WAJAALE NEWS

Kulan Balaadhan Oo Ay Jaaliyada Reer Gebilay Ee Dalka Ingiriisku Ay Ku Soo Sagootinayen Badhasabka Gobolka Gabiley.

sagootinLondon(Wajaalenews):-Kulan balaadhan oo ay jaaliyada reer Gebilay ee dalka Ingiriiska ku soo dhaweynayeen kuna sagootinayeen Badhasaabka gobolka Gabiley Mustafe Cabdi ciise ” Shiine” ayaa xalay ku qabsoomay hotelka Nomad ee galbeedka London. Kulankan oo ay soo abaabuleen hablaha jaaliyada UK ee reer Gebilay, waxa sidoo kale ka soo qaybgalay safiirka Somaliland u fadhiya dalka boqortooyada Ingiriiska Ms. Cali Aden, Badhasaabkii hore ee Gabiley Cali Aden Meet aad, ururada horumarinta ee jaaliyada ee ka soo jeeda gobolka aqoonyahan, waayeen, culimo iyo dhalin yards deegaankaa Gabiley ee ku nool inta badan gobolada dalkan Ingiriiska. Waxgaradkii goobta ka hadlay, ayaa rag iyo dumar ay ku guubaabiyeen Badhasaabka in uu xil weyn iska saaro wax u qabashada gobolka, maadaama uu yahay nin dhalinyaro ah oo ay reer Gebilay si weyn ugu hanweyn yihiin sidii uu ku bilaabay shaqada oo ay sheegeen inay ahayd mid reer Gebilay ay ku diirsadeen. Waxa Badhasaabka ay fareen xubnihii goobta ka hadalay qodobo ay ugu muhiimsan yihiin, sidii uu Mustafe Shiine uga dhaawicin lahaa xukuumadda in la dhamayatiro sharcinimada gobolka, taasi oo ay ku xidheen in codkoodu uu ku xidhan yahay oonay xukuumaddan u codeyn doonin haddii aan taasi fulin. Waxa kale oo Badhasaabka lagula dardaarmay in uu ka hawlgalo sidii looga shaqaysiin lahaa madaarka Kalabaydh oo ay sheegeen in uu ahmiyad balaadhan u Lee yahay gobolka. Badhasaabkii hore ee Gabiley oo isaguna goobta ka haday ayaa ka waramay daruufaha ku geedaaman Gabiley iyo awooda maamul ee xafiiska Badhasaabka, isagoo Badhasaabka ku guubaabiyay in dadku ay isagu mid u ahaadaan. Safiirka Somaliland u fadhiya UK Cali Aden oo isaguna goobta ka hadlay ayaa ayaa reer Gabiley ku guubaabiyay inay mideeyaan ururada ay kala Lee yihiin jaaliyada reer Gebilay. Gudoimiyaha gobolka Gebilay Mustafe Shiine oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay xaalada uu ku sugan yahay gobolka, isagoo sheegay in xukuumad ahaan ay aad u dedaalo ya an, Bashasaab ahaana uu qaaday talaabooyin dhawr ah oo lagu xaqiijinaayo ka shaqaysiinta hàyadaha DAWLADA. Gudoimiyaha Gabiley waxa kale oo uu sheegay in isagu siyaasad ahaan uu qaatay ay tahay inuu ka shaqeeyo dhinaca horumarinta, balse arrimaha nabadgelyada uu sheegay inuu u xilsaaray Badhasaabxigeenkiisa, iyadoo cuqaashana uu sheegay in ay u samaynayaan xarun ay isagu yimaadaan oo ay isaga xaalwaraystaan haddaba wixii soo kordha. Mustafe Cabdi ciise ” Shiine ” waxa kale uu ka waramay isagoo ka jawaabaya soo jeedimihii jaaliyada in Madaxweyne Siilaanyo uu gobolka u hayo ahmiyad weyn, gudoomiye ahaana uu hayo kalsoonidii uu madaxweynaha ku horgeyn lahaa sidii gobolka loo sharciyayn lahaa, taasina ay ugu jirto qorshaha inta aanu sanadkan dhamaan. Badhasaabku waxa kale oo uu balanqaaday in uu wasiirka duulista kala hadli doono sidii loo hawlgelin lahaa madaarka Kalabaydh. Mustafe Shiine waxa uu ka codsaday in ay ka hawlgalaan sidii ay gacan muuqata uga gaysan laahaayeen dhismaha waddada isku xidha Alleybaday iyo Arabsiiyo, taasi oo uu si gaar ah ugu dardaaray dumarku inay xil gaar ah iska saaraan sidii gobolka uu ula tartami lahaa gobolada kale, taasi oo uu sheegay inay tijaabada ugu horeysa ee hortaalaa ay tahay sida ay gacan uga geystaan dhismaha wadada Alleybaday iyo Arabsiiyo

 

 

Hargaysa Office

Wajaalenews.net

Email:habane00@gmail.com

Wariye:Abdiqadir Abdirahma Habane

Exit mobile version