WAJAALE NEWS

Madaxweyne Ardayda New Generation Maxay kaa Gallabsaddeen?

Bisinka Illaahay iyo Saliga Rasuulka, ayeynu ku bilaabmaynaa, si balaayooyinka Sun sumay ee Salaq Salaq lihi inoo hareer maraan.Duco iyo balaayo xijaab intaasi inagagga Fillan. waxan maanta qallinka uqaatay oo aan doonayaa innaan wax kayidhaahdo arrin mudan in wax laga yidhaahdo. waxaan kamid ahaa, arddaydii sanadka ka qallin jabisay mid ka mida jaamacadaha Dalka, Gaar ahaan Jaamacada New Generation Faraceeda Hargeysa, New Generation Sida lawada ogyahay waa jamacad Ethiopian ah oo xarunteeda guud ku taallo Caasimadda dalkaas ee Adis ababa, waxay faracyo kaladuwan ku leedahy waddamo ay kamid yihiin Somaliland, South Suudan iyo Ginni Bisaw.

Ardayda Reer Somaliland ee dhigta faracan Hargeysa waxay nasiib u yeesheen in ay kusoo qallin jabiyaan xarunta middawga Afrika 16/8/2014 iyaggoo maggacii, calankii iyo milgihii Qaranka Jamhuuriyada Somaliland xambaarsan maamul iyo ardayba, waana jaamacada kaliya ee calanka Jamhuuriyada Somaliland ka dhex muujisay meel ay ku qallin jabinayaan arday ka kala timiday wadamo kaladuwan oo aan qaarkood garanayn Somaliland wadamadaas oo ay kamid yihiin:- Ginni Bisaw, South Suudan iyo dhamaan kililada waddan waynaha Ethiopia. Maamul iyo ardayba waxanu kadhex muujinay innanu kasocono Qaran kamid ah Qaramada Afrika annagoo sidanay Calanka Somaliland wallow wadamada qaar ay la yaabanayeen Calanka Somaliland balse arday ahaan intaan kursi wadaga ahayn waanku kadhaadhicinay Somaliland waxay tahay ciddii guumaysatay iyo inay ka mid ahaan jirtay wixii la isku odhan jiray jamhuuriyadii Somalia iyo halkay juquraafi ahaan kaag taal Afrika.

waxa kale oo aanu ardaydii kale ee isugu jirtay wadamada kala duwan ku wargalinay inaanu wadano madaxdayadii oo ka mid ahaayeen Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi Wasiirku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi galint Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cirro, Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Cali siciid Raygal oo dhamantoodba u yimid hawshan         qalinjabintayada. kadib markii xafladii noo dhamaatay maalmo ka dib waxaanu u soo boqoolnay waddanka oo lanoogu qabanayey xafladdii gaarka u ahayd qaybta Hargeysa. 3/9/2014 Maalin Arbaca ah ayaa waxa lanoo qabtay xaflad qiimo iyo qaayo badan leh oo ay ka soo qayb galeen dad wayne tiro badan oo ay kamid yihiin Urrurada ka sheqeeya arimaha bulshada iyo waalidiinta oo la wadaagaya Caruurtooda farxadda iyo rayn raynta ay inta badan rajaynayeen. waxa kale oo iyana xusid Mudan oo xaflada kasoo qayb galay xisbiyada Macaaridka ah oo uu u horeeyo Musharaxa Jaggada Madaxweynaha Mudane Jamal Cali Xuseen iyo ku xigeenkiisa Mudane Cabdirashiid Xasan Mataan, Marwo Faadumo Siciid oo kamid ah Haldoorka bulshada Somaliland. Balse waxa Nasiib darro ah in Madaxwaynahayagii oo aanu jeclayn inuu Farxaddaas nala wadaago ayaa qalin jabintayaddii ka majiirtay isagoo masuuliyiinta Jaamacada Markay Warqaddii martiqaadka, ay u geeyeen uu ku yidhi, Annigu Matago xafladaha ardayda, laakiin waxa idiin iman doona Madaxweyne xigeenka , waxba kumay jabnaadeen haddii uu dhamaan Jamacadaha uu kaqayb galo. Balse way dhici wayday oo madaxwaynihii sidaas lahaa Jamacadihii kala godobsay, maxaa yeelay 9/9/2014 waxa uu ka qayb galay qallin jabintii Jaamacada Admas University College, 10/9/2014 waxa uu ka qayb galay xafaladii Jamacadda Gollis University. Haddaba Mudane Madaxwayne waa iga su’aale ardayda Muwadiniinta ah ee New Genaration maxay kaa gallabsadeen? Mudane Madaxwayne ardaydan aad hagratay miyaanay la xuquuq ahayn kuwan aad farxadda la wadaatay, maxay kaga duwan yihiin miyaanay ahayn muwaadiniin Reer Somaliland ah? Mudane Madaxwayne miyaanay gaf iyo quudhsi ahayn inaad ubixii waddankaaga kala godobsato? Mise talladii aan la mahadin ee Wasiiradaada Waji ku macaashka ahi kusoo gaadhsiiyeen baa ahayd waa jaamacad yar?. Hadday yar tahay Miyaanay kaa mudnayn inaad ardayda dhigata dhiiri galiso. Miyaanay se madaxwayne ahayn kuwii qarramada kala duwan calanka Somaliland La dhextaagnaa iyagoo muujinaya shucuurtooda Waddaninimo. Ugu danbayn waxan maqalkan kusoo afmeerayaa Madaxwayne waxaad dayacday oo aad hagratay mid ka mida masuuliyadii laguu igmaday.

Qallinkii: Muxiyadiin Jaamaca Xirsi,

Hargiesa Somaliland.

Tell:0634149234 ,xiyo_66@hotmail.com.

Exit mobile version