WAJAALE NEWS

La Taliyihii Arimaha Doorashooyinka Somaliland Xaabsade oo ay Madaxweynaha iyo M/Ku-xigeenka Puntland Si diirran ugu soo dhaweeyeen Garoowe;

“Axmed waa Oday nagu soo biiray taladiisa, aqoontiisa, khibraddiisa Siyaasadeed intuba waxay u tahay wanaag Puntland, waxaan rejaynayaa wada- shaqayn fiican.” Madaxweyne Cabdiwali Gaas

“Haatan waxaan u soo laabtay inaan dib wax uga dhiso Puntland…Arrinta imaanshahana Madaxwaynaha iyo Madaxwayne Ku-xigeenka ayaa lahaa oo iga codsaday waanan ka aqbalay.” Axmed Cabdi Xaabsade

Garoowe(Wajaalenews):- Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Warfaafinta iyo Hawlaha guud ee Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade, isla markaana immika ahaa La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland u qaabbilsanaa arrimaha doorashooyinka iyo nidaamka Asxaabta badan, ayaa gaadhay magaalada Garoowe ee xarunta Maamul-goboleedka Puntland, halkaas oo ay Masuuliyiin kala duwan oo ay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulkaasi ku soo dhaweeyeen

 

 

 

 

Mas’uuliyiin badan oo Maamulka Puntland ka tirsan oo Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulkaasi hoggaaminayey, ayaa duleedka Garoowe kaga hortegay Axmed Cabdi Xaabsade iyo xubno la socday, waxaana soo dhawayntaa Masuuliyiinta kala qayb-qaatay dadweyne kale oo Rag iyo Dumar-ba isugu jiray oo si diirran u qaabbilsay Mr. Xaabsade oo u muuqda Masuul ka fakaday dawladda Somaliland.

Intaas ka dib Waxaa Waftiga Xaabsade ee Fakaday loo galbiyey Aqalka Madaxtooyada Garoowe, halkaasoo uu ku qaabbilay Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Gaas oo si kooban Saxaafadda ula hadlay, ayaa sheegay inuu si diirran u soo dhaweynayo Axmed Cabdi Xaabsade oo uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay tegistiisa Puntland.

“Waan ku faraxsanahay in gurigaagii Hooyo, deegaankaagii dhabta ahaa inaad noogu timaaddo, marti cid ugama ihid gurigaagii rasmiga ahaa baa ku yaalla, Ehelkaagi baa jooga, waan kugu soo dhaweynaynaa.” SIdaa ayuu yidhi Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Madaxweyne Gaas waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Axmed waa Oday nagu soo biiray taladiisa, aqoontiisa, khibraddiisa Siyaasadeed intuba waxay u tahay wanaag Puntland, waxaan rejaynayaa wada- shaqayn fiican.”

Sidoo kale, La-taliyihii Madaxweyne Siilaanyo Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa isna dhankiisa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay in uu dib ugu noqdo mar kale deegaannadii uu kasoo jeeday ee Putnland, waxaanu yidhi; “Haatan waxaan u soo laabtay inaan dib wax uga dhiso Puntland…Arrinta imaanshahana Madaxwaynaha iyo Madaxwayne Ku-xigeenka ayaa lahaa oo iga codsaday waanan ka aqbalay.”

Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa tan iyo markii xilka Wasiirka Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Somaliland uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ka qaaday ee uu u magacaabay inuu noqdo La-taliyihiisa gaarka ah ee arrimaha doorashooyinka iyo Xisbiyada, waxa uu u muuqday mid isu arka in laga takhallusay ama loo dhiibay xil aanu u qalmin oo uu hoos-u-soo dhacay.

Hase-yeeshee, waxaa tan iyo maalmihii inna dhaafay Warbaahintu wax ka qoraysay inuu u sii jeedo dhinaca Puntland, isagoo labadii habeen ee u dambeeyey marayey deegaannada ay Itoobiya, Somaliland iyo Puntland iska galaan, mararka qaarna la sheegay inuu Gaalkacyo u socdo, balse waxa uu goor gaaban oo galabta ah iska dhiibay magaalada Garoowe ee xarunta Maamul-goboleedka Puntland

Exit mobile version