilanyo ka sheegay in la isku afgartay wixii guurtidu soo jartay in lagu wada dhaqmo. sidaa darteed kuma salayn karno is-afgarad iyo isku laab xaadhni in Kulmiye wax ku dhamaystay waxayna u muuqanaysaa kooxahaa xayndaabka ku jira in lala daawado shaashadaha ay siyaabaha kala duwan u fiirshaan.
- Arinka sadexaad ee Aqoonyahan Maxamed ka hadlay ayaa u dhignaa wax-qabad Kulmiye ku talaabsaday in hubaalto ka dhigayso Madaxweyne Siilanyo inuu kursiga sii xejisto ay adagtahayna in laga faro-maroojiyo,, Xukuumaddu talaaboyin horumarineed way ku talaabsatay inay meelo badan wax ka qabatay, sida wadooyinka oo ay gacan ka gaysatay mashaariic diyaarsanayd lakin ay ku dhiiradeen inay fuliyaan sida Darajada Ciidamada iyo bilicda dhismayaasha dowlada, inay lacagtii ay gaadhsiiyeen gobalada bari, arimahaa iyo kuwo kale waa wax muuqanaya waana xilkii loo igmaday mana aha waxay ka badbadiyeen, lakin waxa muuqanaysa xilkaa saarnaa gaabis inuu ku jiray ay tahayna inay talaabada sii kordhiyaan (Laa shukran Calal Waajib) lakin waxa jira waxbadan oo la bi’iyey, sida bulshadii oo kala aamin baxday siyaabo kala gadisanna wax loo kala raadiyey waxana sabab u ah qabyaaladda iyo kala gurka bulshada, in sumcad xumo laga dhaxlay markii ugu horaysay ee doorasho la galo, siyaabaha guracan ee saxaafadda loola dhaqmo iyo qaylada ka yeedhaysa, xanibaadaha saraan si aan dastuuri ahayn Wargeysyo, in la arkay halkii awood ee dalku lahaa kala furankiisa iyo kooxo awoodo saa’id ah dhabarka ku qaatay, in haldoorkii gobalada bari la lumiyey sida Xaabsade oo ahaa shakhsigii Gobalka Sool gacanta Somaliland soo galiyey lakin intay Xukuumaddani jirtay qoomamo dib u celisay, midkaas oo dib u dhac ku keenaysa siyaasiyiin iyo qaybaha bulshada ee Gobalada bari inay soo dhiiradaan iyaga oo tusaale u qaadanaya koogii u waynaa waxa ciil gaambiyey, waxa kale oo muuqanaysa siyaasadii Africa iyo Somaliland in xagal-daacbadani ku yimiday una muuqato dano dhaqaale in waxbadan lagu badashay.
Arimahaa marka loo tusaalo qaato Kulmiye uma dhigmayo doorashadii hore wixii ka horeeyey, lakin waxa Kulmiye yahay kuwo gudahooga aan isbixinayn bulsho badanina waxbadan ka tirsanayso, iyaga oo inbadan iswaydiinaya hab-maamulka Xukuumadani inayna u muuqan kuwo wada jir dalka ku hantiyaya iyaga oo inbadanina ka shaki qabto awoodaha qarsoon ee shakhsiyaad ka mid ah Xukuumadani waxay mustaqbalka dhaxal siin doonto, awood xumada mucaaridka maynaan sheegin inay fursad u noqon karto Kulmiye ee waxaynu ka hadlaynaa waxa weeye wadadii guusha iyo midnimada Kulmiye waxay yeelsiinaysaa kuwa farahooga iskaga xoora Kursiga.